Saturday, February 9, 2019
Jama Deperani: Cadde wuxuu ahaa cadde
Jama Deperani: Cadde wuxuu ahaa cadde: Alla Ha'unaxariisto Cadde Muuse Xirsi Anigu waxaan maqlay aniga oo yar , waxaan arkay anigoo ardey ah waxaana bartay aniga oo ah we...
Thursday, March 22, 2018
Abdiwahab Ahmed : In December 28/2017
Abdiwahab Ahmed : In December 28/2017: In December 28/2017 was so pretty time in life - every thing changed so fast because of i get married after being looked for an exact ti...
Sunday, November 5, 2017
HESHIISKA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AH
HESHIISKA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AH
Muqdisho, 5ta, November 2017
Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre; Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar); Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf); Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare; Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).
Kulanka waxaa looga hadlaayay qodobada ay ka mid yihiin:
1. Dardargelinta Nabadgelyada dalka iyo Ciribtirka Argagixisada
2. Horumarinta hannaanka Federaalaynta dalka
3. Dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka iyo Abuurista hannaan wadajir ah
4. Geedi socodka Doorashada 2020
5. Xoojinta wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
6. Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimo
Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:-

1. Siyaasadda
a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.
b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.
c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.
d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

2. Amniga
a. La-dagaalanka Argagixisada
i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.
ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.
iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

b. Dhismaha Ciidan Qaran
i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture).
ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.
iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.
iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

3. Arrimaha Federaalka
a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.
b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin.
c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.
d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.
e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda.

4. Arrimaha Doorashooyinka 2020
a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya.
b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka.
c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.
d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato.

5. Deb-u-eegista Dastuurka
a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.
b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa.
c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay.

6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada
a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya.
b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.
c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy).

DHAMMAAD
waxaan kasoo xigtay Page ka facebook ga ee wariye Abdirisaaq Catoosh https://www.facebook.com/AbdirizakHAtosh/?hc_ref=ARSezfD20JXXbDi_w2xLRFcQP0VqTMaoKpz3qIKj2nlSNNPBsGC-ueo8yLeAEzs9MYo&fref=nf
Monday, January 9, 2017
Haji Cami: Somaliland - Run Aan Weli La Isu Sheegin.
Haji Cami: Somaliland - Run Aan Weli La Isu Sheegin.: Somaliland - Run Aan Weli La Isu Sheegin. M uddo iminka qiyaastii laga joogo 3 sandood, ayaa waxa fariin email ah ii soo dirtey gabadh ...
Sunday, May 22, 2016
Haji Cami: SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW H...
Haji Cami: SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW H...: SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka l...
Saturday, May 21, 2016
Abdishakur Ali Mohumed: DASTUURKA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND: 20 Arrimood ...
Abdishakur Ali Mohumed: DASTUURKA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND: 20 Arrimood ...: Waxa run ah in qodobbo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland kamid ah ee aan weli la fulin (hirgelin) ama si khaldan loo adeegsaday ay a...
Saturday, April 30, 2016
HORN-WATCH: Maxaad Kataqanaa 10-ka Xayawaan ee Janada Galaya? ...
HORN-WATCH: Maxaad Kataqanaa 10-ka Xayawaan ee Janada Galaya? ...: Akhirtayaasha sharafta lahoow waxaan idiin soo gudbinaynaa 10 ka xayawaan ee janada galaya sida ay diiinta islaamku inoo sheegtay. ...
Wednesday, April 20, 2016
Yusuf Garaad: Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku shiray Ankara
Yusuf Garaad: Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku shiray Ankara: Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku kulmay Ankara ka dib markii ay martiqaadday Xarunta Daraasaadka S...
Monday, April 18, 2016
Saturday, April 9, 2016
Yusuf Garaad: Madasha Muqdisho iyo Muraadyada Miliqsan
Yusuf Garaad: Madasha Muqdisho iyo Muraadyada Miliqsan: Sawir hore oo Madasha ah Waxaa socota qabanqaabada Madasha Madaxda Dowladaha Gobollada iyo Dowladda Federaalka. Horeyba wey u dhici jir...
Monday, April 4, 2016
Warbixinta Castro ee Soomaaliya iyo Ethiopia 1977
Shir ay 1977 yeesheen Hoggaamiyaha Cuba iyo Hoggaamiyaha Jarmal Bari ayay uga hadleen Soomaaliya iyo Ethiopia. Arkiifiyada Jarmalka 2005 dibadda soo dhigtay wixii lagu wada hadlay. Waxaan u tarjumay Soomaali. Warbixinta aad akhrin halkan ka akhrin doonto waa hadalkii Fidel Castro oo keliya.
Waxaa fadhiga goob jog aha Jaallayaasha kala ah Hermann Axen, Werner Lambez, Paul Verner, Paul Markowski (oo ay wehliyaan Jaallayaasha kala ah Edgar Fries iyo Karlheinz Mobus oo u tarjumayay), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes.
*****
![]() |
| Fidel Castro iyo Erich Honecker (Midig) |
Goobtu waa Barliin-Bari. Waa maalin Axad ah. Abriil waa 3 1977. Waa Guriga Golaha Dhexe. Shir socday shan saacadood oo dhowdhow ayaa dhex maray Hoggaamiyaha Cuba, Fidel Castro oo markaa ka soo laabtay Geeska Afrika iyo Hoggaamiyaha Jarnalka Bari Erich Honecker. Marka lagu daro biririf dhexda ah, shirku wuxuu socday barqadii ilaa makhribkii. Wuxuu kulanku billowday barqadii 11:00 saac.
Waxaan kuu soo gudbinayaa hadalladii ay is weydaarsadeen labada hoggaamiye oo la faafiyay marka laga reebo 16 bog ee ugu horreeya oo qarsoodi ah.
Warbixintu waxay leedahay, Jaalle Erich Honecker si diirran ayuu u soo dhoweeyay Jaalle Fidel Castro iyo Jaallayaasha reer Cuba ee ku wehliyay wadahadalka hoose ee lagu qabtay magaca Guddiga Dhexe. Wuxuu hadalkiisa ku furay:
Waan ku faraxsan nahay booqashadaada Jamhuriyadda Jarmalka Bari iyo fursadda aan isku weydaarsaneyno aragtida ku saabsan natiijada booqashaada dhowr dal oo Afrika iyo Carabta ah. Aniga oo ku hadlaya magaca Politburo [Guddiga Siyaasadda ee dalka ugu sarreeya] waxaan jeclahay in aan mar kale kuu caddeeyo in aan booqashadaada dalalkaas u aragno mid muhiim ah. Waxaan ku soo dhoweynayaa Jaalle Fidel Castro in uu hadalka qaato.
Warbixinta Fidel Castro
Inta aanan ka amba bixin Cadan, waxaan Hoggaanka PDRY [Yemen-ta Koofureed] isla garannay baahida in la sameeyo wax kasta oo suurta-gal ah si ay is af garad u gaaraan Soomaaliya iyo Ethiopia.
Si wanaagsan ayaa la iigu soo dhoweeyay Soomaaliya. Waxaan ka dalbaday in aanay sameyn isu soo bax. Siyaad Barre aad ayuu saaxiibtinnimo iigu muujiyay cashadeennii koowaad. Inta aanan imaan ayaan helay jawaabtiisa dhambaal aan anigu hore ugu diray oo ku saabsan xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Ergay ayaan hore ugu diray Soomaaliya, kaas oo wadahadal la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Samatar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleymaan. Samatar isagu wuxuu u janjeeray Bidixda, halka uu Suleiman matalayay Midig. Wadahadalkii uu wakiilkeennu la qaatay waxay ahaayeen kuwo adag.
Inta aanan PDRY ka soo tegin ayaan xog badan ka helay xaaladda Soomaaliya. Awoodda garabka Midig wey sii kordheysaa. Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu isku deyayaa in uu sameeyo wax kasta oo suurta-gal u ah si uu Soomaaliya ugu dhoweeyo Sucuudiga iyo dalalka Imberiyaalistaha ah. Samatar awooddiisu wey wiiqmeysaa. Waxa oo dhami waxay u muuqdaan in kooxaha Midigtu ay geeska geliyeen [Samatar] oo ay koone ku kuuseen.
Habeenkeyga koowaad waxaan rabay in aan fahmo Siyaad Barre iyo kacaanka Soomaaliya. Cashadii dusheeda kumeynaan yeelan wax wadahadal siyaasadeed ah oo nuxur leh. [Siad] Barre wuxuu ii fasiray heerarkuu soo maray kacaanka Soomaaliya.
Subixii xigay waxaa naloo sameeyay barnaamij ballaaran oo booqasho ah. Waxaan nala geeyay goobo tiro badan. Waxaan tagnay xero ay Cuba dhistay oo malliishiya lagu tababbaro, Dugsi Beeraha, Iskuul carruurta reer guuraaga iwm. Saacado ayaa nala wareejinayay, inkasta oo aynaan weli yeelan wadahadal Siyaasadeed, dibadbax weyn oo Garoonka kubbadda cagta ka dhacayana aan tegeyno duhurnimada. Waxaan fahmay in ay doonayaan in ay ka baaqsadaan in aan yeelanno wadahadal noocaas ah bannaanbaxa ka hor.
Dibadbixii wuxuu billowday aniga iyo Siad Barre oo aan weli wax wadahadal gaar ah yeelan, tan darteed aad ayaan u feejignaa. Siad Barre [hadalka uu jeediyay] wuxuu ahaa kibraan aan hakaneyn. Malahaa wuxuu rabay in uu na baqdingeliyo.
Khudbadda aan ka jeediyay kulankii dadweynaha waxaan ka hadlay siyaasadda Imberiyaaliistaha ee Bariga Dhexe, kaalinta dib u socodka ah ee Saudi Arabia iyo ficillada quwadaha kale ee dib u socodka ah. Sidaa ayaan yeelay aniga oo og in waddanka uu ka jiro janjeer weyn oo daneynaya in xiriir dhow lala yeesho dalalkaas. Waxaan ka hadlay halganka PLO [Ururka Xoreynta Falastiin], Kacaanka Ethiopia iyo Kacaanka Libya. Iyo Algeria-da horusocodka ah ee la doonayo in la faquuqo. Mozqmbique ayaan ka hadlay, markaas ayaan gunaanadkii keliya uga hadlay sida Imberialistuhu uu u doonayo in uu dib u celiyo horukaca Soomaaliya. Siyaad Barre wuxuu i horkeenay ka qeyb galayaasha dibadbaxa dadweyne isaga oo aan oran kelmad siyaasad ah.
Inta aan kulanka dadweyne dhicin, waxay sii cayaareen hal qeyb [45 daqiiqo] oo kubbadda cagta ah. Lama oga in cayaartu ay ahayd wax lagu soo daray dibadbaxa iyo in arrintu ay taa cagsigeed tahay. Khudbaddeydu waxay ka soo horjeedday damaca garabka Midig waxayna taageeertay garabka Bidix. Waxaan aragnay in ku dhowaad dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ay sabciyeen, marka laga reebo Suleymaan iyo dadkiisa. Samatar aad ayuu u qancay, xataa Siyaad Barre wuxuu u muuqday in uu qancay. Si kastaba ha ahaatee, kulanka si toos ah loogama sii deyn Radio ama TV.
Habeenkaas ayaan billownay in aan ka hadalno dhibaatooyin cayiman annaga oo joogna meesha aan deggan ahay. Aniga wey ii muuqatay in ay tahay in aan taxaddarno, waayo wey iska caddeyd in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu meesha ku rakibay qalab na basaasa. Isla habeenkaas ayaa aakhirkii Siyaad Barre uu ka hadlay Ethiopia. Wuxuu Ethiopia la meel dhigay Boqortooyadii Tsar wuxuuna yiri Ethiopia waa Gumeysiga keliya ee soo haray. Mahadi ha ka gaarto xikmaddii Lenin, Boqortooyadii Tsar meesha wey ka baxday, laakiin Ethiopia wey ka jirtaa.
Muddo hadda wakhti laga joogo ayuu [Siyaad Barre] u soo jeediyay Ethiopianka in ay labada dal sameystaan nidaam Federaal ah oo ka dhexeeya amaba ay midoobaan. Ethiopia markaas kama aanay jawaabin, ase hadda iyada ayaaba soo jeedineysa xalkaas.
Isaga oo ay ku qanacsanaan aad ahi ay ka muuqato ayuu fasiray sida uu isugu dayay in uu Ethiopia xal la gaaro.
Fursadda waxaan uga faa’iideystay in aan Siad Barre u sheego in aan berri subax aadayo Ethiopia. Waxaan weydiiyay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Mengistu [Hoggaamiyaha Ethiopia]. Wuu aqbalay.
Castro iyo Mengistu
![]() | |
|
Rasaas ayaa mar kasta dhacaysay. Mengistu wuxuu i geeyay meeshii ahaan jirtay qasriga Imberiyaaliyadda. Isla bartaas ayaa wadaxaajoodku ku billowday. Xogtii aan awalba haystay ayaa ii rumowday. Maalintii xigtay ayaan sii wadnay wadaxaajoodkeennii. Dabcan waxay ahayd in aan aad isu ilaalinno xagga amniga. Ethiopian-ku waxay keeneen Qayb dhan oo ciidan ah, aniguna Guuto ciidanka Cuba ah ayaan la imid. Maalinta aan nimid waxaa suuqa ku jiray war ah in uu afgembi dhacayo. Ma dhicin.
Waxaa ii soo baxday in Kacaan run ahi uu ka socdo Ethiopia. Dalkaan oo ay ka talin jirtay Boqortooyo guun ah, waxaa hadda dhulka loo qeybinayaa dad reer miyi ah. Qof kasta oo beeraleey ah waxaa la siiyay 10 hektar. Magaalooyinka qudhooda waxaa ka socday isbeddel. Muwaaddin kasta waxaa loo qoondeeyay in uu lahaan karo ugu badnaan hal guri. Dhulal ayaa loo diyaariyay in laga hirgeliyo guriyeyn.
Hayaan baaxad leh ayaa isaguna jira. Caasimadda, dad 500,000 gaaraya ayaa si dhakhsa ah loo abaabuli karaa. Bishii Febraayo, wafdigeennii sahanka ahaa, ka dib markii uu booqday qeybaha ciidanka, waxaa u soo baxday in boqollaalkii Jeneraal, laba ma ahane inta kale laga saaro ciidanka. Saraakiisha iyo saraakiil xigeenku waxay la wareegeen Hoggaanka dalka. Hadda, Hoggaanku wuxuu ka fekerayaa in uu unko Xisbi. Waxaa jira dagaal dabaqadeed oo aan naxariis lahayn oo looga soo horjeedo dhulgoosiga dalka ka jira. Awoodaha Burjuwaasiyiinta yaryar ayaa is abaabulaya ayaga oo Kacaanka ka dhan ah. Dhaqdhaqaaq xooggan oo goosad doon ah ayaa ka jira Eritrea. Sudan halis ayaa ka soo fool leh. Soomaaliya waxay sheeganeysaa dhulka Ethiopia 50%. Isku dhac soohdimaha ah ayaa carrigaan ka jiray 500 oo sano.
Mengistu wuxuu iigu muuqday Hoggaamiye afgaaban, aad u fiirsada, daacadna ah oo ka warqaba awoodda shacabka. Waa qof caaqil ah oo xikmaddiisa muujiyay 3-dii Febraayo. Kooxaha Midigtu waxay doonayeen in ay cagta mariyaan Bidixda 3-da Febraayo. Hordhac waxaa u ahaa khudbad xamaasadeysan oo uu jeediyay Madaxweynaha Ethiopia asaga oo ku doodaya waddaniyad. Mengistu wuu fashiliyay shirqoolkaas. Saacad ka hor ayuu shir isugu yeeray Golaha Kacaanka, markaas ayuu xiray hoggaamiyayaashii Midigta wuuna toogtay. Go’aan aad u mhiim ah ayaa ka dhacay Ethiopia 3-dii Febraayo.
Siyaasadda dalka oo dhan ayaa is beddeshay. Waxayna taasi u suurta-gelisay in ay qaadaan tallaabooyin markaa ka hor ahaa wax aan dhici karin. Awal waxa keliya oo suurta-gal ahaa in si dadban loo taageero xoogagga Bidixda, hadda waxaan xoogaggaas u taageeri karnaa sida aan doonno.
Waxaan weydiiyay Mengistu in uu diyaar u yahay in uu Siyaad Barre kula kulmo Cadan. Waan isku af garannay.
Markii aan dhammaysannay wadahadalka waxaan u duulay Cadan.
Markii aan dhammaysannay wadahadalka waxaan u duulay Cadan.
Siyaad Barre Vs Mengistu Haile Mariam
Siyaad Barre wuxuu Cadan yimid isla subaxaas. Mengistu ma soo degin ilaa galabnimadii. Waxaan wadahadal la qaatay Siyaad Barre markaas ayuu soo bandhigay tabashadiisa. Wuxuu igu yiri, haddii uu Mengistu yahay kacaan dhab ah waa in uu yeelaa sidii Lenin, waana in uu ka kacaa dhulkeyga. Siyaad Barre wuxuu qaatay mowqif adag.
Waxaan weydiiyay in ay la tahay in aan Ethiopia kacaan dhab ahi ka dhicin iyo in Mengistu aanuu ahayn Hoggaamiya Bidixda ah oo run ah. Wuxuu igu yiri Ethiopia kacaan kama dhicin. Markii aan Muqdisho joogayna wuxuu i tusay khariidad muujineysa Ethiopia barkeed oo lagu daray Soomaaliya.

Markii aan Siyaad Barre la hadlay ka dib waxaan Mengistu u sheegay sida uu Siyaad u dhaqmayo. Waxaan weydiistay in uu is dejiyo. Durba waxaan ka xumaaday in aan Mengistu ku casuumay Cadan iyada oo xaaladda waddankiisu ay cakiran tahay, haddana xaaladdan kacsan ay tahay in uu dhegeysto Soomaaliya oo dhul ku sheeganeysa.
Mar uu iiga jawaabayay su’aal aan ka weydiiyay xaaladda ciidanka Ethiopia, Mengistu wuxuu ii sheegay in weli ay dhibaato ka taagan tahay laakiin aanay hadda isaga la ahayn in ay jirto khatar weyn oo afgembi.
Markii shirku billowday, durba Siyaad Barre ayaa hadalka la booday. Siyaad Barre waa Jeneraal wax ku soo bartay gumeysi hoostiis. Kacaanka Soomaaliya waxaa hoggaamiya Jeneraallo dhammaantood ku awood badan yeeshay xilliyadii gumeysiga. Aragti ayaan ka qaatay Siyaad Barre, waa nin cunsuri ah. Cunsurinnimada ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee ku jira. Hantiwadaaggu waa qolof kore oo uu huwan yahay oo ujeeddadu ay tahay in uu indhaha soo jiito. Wuxuu hub ka helay waddammo hantiwadaag ah. Siyaasaddiisa hantiwadaagguna waa mid shacabka loo sheegayo. Xisbigu waxa keliya oo uu u jiraa in uu isaga awooddiisa shakhsiga ah taageero.
Xaalkiisu waa isku-dhaf silloon. Waa isku darka rag militeri ah oo soo maray Iskuulka gumeystaha iyo muuqaal bulsho. Hantiwadaagga wax ka mid ah ayaa soo jiitay, laakiin guud ahaan waxaa weli dalka ka jira kala sarreyn iyo caddaalad darro. Fikradihiisa ugu waaweyni waa waddaniyad cunsuriyeysan, ma ahan Hantiwadaag.
Bartilmaameedkiisu waa siyaasad noocii hore ah. Hadallo macaan oo saaxiibtinnimo. Siyaad Barre wuxuu u hadlaa sida nin caaqil ah, [ase] waa hadal uun. Wuu ka duwan yahay Hoggaamiyaal siyaasadeed oo badan oo aan aqaan; [Madaxweynaha Masar Anwar] Sadat, [Madaxweynaha Algeria Houari] Boumedienne, [Madaxweynaha Mozambique Samora] Machel, [Madaxweynaha Angola Agostinho] Neto iyo qaar kale oo badan waxay leeyihiin shakhsiyad adag. Wey ku dhegeysan karaan ayaga oo aan meel ku dhegin. Hadalna waa lala wadaagi karaa.
Siyaad Barre wuxuu runtii isu haystaa in uu yahay ninka dadka ugu Xikmadda Sarreeya. Ilaa iyo hadda wax waliba si sahlan ayay ugu qabsoomeen. Talyaani iyo Ingiriis ayaa ka dhigay Jeneraal. Kacaankii (afgembigii) wuxuu ku hirgalay daqiiqad gudaheed ayada oo aan xabbad la ridin. Wuxuu gashaday weji hantiwadaag. Wuxuu kaalmo dhaqaale iyo hub ka helay Midowga Soofiyeeti. Istaraatiijiyad ahaan waddankiisu waa muhiim. Waana sumcad jecel yahay. Barre waa is cajabiyay, weliba si aad ah.
Hadalheyntiisa Hantiwadaaggu ma ahan wax la dhegeysan karo. Waa Hantiwaagga ugu weyn. Toban eray ma dhihi karo isaga oo aan ereyga Hantiwadaag xusin.
Isaga oo noocaas u hadlaya ayuu billaabay in uu Mengistu la hadlo shirka gudihiisa. Wuxuu ku billaabay in uu bixiyo cashar ku saabsan Ethiopia. Wuxuu weydiistay Mengistu in uu yeelo sidii Lenin: In uu ka tanaasulo Imbaraadooriyadda Ethiopia.
Mengistu wuu degganaa; wuxuu sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay dooneysana in ay xal hesho. Wuxuu sheegay in looga baahan yahay labada dhinac tallaabooyinkii ugu horreeyay ee la taaban karo si loo gaaro isu soo dhowaasho.

Siyaad Barre si cir-ka-soo-dhac ah ayuu u jawaabay. Wuxuu sheegay in uu ku hungoobay Mengistu oo u dhaqmaya isla sidii ay u dhaqmayeen Boqorrada Ethiopia. Hoggaamiyayaasha Kacdoonka Ethiopia waxay u fekerayaan sidii Haile Selassie.
Shirku wuxuu billowday 11-kii habeennimo, xalna ma soo muuqdo.
[Madaxweyne ku Xigeenka Cuba] Carlos Rafael Rodriguez ayaa markaa soo jeediyay in la dhiso Guddi ka kooban Ethiopia, Soomaaliya iyo PDRY [Yemen-ta Koofureed] loona xilsaaro in ay soo helaan si xal lagu gaari karo. Intii kale oo dhami Guddiga ayay nagu dareen annaga oo aan dooneyn.
Siad Barre wuxuu sii watay ficilkiisii ninka xikmadda badan ah. Ee ah Hantiwadaagga weyn. Ee Marxist weyn ah.
Haddana waxaa la yaab leh in uu u hadlayo sidii in uu yahay hal xubin oo ka tirsan “hoggaan wadaag ah” oo ka haysta idin Guddiga Siyaasadda ugu sarreeya, iyo baahida in uu wax kasta iyaga kala tashado.
Biririf
Biririf yar oo uu wafdigiisa kula soo tashaday ka dib, wuxuu soo jeediyay wadahadal toos ah oo dhex mara isaga iyo Mengistu.
Mengistu, oo dareensan in meesha lagu caayay, kana aammin baxay Siad Barre intii u hadalkii hore jeedinayay, wuu aqbalay [in uu wadahadal toos ah la yeesho Siyaad Barre] laakiin hadda ma ahan. Marka hore waa in la xalliyaa arrinta ku saabsan Guddiga.
Shirku wuxuu noo socday ilaa 3.15 habeennimo [Abbaaraha xilliga Addinka hore ee salaadda subax]. Siyaad Barre wuxuu diyaarsaday qoraal heshiis ah oo uu ku aqbalayo Guddiga laakiin fareysa in ujeeddada ugu weyn ee Guddigu ay tahay in uu xalliyo su’aalaha taagan ee soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia. Markaa Guddigu halkaa ayuu howshiisa ka billaabayaa. Maxay tahay in ay Ethiopianku uga jawaabaan soo jeedintaas daandaansiga ah?
Intii birirfta lagu jiray waxaan la hadlay Mengistu oo aan qarsan diidmadiisa Siad Barre. Waxaan isagana la hadlay Siyaad Barre oo aan weydiiyay in ay ka dhab tahay in uu xal doonayo. Wuxuu yiri jawaabtaas Mengistu ayaa laga rabaa. Wuxuu sii watay hadalladiisii Kacaanka. Wuxuu sheegay sida ay tahay in kuwa uu ka dhab yahay Hantiwadaaggu, Kacaanyahannada runta ah ay inta aamminsan Marx in aanay xaqiiqada iska indha tirin. Wuxuu yiri Mengistu runtii waa nin adadag, nin qaaday tallaabooyin culculus; Maxaa ka hortaagan in uu sidaas oo kale go’aan u qaato, oo halkan ku gaaro sida loo xallinayo arrintan?
Mowqifka Fidel Castro
Halkaa marka ay mareyso, waxaa i soo wajahday su'aal adag oo ah in aan hadlo oo aan caddeeyo aragtideyda mowqifka Siyaad Barre iyo in aan uurka ku haysto. Waxaan goostay in aan hadlo, sababahan awgood:
1. Aamusnaan waxaa macnaheedu noqon karaa in aan ku raacsan ahay Soomaaliya mowqifka waddaniyadda cunsuriga ah iyo natiijada ka dhalan karta. Waxaa kale oo macnaheedu noqonayaa taageero aan siinayo kooxaha Midigta ee Soomaaliya.
2. Siyaad Barre in aanan u jawaabin waxaa macnaheedu noqonayaa in kaalmo kasta oo dalalka Hantiwadaaggu ay siiyaan Ethiopia, sideey doonto ha u yaraatee, in Siyaad Barre u fasiri doono ballanfur [Soomaaliya lagu sameeyay].
3. Xaalad noocee ah ayay u abuureysaa PDRY [Yemen-ta Koofureed] oo mar dhow ku taageeri rabta Ethiopia taangiyo, baabuur waaweyn iyo madaafiicda goobta iyada oo la kaashaneysa Soofiyeetiga?
Inahaas waxaa dheer, Siyaad Barre ma ahayn keliya in uu hadallo qadaf ah ku geystay goobta. Si dadban ayuu u hanjabay. Wuxuu mar yiri, ma jiro qof og meesha arrintaani ay saldhigan karto.
Intaas darteed waan hadlay. Waxaan sheegay in Siyaad Barre uu rumeysan yahay in aan Ethiopia kacaan dhab ahi ka dhalan. Waxaan fasiray in dhacdooyinkii Febraayo 3 ay si buuxda uga jawaabayaan su’aashaas. Waxaanan sheegay in Mengistu uu yahay Hoggaamiye Kacaan.
Waxaan ku daray in aan ka aamminsan nahay dhacdooyinkii Febraayo 3 in ay ahaayeen kala guur. Waxaan sheegay in Mengistu yahay Hoggaamiyaha isbeddel qoto dheer.
Waxaan caddeeyay in aynaan ku raaci karin Siyaad Barre mowqifkiisa. Waxaan iri mowqifka Siyaad Barre wuxuu halis ku yahay Kacaanka Soomaaliya. Wuxuu halis geliyay Kacaanka Ethiopia. Taasina waxay dhashay khatar ah in PDRY [Yemen-ta Koofureed] ay go'doonto. Gaar ahaan waxaan culeyska saaray in mowqifka Siyaad Barre uu gacansiinayo dadaalka garabka midig ee Soomaaliya lafteeda ee ka dhanka ah Hantiwadaagga, ayna ku doonayaan in ay Soomaaliya u gacan geliyaan Sucuudiga iyo Imbiriyaaliyadda.
Waxaan sheegay in siyaasadahaasi ay wiiqayaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay waddammada Hantiwadaagga ah ayna horseedi doonto burburka Kacaanka Soomaaliya.
Waxaan u baaqay dareenka Siyaad Barre iyo dhamaanba Hoggaanka Soomaaliya in ay qaataan mas’uuliyad taariikhi ah. Waxaan sheegay in aanay ila ahayn in arrintaani ay horseedi doonto dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia. Laakiin in aan taa ka cabsi qabo, maaddaama dagaal uu noqon doono wax aad u culus, ayaan iri. Ma rumeysni in ay jiraan dad dagaal ka dhex oogi doona shucuubta.

Sidaa saraaxiga ah markii aan u hadlay, Siyaad Barre ayaa durbadiiba hadalka qaatay. Wuxuu sheegay in aanuu marnaba dagaal dooneyn, maaddaama uu hantiwadaag iyo kacaan yahayna inuusan marnaba dariiqaas mari doonin. Haddii xeyndaabka Hantiwadaaggu uu doonayo in uu Soomaaliya iska gooyo, taasi waa howl u taalla [dalalka] Hantiwadaagga.
Siyaad Barre in aan shirkaan keeno culeys ayaan ku saaray, laakiin Mengistu kuma soo khasbin.
Markaas, waxaan xusay in aan taageersanaa kulan Madaxeedka Siyaad Barre iyo Mengistu, laakiin kamaan hadal aflagaaddada uu Siyaad Barre u geystay Mengistu. Waxaan sheegay in aan Cuba damacsaneyn in ay iska goyso Kacaanka Soomaaliya, taa lidkeed, waan taageernay.
Shirkii intaa aan ka marnay wuxuu ku dhammaaday natiijo la’aan.
Gunaanadka Warbixinta Fidel Castro
Hadda haddii aan kaalmo siinno Ethiopia, Siyaad Barre xaq uma laha in uu nagu eedeeyo in aan ku ballan furnay iwm. Si cad ayaan ugu sheegay in Ethiopia uu Kacaan ka dhashay ay tahayna in aan taakuleyno.
Si kastaba ha ahaatee, kulammadii aan Siyaad Barre la qaatay waxaan ka dhadhansaday in uu si uga didsan yahay Midowga Soofiyeeti. Wuxuu dhibsanayay in Soofiyeetigu keeni waayay biraha dayactirka iyo cagafyo iyo in shidaalku soo daahay, inkasta oo marar badan la ballan qaaday.
Danjiraha Midowga Soofiyeet [ee Muqdisho] ayaa noo fasiray sida ay wax yihiin. Soomaalidu waxay mar kasta beddelayeen ra’yigooda ku saabsan waxa ay u baahan yihiin ee ay codsanayaan, taas oo dabcan daah keentay. Intaa waxaa dheer, nasiib darro in markab haan ah oo shidaal u siday Soomaaliya uu badda ku degay intii uu Soomaaliya u socday.

Intii aan Siyaad Barre warkaa u sheegayay wuxuu yiri Soofiyeetku waa beenaaleyaal. Wuxuu yiri arrintaani ma ahan wax ka socda Politburo [Guddiga Siyaasadda ee Soofiyeetiga ugu sarreeya] ee waa cuuryaamin ay wadaan maamulayaashu.
Ku kacsanaantiisa iyo dhaliishiisa Soofiyeetiga marar kale ayaan dareemay. Wuxuu sheegay in dalkiisa ay biyo la’aani ka jirto, in lo’du ay bakhtineyso, moosku aanuu wakhtigiisa ku bislaaneyn, waxaas oo dhanna ay u sabab yihiin in bamamkii biyaha soo tuuri lahaa ee Soofiyeetigu keenay aanay shaqeyneyn.

Dhaqankaas Siyaad Barre awgiis, waxaan arkaa halis weyn. Taas ayaana u sabab ah in aan idiinkugu warramo sida dhabta ah ee aan wax u arko aniga oo aan hadalka maldihin.
Waxaan goostay in aragtideyda si saraaxiya aan idiinkagala doodo. Waddammada Hantiwadaagga ah waxaa soo food saartay dhibaato. Haddii ay caawiyaan Ethiopia waxay waayayaan saaxiibtinnimada Siyaad Barre. Haddii aan la caawinna Kacaanka Ethiopia wuu dhimanayaa. Waa taas arrinta ugu muhiimsan waxan oo dhan.
F.G. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan akhristayaasha, faafiyayaasha iyo inta ka faallootay. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa saaxiibbada intaba isku daray oo akhriyay, faafiyay, kana faallooday.
Dhammaad
F.G. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan akhristayaasha, faafiyayaasha iyo inta ka faallootay. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa saaxiibbada intaba isku daray oo akhriyay, faafiyay, kana faallooday.
Sunday, March 27, 2016
Yusuf Garaad: Shir Qarsoodi ah oo 1977 looga hadlay Soomaaliya
Yusuf Garaad: Shir Qarsoodi ah oo 1977 looga hadlay Soomaaliya: Fidel Castro (Bidix) iyo Erich Honecker Goobtu waa Barliin-Bari. Waa maalin Axad ah. Abriil waa 3 1977. Waa Guriga Golaha Dhexe. Shir ...
Wednesday, January 6, 2016
cawke Iyo Madadaalooyinkii Laga Reebay Qaar Yuusuf Garaad
Sannadkan 2015 waxaan boggeyga ku qoray 99 warbixinood oo xambaarsan macluumaad kala duwan. Qormadeyda boqolaad ee 2015 waxaan u hibeeynayaa Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke.
Sannadkan 2015 waxaan boggeyga ku qoray 99 warbixinood oo xambaarsan macluumaad kala duwan. Qormadeyda boqolaad ee 2015 waxaan u hibeeynayaa Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke.
Saaxiibkeey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka oo aan qoray 18 November, saaxiibbo ka faallooday ayaa sheegay in markii ay akhriyeen ay ilmeeyeen. Uguma talo gelin in aan cid ka ilmeysiiyo, laakiin waxaan isku dayay in aan soo bandhigo xusuus kooban oo ka mid ah wanaagga aan ku aqaannay Cawke.
Maanta waxaan goostay in aan qoro sheekooyin yar yar oo maad ah oo aan ka maqlay Cawke xilliyo kala duwan. Waxaan ku soo beegay soo dhoweynta sannadka cusub ee 2016, maaddaama uu Ca
Maanta waxaan goostay in aan qoro sheekooyin yar yar oo maad ah oo aan ka maqlay Cawke xilliyo kala duwan. Waxaan ku soo beegay soo dhoweynta sannadka cusub ee 2016, maaddaama uu Ca
wke sameyn jiray barnaamijyo maad u badan xilliyada ciidaha iyo sannadka cusub.
Wuxuu ahaa nin sheekoole ah oo kaftan badan. Wuxuuna ahaa nin u fiirsada marba dhaqanka uu dhex joogo iyo waxa hareerihiisa ka dhacaya, dabadeedna isku daya in uu sheeko ka sameeyo.
Sida saliidda matoorku u kala ilaaliso in ay is lisaan biraha matoorka ayuu ahaa nin kooxda uu markaa la shaqeynayo, isaga oo howsha wada haddana ku dhex dara maad yar oo dadka ka qoslisa oo yara illowsiisa werwerka mas’uuliyadeed ee ka dhasha ogaashaha culeyska shaqada harsan iyo karkabada wakhtiga isguraya.
Beryihii uu London ku cusbaa wuxuu iiga sheekeeyay mar ay ka hor yimaadeen laba ruux oo booliis ah oo lebbisan. Markiiba waddo aanan dooneyn ayaan ku leexday oo waan u gooyay, ayuu yidhi. Markii aan cabbaar sii socday aniga oo socod boobaya gadaalna iska eegaya ayaan soo xusuustay, ayuu yidhi, in aan London joogo oo aanan joogin Nairobi.
*****
Wuxuu mar igu yidhi – af Ingiriiska waxaan ugu neceb ahay su’aasha ah; Are you all right?
Maalin ayaan ku kufay, ayuu yidhi, meel London ka tiran oo fagaare ah. Aniga oo dhulka aalla, boorsadeydiina ay iga faniintay oo meel aan iga fogeyn ay taallo, ayaa waxaa isugu keey darsamay xanuun, welwel in aan jabay ama aan mudhxay aan ka qabo iyo ceebta nin weyn oo kufay. Waxaan arkay ayuu yidhi haweeney Ingiriis ah oo i dul taagan.
Are you all right? Ayay i weydiisay. Si aan ugu jawaabo ayaan garan waayay, ayuu yidhi. Sababta oo ah wey i aragtaa in aanan all right ahayn.
*****
Maalin ayay gabadh qurux badan oo Ingiriis ah ay Cawke timaha u jareysay aniguna isaga ayaan sugayay. Aniga iyo isagu waan sheekeysaneynay inta ay timaha u jareyso. Wuxuu yidhi, war Yusuf haddii aan inantan sawiro, miyeey Soomaalidu iga yeelayaan tanaa timo ii jartay?
Wuxuu sheekadaas ku soo celiyay maalin aan ka qadeyneynay makhaayad yar oo la yidhaahdo Amici oo ku taal waddada Kingsway oo u dhow Bush House. Gabadh aad indhaha u soo jiidaneysa oo ay xusuusteydu ii sheegeyso in ay ahayd Talyaani ay dalabka naga qaadday, raashinkana noo keentay.
*****
Habeen aniga iyo Cawke aan wada soconnay xilli qabow ah, roob da’ayo ayuu socodkuna dhib ahaa siiba haddii aad ka hor imaaneyso dabayl waalan oo dhacaysay. Waxaan ka soo baxnay godka tareenka khadka dhexe ee Queensway ayaan ka soo baxnay. Waddada isla magacaas leg ee xaafadda Bayswater ayaan lugeynay. Dadka qof waliba isaga oo isa soo duudduubay, dallad sita haddii aan dabayshu ka jebin am aka bitin, madaxana hoos u dhigaya sidii in uu hidhi u diyaargaroobayo ayuu socod boobayay si uu dhakhso ugu helo meel dugsi leh. Dadka qaar way ordayeen si ay dhakhso uga gudbaan roobka iyo dhaxanta.
Naxariis darrada jawiga mar ay noo sii hakiyeen baabuur ku joogta waddada Moscow oo aan markaa goyneynay ayaa waxaa naga hor yimid nin ay baalka ugu jirto gabadh yar, si wanaagsanna aan qabowga uga soo lebbisan oo aad arkeyso sida ay u qadhqadheyso. Labada ruuxee naga hor yimid waxay isugu dheggenaayeen si la garan karo xidhiidhkoodu waxa uu yahay. Cawke intuu saa u eegay ayuu yidhi, War ninyahow, naftan yar muxuu ka soo lug gooyay?
*****
Maalin kale wuxuu arkay oday Ingiriis ah oo bas markaas sii dhaqaaqaya is leh ka gaar oo ka daba cararaya – dabcan intii tabartiis ah. Cawke wuxuu yidhi odagani haddii uu Hargeysa joogi lahaa, saacaddaan bas kama daba ordeen ee Golaha guurtida ayuu ku jiri lahaa.
*****
Mararka qaar waxaa dhacaysa annaga oo Xafiiska fadhinna oo iska faraxsan ama sheekeynaya in uu telefoonka xafiisku uu mid shaqaalaha ka mid ah u soo dhaco. Waxaa laga soo wacayaa Soomaaliya ama meel kale oo Geeska Afrika ka tirsan. Qofkaas waxaa laga yaabaa in la weydiinayo lacag aanuu markaa diyaar la ahayn ama loo qabsado lacag uu hore u ballanqaaday laakiin uu diristeeda la daahay sabab kasta ha keentee.
Waxaad arkeysaa qofkii oo isbeddelay, oo difaac ku ururay, asaga oo isku dayaya in uu codkiisana hoos u dhigo si aan shaqaalaha kale u fahmin faahfaahinta xaaladdiisa shakhsiga ah.
Cawke waxaad maqleysaa isaga oo marba ereyga qofka ugu dambeeyay carrabkiisa ka daba dhahaya ka dibna tiisa raacinaya sida: “Dee haye” ku lahaa, “ha kaa saarto. ”
*****
Cawke waxaa la iiga sheegay in ay dhowr habeen haasaawe isu raaceen niman uu ka mid yahay mid saaxiibkiis ah oo shaqada idaacadaha ku cusub. Weriyaha cusubi wuxuu mar walba Cawke uga sheekeeyaa shaqo uu maalintaa qabtay sida wareysi uu qaaday ama warbixin uu qoray iwm ama howl uu qorsheynayo in uu qabto maalinta xigta. Cawke wuxuu dhibsaday howshan uu maalintii oo dhan ku jiro, habeenkiina looga sheekeynayo.
Markii dambe Cawke wuxuu saaxiibkiis ku yidhi – Saaxiib adigu miyaadan shaqada kaba rawaxin?
*****
Berigii kacaanka ayaa nin madax ahi habeen khudbad u jeedinayay dadweynaha Hargeysa. Mikrofoon cod dheer ayuu ku hadlayay.
Nin derbi jiif ah oo xeyraansan oo caaddaas maraya oo aan goobta la isugu soo baxay joogin ayaa waxaa soo gaaraya codka ka baxaya sameecadaha awoodda badan. Khudbaddii oo dhan ayuu maqlayaa. Ninka madaxda ahi wuxuu hadalkiisa ku soo gooyay – Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada.
Sida Cawke ii sheegay ninkii derbi jiifka ahaa bartiisa ayuu ka jawaabay: Anigu ninna ku tiirsan maayo. Laakiin kii igu sii tiirsada, wallee waxbaa na kala raaci doona.
*****
Magaalada Hargeysa, niman duuliyayaal ah oo militeri ah ayaa waxay habeenkii la haasaawi jireen gabdho. Mid ka mid ah, oo istus ah ayaa intaa wuxuu gabdhaha ku yidhaahdaa garbaha ayaa i xanuunaya ama oof baa igu taagan iwm. Maxaa kugu dhacay marka la weydiiyana wuxuu ku jawaabaa, maanta oo dhan ayaan dayaarad duulinayay. Mararka qaar wuxuu u dhigaa hadalka sidii aan maanta oo dhan dayaarad u duulinayay ayay garbuhu i xanuunayaan.
Habeenkii dambe mid ayaa ku tidhi – Duuliyayaasha kale xanuun ma sheegtaane, adigu dayaaradda miyaad qaaddaa mise waad duulisaa?
*****
Nin ayaa dhowaan ii sheegay in markii ugu dambeysay ee ay Cawke telefoon ku wada hadalaan, ay ahayd mar isaga oo mashquulsan uu Cawke telefoon u soo diray, isaguna uu ka qaban waayay. Dhowr jeer markii ay intii oo kale ay dhacday ayuu markii dambe Cawke soo qoray farriin. “War saaxiib, bandowga iga qaad”.
Markiiba waan wacay oo waan wadahadalnay, ayuu yidhi.
Waxay taasi i xusuusisay saaxiibkeeygii kale ee isaguna qaaliga ahaa Gaarriye AUN oo maalmo uu London joogay aan dhowr jeer is raacnay. Maaalin ayuu i soo wacay aniga oo shaqada ku jira oo aad u mashquulsan. Telefoonkeygu mar kasta wuxuu ahaa, welina yahay ma yeedhe maaddaama aan stuudiye toos hawada ugu jira iyo shirar uu shaqo maalmeedkeygu u badnaa. Marki dambe Gaarriye wuxuu ii soo diray farriin af Ingiriis ku qoran: Keep ignoring me, I will keep calling you. Weligaaba igu dhegeyso telefoonka, aniguna intaa waan ku soo wici doonaa.
Farriintu wey iga qoslisay waxayna igu kalliftay in howshii aan hayay aan markiiba joojiyo oo Gaarriye aan waco lana hadlo.
*****
Cawke waxaa kale oo aan ku xasuustaa in markii ugu horreysay ee dad dhallinyaro ahi ay i weydiistaan saxiixeyga in ay isaga dartiis ahayd. Annaga oo ka soo baxnay dhismaha Baarlamaanka Djibouti ayaan markiiba u dhaqaaqay dhanka baabuurkii na qaadi lahaa. Cawke wuu iga yara lug dambeeyay, wuuna iga soo daahay. Mar dambe ayaan arkay asaga oo soo socda oo ay dhinacyada ka socdaan dhallinyaro reer Djibouti ah oo arday ah.
Waxay Cawke ka reebteen saxiixiisa, ka dibna wuxuu u sheegay in aan anigu la socdo, wuxuuna u soo horkacay in aan aniguna saxiixa u reebo dhallinyarada.

Saturday, December 26, 2015
SIILAANYO VS CAWIL
Cawil Iyo Siilaanyo.
Sawirkan ay qoslayaan, waxay dul taagan yihiin warshadii Furaashaanta ee Hargeysa oo gubatay. 2007.
Hoos ka akhriso dagaalkii Afka, ee dhex maray Cawil oo wasiir maaliyadeed ahaa iyo Siilaanyo oo Gudoomiyiha Xisbiga Kulmiye ahaa.
Ta hore waa eedayntii Cawil, ta labbaad ee xaga hoose taalaana waa jawaabtii Siilaanyo. Waxba isulamay hadhin, lakiin Siyaasadu cadaawad iyo nacayb midna maleh, hadba waa dan joogta ah.
Ta hore waa eedayntii Cawil, ta labbaad ee xaga hoose taalaana waa jawaabtii Siilaanyo. Waxba isulamay hadhin, lakiin Siyaasadu cadaawad iyo nacayb midna maleh, hadba waa dan joogta ah.
Ambassador Cawil oo Axmed-Siilaanyo ku eedeeyey in uu ka dambeeyey dilalkii hoggaamiyeyaal SNM ahaa – Aadan-Shiine iyo Cabdiqaadir Koosaar.
Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa si kulul ugu weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana Wasiirku ku eedeeyey Siilaanyo in uu ka dambeeyey dilalkii Muj. Aadan Sheekh Maxamed (Aadan-shiine) iyo Muj. Cabdiqaadir Koosaar, oo dilalkoodu ka dhaceen 1987kii magaalooyinka Jigjiga iyo Mustaxiil, ee dalka Itoobiya, iyaga oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii SNM, kana soo qabtay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka SNM. Mudane Cawil, waxa uu tilmaamay in ay hayaan warar sugan, sidaa daraadeedna ay u saarayaan Guddi baadha arrintaas maxkamadna la horgeyn doono. Waxa kale oo Md. Cawil uu sheegay in Col. Cabdillaahi Yuusuf ku dilay Itoobiya gudaheeda saraakiil dhawr ah oo ka tirsanaa ururkii SSDF. Ambassador Cawil, oo daba socday hadal uu Axmed Siilaanyo u jeediyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, oo uu ku yidhi; “Qofkii lagu tuhunsan yahay in uu ka qaybgalay xasuuqii shacbiga Somaliland in aan mansab siyaasadeed loo dhiibin.” Waxana Wasiirku hadalkiisii ku bilaabay sidan: “Nin masuul ahi in uu waxaas ku hadlo ma aha, waa in uu gartaa doorashadii way dhammaatay, shan sanno waa berrito in aad sharaf mudan tahay, oo miisaan leedahay, oo dawladda dhaliisheeda si sharaf leh u sheegto, oo tallooyin siinayso, oo berrito haddii uu guulaysto ay iyaguna sidaas oo kale ula shaqeeyaan, iminka habkaa sii deji ma garanayo. Haddii dawladdii Maxamed Siyaad Barre [Soomaaliya] ayuu hebel ka shaqaynayey dembi tahay dawlad Soomaaliyeed bay ahayd, isaguba [Siilaanyo] saddex iyo toban (13) sannadood ayuu Wasiir ka ahaa, waa Wasiirkii ugu muddada dheeraa, markii la eryey buu SNM u shaqo tegay, xataa markii uu joogay isma casilin. Haddii ciddi dembi ka gashay ummadda runtaan isu sheegaynaa, xaqiiqdaanu taabsiinaynaa, waan ka leex-leexanay, waan ka xishoonay, dib dambe uga xishoon mayno. Haddii dembiile ummaddani leedahay dembiilaha koowaad waa Siilaanyo, dembiile kale ma jiro dalkan. Warar sugan baanu haynaa in uu dilkii Cabdiqaadir Koosaar iyo Aadan-shiine ka dambeeyey, waxaanu haynaa in uu iska hortaagay in baadhitaan lagu sameeyo, waxaanu haynaa in uu Itoobiya u qoray waa arrin SNM u taalla ee yaan la soo farogelin. Ninka jecel in uu jiro Siilaanyo way dhibaysaa, laakiin run baan isu sheegaynaa. Cabdillaahi Yuusuf saraakiil buu dilay. Kornayl ilgiir, Gaaweyto, Abshir, Cabdiraxmaan Caydiid (Dhadhable) iyo Maxamed Xuseen, intaa marka uu marayo ayaa Mingiste [Madaxweynihii hore ee Itoobiya] baadhitaan sameeyey ay leeyihiin ninkaa ha la xidho, waxaas buu sameeyey, dunuubtaas buu galay, ninkii waa saaxiibkeen oo wuu innagu xidhanyahay, laakiin dunuub buu galay, saraakiil buu laayey gudahay ku tuureen, isaguna [Siilaanyo] waxa uu ka baqay in gudaha [Xabsiga] lagu tuuro. Cabdillaahi Yuusuf fikirkaas ma helin. Dembiilaha koowaad ee ummaddani waa Siilaanyo. Ta labaad, lix sanno ayuu Guddoomiyaha SNM ahaa, Diri-dhaba ayuu fadhiyi jiray, qaadhaankii ummadda masaakiinta ah u soo ururin jirtay buu Diri-dhaba ku cunayey oo ku cabbayey, taasina waa dembi. 1988kii, Jabhadii [SNM] waa tii soo gashay dalka, London buu u cararay, waa dembi uu ummadda ka galay. Guddoomiyihii dhammaa halkii uu ummaddiisa dhex fadhiyi lahaa waxa uu u cararay London. Niman mujaahidiin ah oo aan dembi gelin, oo la yaqaanno, oo hebel iyo hebel ah buu xabsiga Harar ku riday, waa dembi uu ummaddan ka galay. Halgankii baa lagu jiray, dal baa la xorreynayay kuwii garbaha iyo baalasha kuu ahaa haddaad gudaha [xabsiga] ku tuurto oo xabsi Itoobiya leedahay u quudho, oo ay yihiin Kornaylo la wada garanayo, saamaxaadna muu weydiisan, waxay sheegeen in uu yidhi; isaamaxa,” iyaga oo xabsiga ku jira dagaalkii 1988kii, markii la galayey ay ku keliftay in uu soo saaro. Labada garab ee SNM, ninka sameeyey ee SHIISH iyo CALANCAS isaga [Siilaanyo] ayuu ahaa, nin aanan warsan ma jiro, labada garab-ba waxay yidhaahdeen isaga ayaa abuuray CALANCASTA iyo SHIISHTA, waa tii ina dabartay ee halgankii dhibtay ee aan dalka la soo galnay ee isku dilnay. Dembiile miyaanu ahayn ninkaasi [Siilaanyo]? Ta Cabdiqaadir Koosaar iyo Aadan-Shiine, Guddi baadhitaan ah ayaanu u samayn, waanu dabageli, wax badan baanu ka ogaan, haddii ay ku caddaato Lillaahi xabsiga ayaanu u taxaabaynaa. Cidna kaga habran mayno, waxkasta ha noqotee haddii ay ku caddaato oo uu lug ku lahaa oo wararka sii sugno, Guddigaas baa baadhi, iyaga ayaa mujaahidiintii wax weydiin, reerkii bay wax weydiin, beelihii ay ka socdeen bay wax weydiin, haddii ay ku caddaato maxkamad baanu geynaynaa. Markii laba beelood Saaxil [Berbera] isku dileen, rag odayaal ah baa u tegay oo beeshiisa ka socda oo ku yidhi labadaa reer ee Berbera isku haysta ee is dilaya aan heshiisiino, caguhuu dhulka ugu dhuftay, wuxuu ku yidhi; “La heshiisiin maayo labadaa beelood midna khayr ma laha ha isku dhammaadeen.” Ma ninkaas ayaa innaga doonaya inuu inoo taliyo, oo Madaxweyne dalka ka noqdo? ee weli waxaa ku hadlaya doorashadii oo laba bilood laga joogo. Bishii February 2003, bay ahayd markii aan u jawaabay ee aan idhi; “Siilaanyow MA [shahaado sare] baan haystaa naga daa CV-ga aad UN shaqo kaga raadsanayso ma aha ee. Dareen siyaasadeed baa la rabaa iyo maskax aad dalka ku hagayso qaar PHD haysta baa nala jooga, wax kale noo sheeg.” Edna [Wasiirka Arrimaha Dibadda] ha uga dego [Rayaale], Siraad [Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE] adigu [Siilaanyo] uga deg. Xasuuqa Waloweyn baa qaadatay, adduunkii baa aqbalay, dhabarkaynu u saarnay, waynu ku shaambadaynay, Xabaalihii Malko-durduro baynu tusnay, adigu ha innagu soo celin, waxaynu u rarnay dad aynu is hayno, oo col nahay, oo culayskooda qaadi kari waayey, adigu ha u khafiifin, haddii aanad dan kale lahayn ha u hiilin oo ha noqon Faysal baa rag laayey. Waa hadallada ay ku dacwoodaan Koonfurtu oo ay leeyihiin Malko-durduro dadka ku aasan ee ay dadka tusayaan waa lafihii Oromadii iyo dadkii kale ee Koonfurta ee ay laayeen, halkii ay ku aaseen, tii bay innagu shaabadaynaysaa oo UN-tu yidhaahdeen waxaanu soo diraynaa dad baadha lafahaas waqtigii ay ahaayeen 1981 – 1988. Arrimaha qaarkood cadowga looma markhaati furo, yaanay odhanin Madaxweynaha ninka doonayaa waa kaa caddeeyey in ay iyagu is xasuuqeen. Dadkeennu waa dad masaakiin ah oo 60-kii ilduufay, maantana aan u baqayo in ay ilduuf kale galaan. Ninkaa [Siilaanyo] xisbigiisu aamusiin maayo oo kuwa cid u xigaa aamusiin maayaan Aadan Madoobe [Reerka Siilaanyo] aamusiiya haddaan garanayo waan la hadli lahaa, ma garanayo, illeyn qofka cid uun baa u naxdee. Xaaji Cabdi-waraabe, ayaa mar yidhi; “Labadii Madaxweyne ee Somaliland ka dhintay [Cigaal iyo Cabdiraxmaan-tuur] nin-na waxaan ka waayey waar adeer dadka la hadal oo wax u sheeg, midna adeer dadka ka aamus.” Ninka kaa naxaya uun baa kula taliya. Markaa ninka Siilaanyo ka naxayaa waa in uu yidhaahdaa Madaxweyne ayaad rabtaaye aamuska badso, cid ka naxda waa la waayey ilaa maanta Siilaanyo. Siilaanyo waa Soomaaliweyn “I know”, Nairobi baan joogay Gaalada waxa uu ku yidhaahdo iyo waxa ay ka ogyihiin waan ogahay, koonfurta [Soomaaliya] baan ogahay waxay Siilaanyo ka haystaan, kun Yaasiin bay akhriyi lahaayeen haddii uu guulaysto. Waxaan ogahay dawladdii SNM maalintii ay calanka taagtay ee dawlad dhistay mucaaradkii ugu horreeyey ee koowaad isaga ayuu ahaa. Yaxye Sheekh Ibraahim wuu noolyahay ayaa igu yidhi; “Waxaan ugu tegay Hoteelka MAAWEEL, waxaanan ku idhi inaadeeroow lix sannadood baad ahayd Guddoomiyaha SNM, ninkana [Cabdiraxmaan-tuur] adiga ayaa keenay, Madaxweyne ayuu noqday oo dawlad SNM ah, ee mucaaradka koowaad ha ku noqon, oo cid kale u *** .” Isaga ayaa ugu horreeyey, waxa uu ku khasbay Wasiiradii beeshiisa in ay ka wada baxaan dawladdaa, waa innagii is dilnay ee is nacnay, waayo, dawlad beeli ka baxday socon mayso. Waraaqihii uu Gaalada u qori jiray wuxuu ku odhan jiray dawladdaa yaan ictiraaf iyo mucaawino ha siinina. Dagaaladii sokeeye raggii xagga hore kaga jiray ee shidayey buu ahaa, intaas oo dembi ayaa u yaalla. Kaambayn Maanijarkii xisbigiisa KULMIYE, Maxamed-sifir, Xamar b
uu joogaa, yuu ka turjumayaa? Dee waa Siilaanyo. Siilaanyo nin aanu isaga dhoweyni ma jirin, laakiin nin baad mar aragtaa oo inta aad nooshahay aad ku dedaashaa in aanu ummadda Madaxweyne u noqon, arrin aniga iyo isaga na dhexmartay oo aan jeclahay in labadayada nala geeyo Masaajid oo aanu ku dhaarano baa jirta oo ah March 1977kii, buu ii yimi isaga oo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ah, aniguna Ambassador ayaan ka ahaa Nairobi, Kenya. Waanu sheekaysanay, waa markii uu bilaabmi doono dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya “Siilaanyo oo xumbaynaya baa igu yidhi dalka waa in la xoreeyaa, maanta fursad baynu leenahay, lix bilood raashinkii ciidamada waan hayaa, Afweyne waa fulay, waan ku tukhaantukhinayaa dagaalka.” Markii uu dhammaystay hadalkiisii waxaan ku idhi; “Maxamed Siyaad Barre waddani ma aha oo waad taqaanaa, dhawr iyo toban sannadood Wasiir baad u ahayd, beel buu rabaa in uu gudaha soo gashado oo Askar ka dhigto, bal adiga yaa kaa maqan?” Bishii August 1990kii, baa ii xigtay Siilaanyo araggiisa. Aniga oo fadhiya Hoteel London ku yaalla ayaa Axmed-Siilaanyo iyo nin la yidhaahdo Maxamed Sheekh Cismaan oo Wasiir ahaan jiray ii soo galeen abbaaro 5:30 galabnimo, waxaan weydiiyey Siilaanyo keenee saxnaa 1977kii hadalkii aynu is nidhi? … Maalintaas baan meel ku qoray Siilaanyo, axdi baan ku galay meel aan joogo in uu Madaxweyne ka noqdo, waayo, Madaxweyne kuma aammini karo. Doorashadii kadib, Salaasadii baan dhoofi lahaa, laakiin Khamiistii baa la ii yeedhay aniga oo u ololaynaya Maxamed Xaashi Cilmi iyo Sacad Sheekh Cismaan Nuur in ay Wasiiro noqdaan, markaan hubsaday saaxiibkay Siilaanyo in aanu Madaxweyne ummaddan u noqonayn muftaax baan noqday. Waan sii socday, waxay ahayd mission-kaygii oo fulay. March 2003, Buug saddexaad baan dhammeeyey, doorashadii baan kaga hadlayaa buuggaas jabtar culus buu Siilaanyo ku leeyahay, Marxuumkii Cigaal-na buuggiisii aniga oo aan soo saarin baa geeridiisii timi, meel baan iskaga riday, markaa waa in aan ka saaraa dhaliisha, maadaama uu dhintay, laakiin Siilaanyo wuu noolyahay. Siilaanyo, waa nin shareekhaad [Makiinad] sitay yaraantiisii, markaanu yaryarayn isaga oo loo wado Masaajid ku yaal Jabuuti in uu Mu’adin ka noqdo baa gaadhigii uu la socday Saylac istaagay, waxa halkaa ka helay Dubbe Cali-yare iyo Xaaji Cali Ducaale, oo ah Axmed-Keyse aabihii, xoog bay kaga soo dejiyeen, ninkii waday bay ka reebeen, Iskuul bayna ku dareen, markaa Siilaanyo halkaas uu ka bilaabay, wuxuuna ku koray guri aanu weligii lahayn oo uu inamo kale marti u yahay, oo uu inamadaa marwalba la dagaalamo, dagaalkii iyo asaraarkii buu weli ku jiraa, waana nin dagaal. Waxaan rajaynayaa Wargeysyadiina in uu maqlo, waxa jira rag Faysal [Maareeyaha Jamhuuriya] oo kale ah waxaan maqlay Wasiirka Warfaafinta ayuu ka dhigi lahaa, Faysal waa in uu yidhaahdaa Wasiir baan kuu noqon lahaa, shan sannadood waynu istaagaynaaye xisbiga inoo ilaali.” Intaa kadib, shirkaa jaraa’id waxa ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland, Md. Siciid Sulub Axmed, oo tafaasiil ka bixiyey socdaal ay isaga iyo Wasiir Cawil dhawaan ku tageen magaalada Burco, oo ay dorraad ka soo laabteen, kaas oo uu sheegay in ujeeddadiisu ahayd gurmadka abaaraha Gobolka Togdheer iyo xallinta xiisad ka dhalatay dadka ajanebiga ah ee laga saarayo dalka, waxana uu sheegay in ay kulamo gooni-goonni ah la yeesheen Maamulka Gobolka Togdheer iyo Culimaa’udiinka reer Burco, wadahadaladii ay la yeesheena ay ku dhammaadeen isfaham buuxa. Gebagebadii shirkaa jaraa’id su’aalihii ay weriyeyaashu weydiiyeen Wasiir Cawil, waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Wasiir, waxaad sheegtay in dilkii Mujaahid Aadan-Shiine iyo Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar uu ka dambeeyey Axmed-Siilaanyo, wararka aanu haynaana way badan yihiin, markaa maxaad adigu caddayn u haysaa?
Jawaab: Waa in Guddi loo xilsaaro oo ay arrintaa gunteeda soo xaadhaan, mujaahidiinta SNM ayaanu annagu warkaanu hayno u gudbinaynaa, kadibna Guddiga ayey u taallaa waxa ka soo baxa baadhitaankaas.
S/ Maxaa ka jira wararka sheegaya in aad la kulantay Jariiddada AL-KHALIIJ oo aad u sheegtay in Koonfuri shirarkeeda dib-u-heshiisiinta ku qabsato Somaliland?
J/ Taasi waxay la mid tahay marka la leeyahay Madaxweyneyaal iyo siyaasiyiin sare ayaa dembi ka galay ummaddan, waar ma la isku dili karaa Faysaloow aniga oo masuul ah marka dembiile la igu sheego, oo aan Siilaanyo sidiisa u hadlo ee aan idhaahdo dad baa la xasuuqay.
Xigasho. Jamhuriya.
Qaybtan hoosena waa Jawaabtiii Siilaanyo.
Mucjiso Cawil Waa Mucjiso Somaliland Ku Soo Biirtay": Axmed Siilaanyo Oo Markii U Horreysey Ka Jawaabey Eedaymihii
Jam. — Hargeisa, Somaliland — 14 May, 2004
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horreysey ka jawaabey eedaymo iyo dhaleecayn ku lid ah Axmed Siilaanyo oo marar kala duwan ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Cawil Cali Ducaale, kuwaas oo qaarkood ay xaasaasiyad weyn abuureen, mar uu shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Ming Sing ee magaalada Hargeysa kaas oo uu isla markaana si ballaadhan ugu naqdiyey siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Riyaale ee Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Dhaqaalaha, Maamulka iyo nabadgelyada iyo xadgudubyada dastuurka ee ay xukuumaddu ku kacdo.
Eedaymahaas Axmed Siilaanyo kaga jawaabey shirkaa Jaraa’id waxa ugu dambeeyey Salaasadii, 11 May, markaas oo shir jaraa’id oo uu Wasiirku ku qabtay Xafiiskiisa, kaas oo uu ku difaacayey Miisaaniyadda, isla markaana uu kaga jawaabayey hadalkii Inj. Maxamed Xaashi uu ku soo bandhigay fadeexadda musuqmaasuq ee miisaaniyadda, uu soo qaaday Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in uu ku guuldarraystay markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda, dowladdii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, 1998-kii inuu sameeyo Miisaaniyad, kadib markii Adhigga la joojiyey. Isaga oo yidhi mudane Cawil “waxay ahayd Siilaanyo inuu I hambalyeeyo maadaama aan sameeyey miisaaniyaddii uu samayn kari waayey”.

Axmed Siilaanyo intii aanu ka jawaabin taas iyo eedaymihii hore Cawil ugu jeediyey oo ay ka mid ahaayeen in Axmed Siilaanyo uu ka dambeeyey dilkii Muj. Aadan Shiine iyo Muj. Cabdulqaadir Koosaar 1987-kii markii lagu jirey halgankii hubaysnaa, Siilaanyo-na uu guddoomiyaha ka ahaa SNM, waxa uu ka hadlay miisaaniyadda isaga oo daba jooga. Waxa uu xoojiyey waxyaabihii Maxamed Xaashi soo bandhigay ee musuqmaasuqa ahaa, isaga oo sheegay dakhli kale oo badan oo aan ku dhicin khasnadda dowladda. Waxa uu sheegay in Cawil qirtay in uu isagu saxeexay heshiiska lagu iibiyey Scrap-ka, isla markaana uu yidhi ‘lacagtii ka soo baxday qayb ahaan uun baa la bixiyey, inta kalena waxa la bixinayaa marka la dhammeeyo shixnadda oo ah 10,000 oo Ton,’ iyo in dakhligii dheeraadka ahaan aan kab-miisaaniyadeed loo samayn, baarlamaanka la hor geyn. Taas oo uu ku tilmaamay Axmed Siilaanyo sharci jebin cad oo uu wasiirku qitay inuu u badheedhay.“In yar oo kale ayaan ka odhanayaa oo aan uga jawaabayaa Saaxiibkay Cawil,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey Axmed Siilaanyo, “Mucjiso Cawil baynu odhanaynaa horta. Waayo, marka la eego Cawil waa Mucjiso dalka ku soo biirtay”.
Isaga oo Mucjisadaas sii fasiraya Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Cawil uu Buug qoray, kaas oo uu ku tilmaamay mid uu u mulaaqay sida uu u mulaaqay Miisaaniyadda. Waxa uu yidhi isaga oo soo xiganaya buuggaas wixii Cawil ku qoray; “Wuxuu yidhi Mucjisaan ku dhashay oo Aabahay Sagaal naagood buu guursadey oo weligii muu dhalin ayuu yidhi. Dabeedna Islaan Taawilo ah (Faaliso) ah ayuu u tegey, islaantii baa tidhi gabadh Arab ah guurso markaas baad dhalaysaaye. Mucjisadaas baan ku dhashay buu yidhi. Markaa in Cawil mucjiso yahay layskuma hayo!”.
Axmed Siilaanyo isaga oo sii wada waxa uu yidhi; “Maanta ka hortow weligey shir anigoo Cawil soo hadal qaadaya maydin maqal. Raadiyow Hargeysa, Maandeeq, shirar walba waa kii intaa la taagnaa ee aniga I caayay ee lahaa ilaa Koosaar baad dishey ilaa Aadan Shiinaad dishey. Isagu markaa meel uu joogey garab maayoo Siyaad Barruu Ag joogey oo kuwii soo diray buu ahaayoo kolley waa u xog ogaal cidda dishey. Ilaa intaa Mucjiso Cawil kamaan hadline iminkaan ka hadlayaa”.
Axmed Siilaanyo waxa uu aad uga hadlay taariikhda Cawil laga bilaabo Mucjisadaa uu sheegay inuu ku dhashay ilaa waxbarashadiisii iyo shaqadiisii. Waxana uu yidhi isaga oo xiganaya Buug uu qoray Cawil:
“Cawil waxa uu yidhi; ‘Iskuulka Sheekh baan ku jiri-jiray oo waa la iga eryey. Cawil ma akhlaaq xumaa lagaga eryey Iskuulka, mise Damiinimo ayaa lagaga eryey, labada mid uun baa la isku eryi jiraye. Cawil waxa uu tegay Cadan (Yemen), wuu ka tegay oo Cawil berigii aanu Scholarship-ka u baxnay, waxa aanu ugu tagnay London, Cawil waxa uu baranayey markaa farsamada Ilkaha (Dentist), wuu ku fashilmay oo wuu ka soo bixi kari waayey oo waa marag ma doonto. Ilkiihii buu sameyn kari waayey oo waa Mucjiso kale, isaga oo geed uu qabsado la’ ayaa 1960-kii Qolooyin layli Sarkaal loo qaatay oo Ingiriiska oo markaa deg-deg xornimada u bixinayay yidhi; ‘Saraakiil ha loo tabobaro muddo lix bilood ah, ayuu Dhiboogii la galay. Cawil wuxuu sheegtaa oo isku dhereriyaa raggii, ragga ahaa Saint Hellies ka baxay ee Waxbarashada labada sannadood soo dhammaystay ee ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Cali Abokor, Xasan Kayd, Maxamed Cabdillaahi, Muuse Rabiile Good, Cabdixamiid iyo kuwo kale.

Cawil, San Harries ma uu gelin, ee lixda bilood ee tababarka Dhibooga ah ayuu galay, markii uu saaqiday, ma sheego oo wuu qariyaa.
"Cawil, waxa uu sheegtaa (Ambassador), Illaahay baan idinku dhaariyee, waxa rag ka soo noqday Safiiro, China, Maraykan, Paris, Saudi Arabia, iyo weliba dalal kale oo waawayn oo adduunka ka mid ah, isagu (Cawil), Iidi Aamiin (Madaxweynihii Ugandha ee dhawaan geeriyooday), ayuu Safiir u noqday.

Markaa waxa yaab leh waxa Ragga dalalka waaweyn Safiirada ka ahaa ay u sheegan waayeen derejada Safiirnimada ee Cawil u qaatay, isaga oo Iidi Aamiin oo Dunida oo dhammi ku qosli jirtay oo la yaabi jirtay Safiir u ahaa.
"Cawil waxa Maalin dhoweyd uu yidhi; ‘Siilaanyo in uu I hambalyeeyo ayey ahayd oo Miisaaniyaddii uu sameyn kari waayey ayaan sameeyey, Xafiiska iyo Kursiga uu ku fadhiyo waa kii aan anigu dhigay, qaabka Wasaaraddu ku shaqayso waa kii aan sameeyey, Cawil Sarifka Lacagaha ayaanu kala aqoone, Shillinka ay sicir bararka ku abuureen baa waalay, anigu wakhtigaa 2000 (Laba kun oo Shilling Somaliland ah) buu ahaa Sarifka halka Doolar, adigana Maanta toddoba kun iyo dheeraad ayuu marayaa, annaga oo Miisaaniyadda wakhtigeedii sameynay oo sharciga geynayna ayaa Adhi gabadii dhacday, sida aad adiguba sheegtay, muddo ayay nagu qaadatay oo markii dambe waanu sameynay, waxa Miisaaniyadda ku jirtay Mashaariic. Cawiloow, anigu Shahaadooyinka aan sitaa kuwo been ah ma aha ee qaab run ah baan ku qaatay, Maanta in aad ii faantaa waa ayaankay.
“Cawilow, waxa aad tidhi; ‘Aadan Shiine iyo Cabdiqaadir Koosaar buu dilay’ aniga ayaa Aadan Shiine iyo Cabdiqaadir Koosaar u ooyay, aniga ayay garabkayga Midig ahaayeen, aniga ayay Waaxi iga go’day dhimashadoodii, anigaa labadaba Bud-dhigay, anigaa labadaba soo aasay, adigu ma aad soo aasin, lamaba aad joogin, ciddii nala dagaalamaysay ee soo dirtay baad ogtahay oo aad la safnayd oo la joogtay’.

“Cawil waxa uu yidhi; “Mileteri baan ahaa, lixdii bilood ee aad kaga soo Budh-budhisay maxay dhashay, noloshu marba meel ayay joogtay, marbaa Soomaalinimo iyo Qaranimo loo degaalamayay, Maalintii Dagaalku kula soo gudboonaaday waa adigii inta aad Sirtii Ciidamadii Qaranka oo dhan aad urursatay Buulo Xaawo ka booday oo Nayroobi tagay ee sirtii ummadda bixiyay waa la ogsoon yahay, markii dagaalku dhammaaday ee halgankii Somaliland bilaabmay anigu kaana waan galay, adiguse markaas baad Siyaad Barre u timi, markaa marwalba waxa aad taagnayd mowqifka Xaaraanta ah, Tuugada, Beenta iyo Qaranimo diidmada baad taagnayd. Mar walba waxaad taagnayd meesha laga ducaysto ee la yidhaahdo “Illaahow Meel Xun ha na dhigin”.
“Waar Dalkan aynu manta joogno runta marka loo dhaco waa loo soo dagaalamay oo loo soo dhintay. Marka laga yimaado halgankii iyo soo dhimashadii, Markii la soo galay galay Burco iyo Berbera, shirar baa bilaabmay oo ummaddii baa isu timi shirar baa la qabtoo waa lays cafiyey, shaqaa la wada qabtay, dowlad baa la yagleelay, ciidamadii hubka laga ururinayey, ummaddii baa la isu keenayey, marar badan baa laysku dhacayey, nabad baa laga shaqaynayey, Cawil, Ismaaciil Yare iyo Ina Rayaale midna ma ku jiray, ka hadli mayo dawladdii Soomaaliya ee aad (Cawil) Basaaska ka ahayd, Jawaanadii aad qaadaysay, markii aad Maxamuud Musbaar ka soo afduubaysay Ugandha, iyo markii aad Nayroobi ka soo afduubaysay nimankii Hawiye. Dalkan Maanta waxa haysta ama runta ha la sheego ama been ha la sheego’e dadkii aan waxba ku darsan. Maanta in Ismaaciil yare iyo noogu hanjabaan oo caruurtayada aad ku xidhxidhaan.
“Cawil hadaladiisii waxa kaloo ku jirey Beelihii berigii Berbera ku dagaalamay Siilaanyaa yidhi Baga. Cawilow, Waxaan ahaa kuwii nabadgelyada ka shaqaynayey, waxaan ahaa kuwii isu keenayey, waxaan ahaa kii ka masuulka ahaa nabaddaynta ee Dhegaweyne iyo ugu tegey goobta dagaalka ee xagga u orday ee xagga u orday ee nabadgelyada ka hawlgalay tii Hargeysadaa lagu saxeexay. Anigaa nabadgelyadaa ka shaqeeyey oo waa la wada ogaa. Cawilow anigu markasta dadka nabadgelyadiisaan ka shaqaynayey iyo midnimadiisa iyo berigii hore wax u qabadkiisa, mar walba adiguna lugooyadiisaad ka shaqaynaysey. Waase ayaan darro in maanta adiga iyo Ismaaciil yar iyo Ina Riyaale isu barkateen, waa nasiibka ummaddani leedahay.
“Weli Cawil waa isu hadhnay oo maan dhammayntiisii ee manta intaa u dhaafi mayo.”
“Weli Cawil waa isu hadhnay oo maan dhammayntiisii ee manta intaa u dhaafi mayo.”
Xigasho Jamhuuriya
Subscribe to:
Posts (Atom)