Wednesday, October 7, 2015



Maansadii Dareenka Waddaniga Ee Soomaalida - Qaybtii 3aad.

Xilligii gobannimada loo gaylamayey, waxa la odhan karaa waxa abuurmay oo heerkiisii ugu sarreeyey gaadhay dareen waddani ah oo Soomaalidu Soomaalinnimo isugu soo hiloobaysay iyo wadci siyaasi ah oo aan qaangaadh ahayn oo mawjadda caaddifadda shacbi iyo dabaysha waddaniyaddu walaandaynayeen ama walwaalayeen oo damaca siyaasigu danahiisa kaga muraadsan karayey.
Gobannimadii iyo Maansadii Calansaarka
26kii Juun 1960 waxa xoroobay Gobolladii Waqooyi ee Ingiriisku haystey, 1dii Julay na 1960 Gobolladii Koonfurta ee Talyaanigu gumaysanayey, iyada oo isla 1dii Julay uu dhacay israacii iyo midnimadii aan shuruudda lahayn ee labada gobol, si ay u sii ambaqaadaan himiladii isla raadinta Shanta Soomaaliyeed iyo saddexdii maqnayd xornimadooda.
Calansaarka ama gaadhidda gobannimo iyo himiladii israacu, waxa ay yeelanaysaa maansadeeda farxadeed, raynrayneed iyo is bogaadineed oo ay hormuud u ahaayeen suugaanyahankii facii xilligaas kacay ee ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Suldaan Timacadde:
Soomaaloo calan taagta
Saakay noogu horrayso’e
In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaabo
Sarina mayso naftayduye
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar!
Cabdi Iidaan Faarax
Ayaankaa la kala roonyihiyo ubadka xoolaaye
Allaylehe innagaa ka dhigan awliyoo kale'e
Dadba Midaannu kaga aarsannoo aayalaad tahay
Durba waadigaa nagu anfacay aamin nabadeede
Amley iyo warmii qarinnay iyo agabti shaydaanne
Insha-Allaahu Soomaali waad ururin doontaaye
Irmaanaatay Maandeeq haddaw iman lahaydeene
Afarta naas ba way hoorayaan sida ileeleede
Ka aguuga aagaamahaan aad u culanayney
Cali Sugulle (Duncarbeed)
Waa’ baa baryey bilicsan
Arooryo baxsan
Maalin boqran
Kuwii badhaadhee
Dabkan baxaaya
Belelinaayey
Waa baayadooda
Kuwii ka baydhee
Bahdood ka leexdee
Boqonta gooyey
Waa baaba’ooda
Badhbadhaadhnay
Gumaysi baaba’a
Bog iyo waddanow
Libtaynu boqonney
Ku badhbadhaadhnay
Waa’ baa baryey bilicsan
Arooryo baxsan
Maalin boqran
Maantay curatoo
Mataano dhashee
Aan maallo hasheenna Maandeeq
Magawdoo candhadii
Gollaha marisee
Aan maallo hasheenna Maandeeq!
Kulmiyee la sudhee
Soomaalaay kulligaa
Kadabaa dhaha eey!
Wax yar ka dib gaadhitaankii gobannimada iyo israacii labada gobol, iyada oo weli lagu guda jiro “ Bishii Malabka ama Shahral casalkii ama Honey Moon-kii arooska)” ayaa maansayahankii gobannimada halgankeeda ka mid ahaa ama dhalasheeda la jaanqaaday ee dabbaaldeggeeda ka qaybqaatay, in badan oo ka mid ahi, waxa ay la sarakacayaan dareen taban oo hoosta ka xarriiqaya tabashooyin uga dhex muuqday sidii loo maamulayey midhihii ka dhashay gobannimada iyo Maandeeqdii mataanaysay ee candhadana gollaha marisay.
Cali Sugulle (Duncarbeed)
Inantii:
“Hawshaan kula qaybsadaa
Oo harraadkaan kula qabaa
Oo anigu waan kula hayaa
Ee adaan i hagaajinayn”
Inankii:
“Adduunyo hal baan lahaa
Hashiina horror bayga dilay
Oo hadhuub madhan baan sitaa”!
Inantii:
“Halbowle siduu i go’ay
Haabhaabtay wax aanan hayn”
Qadhqadhay roobka
Qawqawlow qadhqadhay
Qadhqadhay qaawanaantaydu arkaa
Ee qudh-dhayda halkaan dhigaa?!
Mar kale iyo Cali Sugelle
Dab iyo dhagax
Layskuma dhuftee
Kala dhawraay!
Midnimadeennii
Mugday gashoo
Magaceen ba’yeey!
Xasan Sheekh Muumin Gaafane
“Saylac – Oslo”
Horraantii 1930dii – 2008
Maldahanta sillan suganta loo yaqaan isaga oo adeegsanaya, ayaa waxa uu maankeenna ku soo jeedinayaa hummaagyo farshaxan ah oo ka warramaya xaaladdii lagu jiray. Gabadh iyo wiil haasaawaya ayuu hummaagiisa XasanSheekh Muumin inoo huwinayaa, waa dheeg ka mid ah heesihii Riwaaddiisii caanka ahayd ee Shabeel Naagood ee afafka badan lagu turmumay:
Inanka:
Doc kastoo la eego
Nolosha dunidu waa dabkee
Hadduu dabkii dhaxamoodo
Maxaa lagu diiriyaa?
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg kuma habboonee
Adoo deggan u fiirsa oo
Ujeeddada i deeqsii?
Inanta:
Ruux haddii la doortoo
Derejadii la saariyo
Xilkii daryeeli waayaa
Dab dhaxmooday weeye
Waa su’aal da’ waynoo
Madaxa daalinaysee
Wixii lagu diirinaayo
Dadweynaha la waydiin!
Inanka:
Qofkii cudur dilaayo
Dawadaa bogsiisee
Hadday dawo bukooto
Maxaa lagu dabiibaa?
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg kuma habboonee
Adoo deggan u fiirsa oo
Ujeeddada i deeqsii?
Inanta:
Dallaalimada diintiyo
Distoorka iyo xeerkaa
Haddii dabool la saaro
Dawo bukootay weeyee!
Waa su’aal da’ weynoo
Madaxa daalinaysoo
Wixii lagu dabiibi
Dadweynahaa la waydiin?!
Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)
Mandheera - Hargeysa
Horraantii 1930-dii - 1996
Ummaddii daryeel wali helin daacadda ahayde
Sidii bay u doonyaysan tahay damashii weynayde
Sidii bay duleeddada dhar li’i ugu dab jeexaane
Sidii baa duddada aar dhiciyo dacaw u joogaane
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha’e
Sidii baa docaa aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaane
Sidii bay degmadu ceelashii ugu dar leeftaaye
Sidii baa Dagaalow biyaha loo dawariyaayee
Sidii bay u daba-goobsi tahay haradii Doolloode
Oo ay weliba dibin daabyo iyo diriri joogtaaye
Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye
Dambi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karale!
Meeshaan dad aan ururshiyo dirir ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan dayaysnahay miyaan dawgii ka habaabay!
Mar kale:
Ayaantaan dhashiyo maanta oon uurka ka cirroobey
Hashii aan intaa iyo intaa oon la daba joogey
Hashii aan aroorida cidlada kula ugaadhoobay
Hashii aan markuu adhigu jabay arahdanaw quutay
Hashii aan Amxaarka iyo Kufriga ugu unuun gooyey
Ayaantay hallawdaba Hashaan daba adeegaayey
Irmaanaatay Maandeeqe waa ibo kureyseene
Inamada dhowaan ii kacaw weydin eersadaye
Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye
Ma afurin agoontii waddiyo kii ushaw sidaye
Ood dheer ka saar baan lahaa aarka soo dhiciye
Illaa ururka dayrtaan lahaa awrka haw tu’ine
Iliilaha Jabuutaan lahaa aayar sii mariye
Addisababa gee baan lahaa adhaxda jiilaale
ENEFDii ha daaqdaan lahaa ayda doogga lehe
Iilkii Darwiishkaan lahaa udubka gaadhsiiye
Axe Sheekh Bashiir baan lahaa aar la’aan dhimaye
Ammuurahan is dhaafaan lahaa aakhiraw tebiye
Axmed Gurey u sheeg baan lahaa iilka wuu qabane
Oomaar dul gee baan lahaa uubti loo qodaye
Umalkeeda Maxamuud Xarbaan ka ag dhaqaaqeene
Nimaan se aabbihii maali jirin looma aamino’e
Waa taad abaar iyo dhulbaas ula abraarteene
Ololkeedu waa ii baxaa oogta waaberiye
Oon iyo harraad waa waxay la alwanaysaaye
Ergin iyo aroor qocondhalay adhi la daaqdaaye
Waxba arartu yey ila durkine waxan ku soo ooday
Ololihii maruun baa la shidi kii arbacadiiye!
Mar saddexaad:
Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin
Geyaxaha hashaan kaga xidhxidhay gabantii nuugaysay
Geedkii magoolaba hashaan uga garaacaayey
Gaaroodi iyo Hawd hashii laba gardaaqaysay
Wax la yidhi “haddaa goodirkii lagu gabraartaaye”
Wax la yidhi “gol baa lagu dabraa geed-waraabe lehe”
Wax la yidhi “gujaa lagu lisaa labada gooroode”
Wax la yidhi “gal daayeer cabbaa habari geysaaye”
Golqaniinna waxa loogu daray yaanay gaagixine
Wax la yidhi “gommode naasihii giigsanaan jiraye”
Gobaad waxay la daaqdaa sagaal goroyacawloode
Googooye iyo wiil xun baa gaawahaw sida'e
Wallee ama gumooboo sidaa layga gallad haysay
Walle ama rag ways gaadayaa gacan ku ciil belay!
Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab)
“Aroori – Buuhoodle”
Dhammaadkii 1910dii – 2001
Aadan Carab waxa uu saluug weyn ka muujinayaa dawladnimadii la helay iyo xorriyaddii. Hungo ayuu cantuugay. Waxa uu is waydiinayaa waxa uu taray wasiirkii ama xildhibaankii uu doortay. Buuhoodle ayuu ka soo gabyayaa. Waxa uu yidhi:
Ingiriis dalkiisii mudhxay oo cunay magoolkiisa
Isagoo musaafira haddaan subax ku miidaanshey
Oo lagu mintiday waw dhammayn minawarkaa fuule
Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye
Kun nin baa martabaddii u hadhay ama maluugtiiye
Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade
Sidii baan marqaafyo u sitaa maas la ii tolaye
Sidii baan maqaar ugu hurdaa meel la ii dhigaye
Sidii baan makaar lagu gubtiyo milic u joogaaye
Sidii baan macaash ugu gataa harag miciinkiiye
Sidii baan martida caano geel ugu macsuumaaye
Sidii midhaha uga gurtaa madaxa Toomoode
Sidii baan mawaashiga hayaan ugu maqiiqaaye
Sidii baan majiiraha dhabbada ugu masaafoone
Sidii baan mijaha ugu socdaa moodhar li’idiiye
Sidii baan tacliin uga madhnahay machadkii diineede
Sidii baan madow ugu jiraa maalin iyo layle
Sidii baan magtii uga baxshaa Muumin kii dilaye
Sidii baan xafiis meel fog jira ugu muctaadaaye
Sidii buu sharcigii meyd u yahay aan marwo lahayne
Sidii baa dalkii naga maqnaa muran u joogaaye
Muqdishaba horteed waa dhaqnayn marag Ilaahaye
Wuxu webigu mooskaw jabsaday waa macaasida’e
Isagaa mabsuuda’e wax kale nooma maamuline
Bal muxuu maslaxadoo uu i taray Ministerkaan doortay!
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
Hal-dhaagan/ Togga Midhisho - Ceerigaabo
(1871 -1986)
Tallaabada mid gaalkii shabbaha tegay ma liibaane
Adigoo wuxuun tabanayoo tegey halkuu joogo
Kolkuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago
Oo uu tayga luqintiisa sudhan taabto faraqiisa
Oo inaad addoonkiisa tahay taana la ahaatay
Oo aan dadkana taakulayn calanna taageerin
Oo inuu adduun badan tabcado taa qudhaw jeeda
Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego
Mid tacliinta loo soo diroo tadhaqa oo liid ah
Oo tuhun ku jiro inuu ka tegey toobaddiyo diinta
Oo aqal milmaan li’iyo khamriga gacan-toglaynaaya
Oo uu talmiidkii yaraa taas ka baranaayo
Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego!
Dhibta timi jamhuuriyad dhan oo tahan la boobaayo
Iskaa wax u tabciyo khaayinnimo laysku taageerye
Qawaaniin u taal iyo nidaam taxan ma yeelaane
Sida Reer Tafare amar ma jiro laysku taaboco’e
Warqad jananku teeb kuugu qoray kaabul kugu tuurye
Waashmaan kolay tahay ninkii taabay meel dheregye
Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habowe
Tuug daalliniyo caasi baad tamar u yeeshaane
Tembi baad u dhiibteen nimaan tuna ka sheegayne
Toorrey af badan baw xidheen taarig xoogsadaye!
Bishii Febraweri 1969-kii ayuu Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc) faallo daymooday gun iyo baar waayihii dalku ku sugnaa. Waxa meel walba daadsanaa oo ishu ku dhcaysey foolxumooyin ka dhashay doorashooyinkii hiirtaanyada badnaa ee ‘Food khasaaray’ la magaca baxay iyo fadqalallooyinkii ay samaynayeen axsaabtii siyaasadda ee doorashooyinkaas ku loollamaysey. Xaajigu doorashooyinkaas wuu qaaddacay oo kama uu qayb qaadan, cidna ma siin codkiisa. Umal iyo ciil ku gaaxday ayuu goof la gelayaa, isaga oo aan geeriyoonna dhimasho isu dhigayaa!
Waxa uu Xaaji Aadan Af-qallooc garasho daymoonayaa adduunyadii kale ee Soomaalida la midka ahayd ee lala gumaysanayey ee Afrika, Aasiya iyo Laatin-Ameerika oo dadkoodii guntiga marada lowga geeyey oo u tafa xaydan in ay hore u heetiyaan, qaarkoodna horumar la taaban karaba sameeyeen oo guclo orod ku jiraan, halka Soomaaliduna ay dib u sii guurayso oo dabada dib ugu siqayso. Taas ayuu maan diidayaa oo laf dhuunta u taagan uga dhigmaysa. Waxa dareenkiisa damqaya oo maankiisa dhamac ku shidaya colaadaha iyo dirirta sida macno la’aanta ah uga dhisaalan Soomaalida dhexdeeda miyi iyo magaaloba, sida la isku wada biraynayo ee birta la iskaga wada aslayo, hiirtaanyada, godobta iyo aanooyinka uur-ku-taallada miidhan ah ee qabaliga ah ee Soomaalida dhex yaalla. Waxa Xaajigu jalleeco galaa bixinayaa oo isha ku mudayaa nimankii doorashada galay oo halkan meel madhan soo wada tuban oo is wada gaadaya iyo waxa ay godob iyo utin daaqsadeen ee hareero tuuran.  Karis xun iyana wax ku la’!
Horaase loo yidhi ‘Hadduu doobi buuxsanmo inuu daato la arkee’! Xaaji Aadan waxa uu ka foolinayey waayahaas cakirran ee hurgumooyinka iyo warmaha dhiigaysan jiidanaya. Waxa uu oddorosay in gabbalkii u dhacay oo caleentoodu caddaatay xukuumadihii rayadka ahaa ee sagaalka sannadood mindada daabkeeda isu dhiib dhiibayey ee ummadda cidlada eeri go’anta ah ku ooday. Is beddel dhinac kasta ah oo dalka ka dhaca  ayuu sadaaliyey. Dhawr bilood ka dibna waxa dhashay Kacaankii ciidamadu hoggaaminayeen ee Oktoobar 1969. Wuxu yidhi:   
Sidii aar gababoo ka jabay gaabatada lawga
Oo gabannadii lagaga diley geedu hadhinaayey
Oo nimanka godobtiisa qaba gur u jalleecaaya
Oo aan itaal wuxu galiyo orod ku gaadhaynin
Oo kayn intuu cadho la galay gawnaxyada buuray
Goortaan garwaaqsaday dhibaha shicibka gaadhaaya
Asaan gabay arrimo dhawr ahoo ila gudboonaadey
Waa waxaan xabaalaha u galay geeri ka horoowe
Cimrigii da’ kula gaadhey waa guul darriyo ciile
Kuwii aniga iga gaabin jirey baa i gees maraye
Haddaanse amar Allaan laga gudbine gebi ahaan fiirsho
Garashiyo ku dayashaan dayaxa gees la leeyahaye
Isagoo geyiga nuurayuu guud maraa saxale
Ma gudhsado adduunyada ninkii godol ka maalaaye
Ninna keligii gaar uma ahee galabba waa meele
Waagii guduutaaba waa waayo gooniyahe
Hadba cirirku meeshuu galaa saxal u guuraaye
Geyiga Eeshiyada khalqigaa gees walbaba jooga
Geddigeed Afriikiyo Latiin gobol Amriikaan ah
Gun baynnu u ahayn iyo addoon guud-caddaa Yurube
Gumeysiga dad badan baa mutiyo guul-darriyo hooge
Kolkay talo u soo guro-gashaye ferenjigii guurey
Niman baa guntadey qaarna way gebi dhacleeyeene
Ka gariiri Mow dunida gebi gaaliyo islaame
Sabca miya malyuun baa gurdama goorta uu kaco’e
Kuwii gadan jiruu Shiinihii haatan gaasiraye
Aqal guradu weyn tahay Jamaal diid inuu galo’e
Gasar lagu tilmaamiyo ma jiro daar u gooniya’e
Ma gam’o ee habeenkii taluu gawda ku hayaaye
Hadduu caawa go’o magacu waa midaan gaboobayne
Geddaasuu siciim leeyahoo libin ku gaadhaaye
Kuwii doorashada noo galaa gabay halkoodiiye
Khalqigii oo horuu guurayey dib u gucleeyeene
Googooye Soomaali oo gobolba meel aadye
Guryaha iyo ceelkaa dartood laysku gawracaye
Waa taa gamaaduhu bateen goobtii lays dhigaye
Gildhigaanka waxa loo sitaa goosankii hadhaye
Caawana kursi aad gaadhid baa guure loo yahaye
Gurdan baan maqlaayaa sidii guuto weerarahe
Gawaadhidu tolla’ay bay siddaa guuxu baxayaaye
Kuwii guurey baa daaqad kale nooga soo galaye
Gumeystaha jadiidaa aroos loo gelbinayaaye
Waraabihii gol qabatada yiqiin geelu waw halise
Goodaadsey calankii dhulkuu gaadho baw hadhaye
Gobannimo xaqii ay lahayd geed fog lagu laalye
Goblanse maaha Maandeeq hadday gabadin moodeene
Wax kalaa dulqaad laga galaa laga geddoomaaye
Ma garwaaqsan karo qoom xornimo laga ganaaxaaye
Mar uun bay sidii aar la ganay gaydh la soo noqone
Hadday geed darfuhu dheer yihiin gooya baa xigiye
Xiddiggii gadaal-socod dhac iyo kii gardaadsadeye
Gabbal gaabtay iyo baan arkaa gaawe buuxsamaye
Gardarrada qun-yara xaal adduun gelinba waa cayne!
Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)

Mar uun buu digiigaxan raggii daallanaan jiraye
Mar uun buu daboolka iska rogi doob la quudhsadaye
Markaas baa la deydeyi xaqii naga dahsoonaaye!

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Maansadii-Dareenka-Waddaniga-Ee-Soomaalida-Qaybtii-3aad.html#sthash.5QYo20xp.dpuf
New Cabinet of Federal Democratic Republic of Ethiopia,2015
1. Hailemariam Dessalegn, Prime Minister
2. Demeke Mekonnen, Deputy Prime Minister and social cluster coordinator
3. Debretsion Gebremichael (Phd), with rank of Deputy Prime Minister , Minister of
Communication and Information Technology and Finance and Economy cluster coordinator
4. Aster Mamo, with rank of Deputy Prime Minister, Minister of Civil Service and Human resource
Development and Good governance cluster coordinator
5. Siraj Fegessa, Minister of Defense
6. Dr. Tedros Adhanom, Minister of Foreign Affairs
7. Kassa Teklebirhan, Federal Affairs Minister
8. Getachew Ambaye, Minister of Justice
9. Abdulaziz Mohammed, Minister of Finance and Economic Cooperation
10. Teferra Deribew, Minister of Agriculture and Natural Resource
11. Sileshi Getahun, Minister of Fisheries and Animals
12. Ahmed Abitew, Minister of Industry
13. Yakob Yala, Minister of Trade
14. Abiy Ahmed, Minister of Science and technology
15. Workneh Gebeyehu, Minister of Transport
16. Mekuria Haile, Minister of Houses and Urban Development
17. Ambachew Mekonnen (Phd), Minister of Construction
18. Motuma Mekassa, Ministry of Water, Irrigation and Energy
19. Shiferaw Shigute, Minister of Education
20. Tolosa Shagi, Minister of Mines
21. Dr. Kesetebirhan Admassu Minister of Health
22. Abdulfetah Abdulahi Minister of Labor and Social Affairs
23. Aisha Mohammed Mussa Minister of Culture and Tourism
24. Zenebu Tadesse Minister of Women and Children Affairs
25. Dr Shiferaw Teklemariam Minister of Environment and Forestry
26. Redwan Hussien Minister of Youth and Sports
27. Demitu Hambissa Minister of Public Enterprises
28. Beker Shale, Director, Ethiopian Revenue and Customs Authority
29. Getachew Reda, Minister of Government Communication Affairs
30. Asmelash Woldesillasie, Government Whip
31. Dr Yinager Dessie, Minister of National Plan Commission

Tuesday, October 6, 2015

WAAR HA AFAR AFARLAYNE SIDA CAADIGA AH NOOGU SHEEG!!!!!
5/10/2015 xalay ka dib markii aan shaqada ka baxay ayaa waxa aan soo raacay baska u baxa halka aan daganahay; waa cabaaro 6:35 fiidnimo. Dadka baska saarani waxa ay u badan yihiin da' yar ka soo dareertay goobaha wax lagu barto ee gaarka loo leeyahay.
Haddaba markii inankii lacag ururriyaha ahaa bilaabay in uu lacagta ka guro rakaabka ayaa saddex hablood oo dhalinyar ahaa aadna u sheekaysanayay ay ka codsadeen in uu lamberka ZAAD ka ah u sheego si ay lacagta markaa ugu diraan.
Inankii ayaa inta uu soo jeestay ku jawaabay sidan : "AFAR AFAR SIDEED" , markuu intaas marinayo ayaa mid ka mid ah hablahaasi si daacad ah u tidhi " WAAR HA AFAR AFARLAYNE SIDA CAADIGA AH NOOGU SHEEG".
Bal in afkeenii meel daran sii marayo dadwaynahaas baska saarnaa wax arintaasi damaqday ma jirin e.. waxaaba dadka intii badnayd ku deexdeen qosol hiil u ah inanta hadalkeeda..
Inantaasi waxa ay sida caadiga ah u taqaanaa sida bulshada kaleba u qabatintay ee ah " FOUR FOUR EIGHT... waxaana markhaati ka ah ... hadda marka aad taleefan lamberkaaga cid u sheegayso waxa aad odhanaysaa .. soomaali
A: AFAR AFAR SIDEED
B: YAA ( muu fahmin ba)
A: FOUR FOUR EIGHT
B: HAYE ( waan fahmay e ka soco oo lamberka ku xiga soo daa)
AFKA HA LOO HIILIYO.....

Tuesday, September 15, 2015

Gaddafi's Last Speech!!!

In the name of Allah, the ...beneficent, the merciful...
For 40 years, or was it longer, I can't remember, I did all I could to give people houses, hospitals, schools, and when they were hungry, I gave them food. I even made Benghazi into farmland from the desert, I stood up to attacks from that cowboy Ronald Reagan, when he killed my adopted orphaned daughter, he was trying to kill me, instead he killed that poor innocent child. Then I helped my brothers and sisters from Africa with money for the African Union.
I did all I could to help people Understand the concept of real democracy, where people's committees ran our country. But that was never enough, as some told me, even people who had 10 room homes, new suits and furniture, were never satisfied, as selfish as they were they wanted more. They told Americans and other visitors, that they needed "democracy" and "freedom" never realizing it was a cut throat system, where the biggest dog eats the rest, but they were enchanted with those words, never realizing that in America, there was no free medicine, no free hospitals, no free housing, no free education and no free food, except when people had to beg or go to long lines to get soup.
No, no matter what I did, it was never enough for some, but for others, they knew I was the son of Gamal Abdel Nasser, the only true Arab and Muslim leader we've had since Salah-al-Deen, when he claimed the Suez Canal for his people, as I claimed Libya, for my people, it was his footsteps I tried to follow, to keep my people free from colonial domination - from thieves who would steal from us.
Now, I am under attack by the biggest force in military history, my little African son, Obama wants to kill me, to take away the freedom of our country, to take away our free housing, our free medicine, our free education, our free food, and replace it with American style thievery, called "capitalism" ,but all of us in the Third World know what that means, it means corporations run the countries, run the world, and the people suffer.
So, there is no alternative for me, I must make my stand, and if Allah wishes, I shall die by following His path, the path that has made our country rich with farmland, with food and health, and even allowed us to help our African and Arab brothers and sisters.
I do not wish to die, but if it comes to that, to save this land, my people, all the thousands who are all my children, then so be it.
Let this testament be my voice to the world, that I stood up to crusader attacks of NATO, stood up to cruelty, stoop up to betrayal, stood up to the West and its colonialist ambitions, and that I stood with my African brothers, my true Arab and Muslim brothers, as a beacon of light.
When others were building castles, I lived in a modest house, and in a tent. I never forgot my youth in Sirte, I did not spend our national treasury foolishly, and like Salah-al-Deen, our great Muslim leader, who rescued Jerusalem for Islam, I took little for myself...
In the West, some have called me "mad", "crazy", but they know the truth yet continue to lie, they know that our land is independent and free, not in the colonial grip, that my vision, my path, is, and has been clear and for my people and that I will fight to my last breath to keep us free, may Allah almighty help us to remain faithful and free.
-Mu'ummar Qaddafi.
May Allah 4give and grant you with Jannatul firdaus. Ameeen


SOMALILAND WAA IN AY QAADATAA HANAAN FADARAAL AH OO KA KOOBAN LABADII GOBOL EE MIDOOBAY 1/7/1960 KII...
Arintani waa xaqiiqo ina hor taala maanta ... 25 sanno ayaynu joognaa nabbada iyo kala danbayntu hadii aanay wadan horumar iyo dhaqaale la jaanqaada koritaanka dadka ma waarayaan mana jirayaan oo waad aragtaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba halka aynu maanta marayno ....
Dadkeenu waxa ay ku odhanayaan sidaas ayaanu ahaanaynaa hadii xataa ay qaadanayso 100 sanno oo sida TAIWAN ayaanu ahaan doonaa ,, dee adeer taiwan wax soo saarkeedii halkan aynu joogno ayaa lagu isticmaalaa aduunkuna isaga ayaaba u baahan maanta ..
Dadkeena 2 ba arrimood uunbaa u gudboon in ay shaqeeyaan oo ay sidaa Taiwan la yimaadaan wax soo saar abbadi ah oo iyaga loo baahdo taana hadda wadadeedii lama hayo lagumana haloosiyin... haddaba taa badalkeeda waxa inala gudboon in aynu keeno caqli... fikirka maanta meel inoo kaxayn karaa waa in aynu WALAALADEEN KOONFUR la wadaagno AQOONSIGA isla markaana maamulkeena DAAKHILIGA AH sideenaa u wadano taas oo macnaheedu yahay FADARAAL KA KOOBAN 2 DII GOBOL EE MIDOOBAY 1 DII BISHII 7 AAD/LUULYO EE 1960 KII.... waxaan qabaa in taasi tahay jidka maanta ina hor yaala ee dhinac uun loogu dhaqaaqi karo isla markaana SOMALILAND NA DAN U AH ... SOOMAALIYA NA DAN U AH...

Sunday, September 13, 2015

GUDAHA KA AKHRI: LIISKA XILDHIBAANNADa loo malayn karo in ay yihiin MOOSHIN QUUTAYAAl  oo HORE U LAALAY MOSHINKAN, OO HADANA KAMID NOQDAY 38-KII MUDANE EE SAXEEXAY KII SHALEY DHICISOOBEY.


Hargaysa(Mandheera.com):- Gudaha Ka Akhri Liiska Xildhibaannadii Hore U Laalay Mooshinkan Iyo Magacyada 38-kii Mudane Ee Shalay Saxeexay Is Barbar Dhiga Labada Liis Ee Xildhibaannadii Hore U Diiday Wareejinta Haamaha Shidaalka Iyo Kuwa Shalay Saxeexay Mooshinkii Ay Shir Guddoonka Goluhu Shalay Isku Faro Saareen Immisa Mudane Ayaa Mawqifkoodii Beddelay Oo Saxeexay Mooshinkii Shalay Shir Guddoonku Isku Faro Saaray? Murankii dagaalka gaadhay ee shalay dhex maray Guddoomiyaha Golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo ku-xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ahaa mid ka dhashay mooshin ay keeneen Mudanayaal Golahaasi katirsan oo la xidhiidhay sidii Mudanayaashu uga arrinsan lahaayeen Warqaddii dhawaan Madaxweynaha lagu celiyey ee la xidhiidhay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera. Mudanayasahan oo magacyadooda uu helay wargeyska Hubaal, ayaa kala ahaa sidan soo socota:
xildhibaanada


  1. Xildh. Mahdi Xuseen Cadarre,
  2. Siciid Maxamed Cilmi.
  3. Cali Xasan Maxamed.
  4. Xasan Cawaale Caynaan.
  5. Xasan Muuse Hufane.
  6. Ibraahim Axmed Raygal.
  7. Axmed Barkhad Obsiiye
  8. Mahdi Cabdilaahi Maxamed
  9. Axmed Cabdi Kijandhe
  10. Cabdilaahi Axmed Yuusuf.
  11. Axmed Jaamac Cali
  12. Cali Maxamed Aadan
  13. Ibraahim Axmed Sheekh Muuse.
  14. Ibraahim Carraale Cabdi
  15. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise.
  16. Mahdi Maxamed Jaamac
  17. Maxamed Axmed Obsiiye
  18. Saleebaan Cawad Cali
  19. Maxamed Xaaji yuusuf Waabeeyo.
  20. Cabdi Hirad Warfaa
  21. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
  22. Cabdilaahi Xuseen Cige
  23. Axmed Maxamed Diiriye.
  24. Abuukar Cabdiraxmaan Good
  25. Cabdiraxman Muuse Jaamac
  26. Cali Obsiiye Diiriye
  27. Maxamed Jaamac Cabdi
  28. Xamse Maxamed Gaaddo-weyne
  29. Cabdicasiis Cabdilaahi Aadan dhulcun
  30. Farxaan Maxamed Cali
  31. Maxamed Cismaan Aadan
  32. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
  33. Cabdiraxmaaan Maxamed Jaamac
  34. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
  35. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi.
  36. Axmed Ducaale
  37. Maxamed Axmed Dhakool
  38. Sulaymaan Yuusuf Cali Koore


Sideed iyo soddonkaas xildhibaan ayay kala ahaayeen xubnaha saxeexay mooshinka shalay fawdada abuuray ee golaha wakiillada la hor keenay.
Arrinta xusida mudan ayaa ah in ay xildhibaannadan saxeexay mooshinka shalay ee wareejinta haamuhu ay sidoo kale ku jireen xubno iyaguna ka mid ahaa afartankii xildhibaan ee hore codka diidmada ah gacanta ugu taagay in la wareejiyo haamaha hase ahaatee hujuun adag iyo kaambayn ay xukuumadda iyo xubnaha kaadiriinta goluhu qaadeen lagu soo xero geliyey mawqifkoodii horena lagu bedelay. Xubnahaas wada saxeexay labada mooshin ee isku lidiga ah ayaa ka koobnaa lix mudane oo kuwada jiray labada liisba.
Magacyada Xildhibaannada Diiday Mooshinkii Hore ee wareejinta Haamaha


  1. Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire
  2. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille
  3. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
  4. Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye
  5. Xildhibaan Axmed Faarax Toot
  6. Xildhibaan Cali xaaji Maxamed Muuse
  7. Xildhibaan Baar Siciid Faarax
  8. Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale
  9. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa
  10. Xildhibaan Xasan Maxamed Hufane
  11. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige
  12. Xildhibaan Jaamac Xasan Cadow
  13. Xildhibaan Maxamed Saalax Cige
  14. Xildhibaan Bashiir |Sh. Xuseen Tukaale
  15. Xildhibaan Weli Axmed Xaawo
  16. Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi
  17. Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde
  18. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog)
  19. Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle
  20. Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle
  21. Xildhibaan Ibraahim Axmed Reygal
  22. Xildhibaan Maxamuud Jaamac X. Cilmi
  23. Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde)
  24. Xildhibaan Xaamud Xasan Cismaan
  25. Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Black)
  26. Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel
  27. Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide
  28. Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan
  29. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoorri (Mataan)
  30. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool
  31. Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maxamed (Bulqaas)
  32. Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale)
  33. Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa
  34. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
  35. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf
  36. Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)
  37. Xildhibaan Siciid Yuusuf Cartan
  38. Xildhibaan Ibraahim Jaamac Reyte



Ref: 
http://www.mandheera.com/gudaha-ka-akhriliiska-xildhibaannadii-mooshin-quutayaasha-ahaa-ee-hore-u-laalay-moshinkan-oo-hadana-kamid-noqday-38-kii-mudane-ee-saxeexay-kii-shaley-dhicisoobey/