Friday, October 30, 2015

Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Maalin-nimadii Kow iyo labbaatankii bisha lixaad ee Sannadkii hore ayay ahayd markiii uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadii Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Kulmiye.
Guuldaradaas maalintaa ku dhacday Hogaanka Xisbiga Kulmiye, waxay soo dedejisay inay ogaadaan inay meel cidlo ah taagan yihiin, talladii waddankuna ay gacanta u gashay niman wasiiro ah, oo dhegaha Madaxweynaha markaas haystey. qorshahooduna yahay in madaxweynuhu marka uu tago, ay iyagu xilka la wareegaan.Sidaasna ay tallada Somaliland ku haystaan sannadaha baddan ee soo socda.
Muddo labba bilood gaadhaysa oo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, talladooda si qarsoodiya ay u rogrogayeen, waxaa soo baxday in ka hor dhamaadka Xilka xukuumada Madaxweyne Siilanyo, ay qaadaan tallaabooyin ay ku soo ceshanayaan Kalsoonidii Madaxweynaha, oo ay in baddan halgan soo wadda mareen. Waxayse is weydiiyeen haddiiba Madaxweynihii uu ku jiro gacanta nimankaas wasiirada ah, Sidee baynu ku soo ceshan karnaa kalsoonida Madaxweynaha?. Jawaabtu waxay noqotay in marka hore daraasad iyo xog laga helo nimankan madaxweynaha ku xeeran,lanna isticmaalo qaab Sirdoonnimo ciidan (Ogow Hogaanka Kulmiye waa Saraakiil Ciidan."Militery'e).
Dhamaadkii bishii tobnaad ee Sannadkii hore,ayaa macluumaadkii kooxdaas laga soo uruuriyay ay soo dhamaatay. waxaaney hogaanka Kulmiye ku sameeyeen falanqeyn iyo sida ay u kala muhiim sannaan karto, tallaabooyinka la qaadaya. Wax yaalaha cajiibka ee nimankaas laga ogaadey markii xogtooda la uruurinaayay, waxaa ka mid.
1. Inay koox isku xidhan, misana labba kooxood ah ay yihiin.
2. Kooxda koobaad oo ah kooxda halista, inay aad u xoog baddan tahay, saameeyn weyna ku leedahay Qasriga Madaxtooyada.
3. Inay "Koox'' niman Fudud yihiin.
4. INAYNA WAAYO ARAGNIMO SIYAASADEED LAHAYN
5. INAYNA Ciyaarta iyo SHIRQOOLADA SIYAASADEED WAXBA KA FAHMI KARIN.
6. Inayna aamin saneyn waa la idinka badin karaa, saaxiibadiin qaar ka midina cadaw bay idiin noqon karaan.
7. Inayna siyaasadoodu qorshayaal baddan lahayn, oo hadii midi ka fashilanto ayna qorshe labbad lahayn,,, haddii ay leeyihiina ay qorshe khaldan qaadan doonaan.
Qoddobadaas ayaa lagu ogaadey, fallan qayntii kooxdaas lagu sameeyay. Haddaba markii usbuuc, fallan qayntaasi socotey, waxay hogaanka Kulmiye iyo niman saaxiibadood ah oo hawsha la ogaa ay isweydiiyeen. Tallaabooyinka ay qaadi karaan maxay noqonayaan ?. markii la rog-rogeyna waxaa la isla qaatay in la qaado tallaabooyinka soo socda.
1. In Kooxdan, iyaga la dhex galo.
2. In madaxtooyada saameyn lagu yeesho.
3. In doonis kasta oo uu madaxweynuhu doonayo loo yeelo.Xitaa haddii uu yidhaahdo inta aan noolahay Madaxweyne ayaan ahaanayaa!
4. In Kooxdan,qorshayaashooda la kala daadiyo. tallaabo kasta oo ay qaadayaana lala socdo.
5. In ka hor dhamaadka Xilka xukuumada, hawshaas la fuliyo. ama ugu yaraan inta ayna wakhtigaas gaadhin kooxdan la kala daadiyo.
6. In bartil maameedka ugu weyni noqdo, Kooxda "Halista". Siiba labbada nin ee kooxda hogaamiya. Labbadaas nin waxaa loo bixiyay, Magac sireed ah ''Labbada Shabeel".
La soco qaybo kale oo xiiso baddan.
F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay
Like   Comment   
Comments
Suleyman Hirsi Insha ALLAH khayrkay tagaysaaaaSee Translation
Abdirizak Essa Shalaad barate waa la shubi jiray ..viva muj ..muuse.muj mohmed kaahinSee Translation
Abdi Saleeban Sy dhakhtar waxaan is waydiiya maloo ogolaan doona inay garoonka galaan 
Maxaa dhici kara hadii ay galaan 
Malaga yaaba inay sameeyaan inqilaab dimuqaraadiyesan oo ah sidii ka dhacday dorashadii TFG xasan sheekhna kusoo baxay
See Translation
Abdrähmän Ismäel Ådäm abti haaye swedhish baa ka buuxa qoraalkaaga mise anaa mooday Suleyman YusufdhakhtarSee Translation
Ali Burco Viva Somaliland Waa hawl galaddii SNM oo kale waanay ku guulaysteen hawl galkii oo waata nimankii odayaasha fadalkooddii geelu ka cabay.
Dadka ku hadaaqa aragtidda yaree ma dhalayskaa ee ah askari meel ina gaadhsiin maayo askari ama(millitry) waa kaase barta Suleyman Yusufdhakhtar mahadsanid in badan kooxdanina waxaan filaya waa kooxdii 'halista' ahayd waanu kaa sugaynaa qaybta 2aad na.
See Translation
LikeReply1Yesterday at 6:42amEdited
Captan Xasan Maxamed Ismacil Waaa sax warbixin xaqiiq aqoon la xagijiyaySee Translation
Mukhtar Mohamed Geeraare Waxaynu sugnaaba waa tartan cadaalad ku dhaca kulmiye shirkiisa iyado lagu dhaqmayo dastuurka dalka iyo shuruucda xisbiga e dabcan la jaanqadaysa, halkana ka so baxo musharax xalaal ah noqondonana musharaxena heer qaran. OthrwYs kala yaaca kulmiye weeyaan. Godbless Sland.
Xilmi Xaaji Daahir Waa shax cajiiba runtii anigaaba haya xogo badan o 2 Shabeel ah se maalina kuma fakarin Aà LA kala tuurayaaawSee Translation
Cabdixakiin Cabdi Giire Warbixiintani waa warbixiin cilmiyaysan dadka ariimahaa kulmiye u dhun daloola ama wasarada maaliyada iyo qasriga madaxtooyada ku dhawdhawi, waxay dareensanayeen in xeelad iyo isfaham u ka dhacay xaga marwada madexweynaha iyo kamandoowsta, waxaa ay she...See MoreSee Translation
Abdirahman Ismail Valuable information. Mahadsanid Suleyman Yusufdhakhtar

Qaybtii labbaad..Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Bilawgii bishii koob iyo tobnaad ee Sannadkii hore, ayuu si rasmi ah u dhaqaaqay qorshihii la dejiyay, waxaana Hogaanka Kulmiye ku guuleysteen inay taageero ka helaan oo ay kasbadaan, koox ka mida kooxaha aadka ugu dhaw Madaxtooyada. Kooxdan oo aan wax xil ah hayn, loona yaqaano Kooxda "'Daahsoon"'. waa koox ka mida kooxaha ugu awooda baddan waddanka. Kooxda Daahsoon, waxay hore isugu dhowaayeen,oo ay taageeri jireen Kooxda "'Halista"" lakiin xiliyadan danbe iskumay wanaagsaneyn, taasina waxay keentay inay hogaanka Kulmiye ka faa'iideystaan Kooxdan oo gacanta ku dhigaan.
Xiligaas Waxay hogaanka Kulmiye si resmi ah u ogaadeen, inaanu Madaxweyne Siilanyo, doorasho danbe galeyn ee Mudo-kordhin loo sameyn doono. Qorshahan Mudo-kordhintana ay waddaan Kooxda ""Halistii''.
Hawlgalkan, waxaa isla bishaa koob iyo tobnaad ee sannadkii hore loo qaybiyay labba Madax ama labba jiho. Qayb ku wajan sidii kalsoonida Madaxtooyada gacanta loogu dhigi lahaa iyo qayb ku wajahan sidii dagaalka beelaha ee ay waddeen kooxdan halistii looga hor tegi lahaa, kalsoonida beelahana loogu hanan lahaa. Qorshahani wuxuu keenay tuhun ah in Kooxda Halistii ogaato in lagu soo maqan yahay, waxayna dhinacooga ka bilaabeen diyaar garow balaadhan. Dagaalkii labbada Kooxoodna wuxuu si toos ah u billawday isla bishaas Koob iyo tobnaad ee sannadkii hore.
Dagaalkii qaboobaa ee labbada kooxood oo bishaa socda ayaa waxaa soo dhex galay dagaal kale oo ka dhex qarxay Xisbiga Waddani iyo Dawlada Somaliland. Murankaas oo keenay in xilka laga qaadi gaadho Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,waxaana waddanka ka istaadhmay rabshado iyo mudahaarado ay dad ku dhinteen. Waxaase ku kala hagoogtay Golaha Guurtida. Tani waxay maalmo baajisay Dagaalkii ka dhex socday Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Kooxda Halista.
Maalmo ka dib murankaas Dawlada iyo Waddani dhex maray,waxaa dib u istaadhmay loolankii awood kala riixashada labbada Kooxood ee awooda Kulmiye isku hayey. Waxaana dhacay in 18.Nov.2014, shir ay Soo abaabuleen kooxda Halistii, inuu ku qabsoomo magaalada Hargeysa, shirkaas oo ay ku shaacinayeen, inayna musharixiin ahayn ee ay Madaxweyne Siilaanyo ka dib ay Musharixiin yihiin. Isla maalinta shirkaasi dhaco habeenimadeeda waxaa madaxtooyada Dacwad ka dhan ah siyaasiyiintaas u gudbinaaya, Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo kaashanaya Kooxda "'Daahsoon", waxayna Madaxweynaha ka codsadeen, maadaama ay u tanaasuleen, inuu nimankan wasiirada ah ee Kaambaynka ku jira uu la hadlo.
Madaxweyne Siilanyo, wuxuu subaxnimadii 20.Nov.2014. ku wargeliyay nimankii wasiirada ahaa ee Kaambaynka ku jiray inay joojiyaan, oo la sugaan xiligeeda, dhagse jalaq looma siine, waxaa cirka isku sii shareeray Kaambaynkii iyo ismuquunintii labbada kooxood ka dhaxaysey. Wuxuuna ololihii u janjeedh saday dhinaca beesha ay ka soo jeedaan, nimanka Madaxnimada u ordayaa. Shirar baddan oo bishii labba iyo tobnaad dhacay oo ayna kala qabsadeen labbada kooxood. Waxay natiijadoodu ku soo dhamaatey in 16.Dec.2014. Ay Salaadiinta Beesha Galbeedka Hargeysa
ku dhawaaqaan, reer ahaan inay taageersan yihiin Musharax Muuse Biixi Cabdi. Waxaase taas ka danbeeyay weerar celis ay kooxda Halistii soo qaaday oo ay iyana niman Salaadiina oo isla deegaanka ka soo jeeda kaga hadliyaan 24.Dec.2014. Salaadiintan oo shir ku qabsaday Hotel Maansoor, waxay ku dhawaaqeen inay Musharixiin u yihiin reerka iyo xisbigaba Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yonin.
Sannadkaasina waa 2014-kee, wuxuu ku soo idlaaday weerar iyo weerar celis labbada kooxood u dhaxeeyay. kol labbada kooxood mid aad looga ciyaar wanaagsanaa.
Lasoco qaybta ugu Xiisaha baddan, iyo Ismuquunintii dhacday sannadkan aynu ku jirno ee 2015.
Qaybtii Saddexaad..Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Jimcihii ugu horeeyay sannadka cusub ee 2015, oo ku beegna labbadii bisha Koobaad, ayaa Madaxweyne Siilanyo oo ogsoona, halista ka soo socota tartanka Xisbiga Kulmiye, wuxuu soo diray cajalad uu kaga hadlaayo tartankaas, waxaana haddaladii Madaxweyne Siilanyo ka mid ahaa “Waxa muuqata in is maandhaafka iyo hirdanka, kaadiriinta Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi maalmahan saxaafadda isu marinayeen, kuwaas oo soo bandhigayay damacooda siyaasadeed oo ku wajahan kursigan aan ku fadhiyo. Waxa aan leeyahay Kursigan aniga ayaa ku fadhiya oo uu xisbigu ii gartay. Mustaqbalkana waan u sharaxanahay, saxna ma aha in aad isku kay dul qabsataan. Wixii iga dambeeya Illaahay ha ina gaadhsiiyo. Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa waxaana ina sugaya xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal meel cidlo ah, ha ku xiiqina oo yaan wax aan loo joogin la isku colaadin, meel dad joogona laga waayi maayo qardoofo ee aynu ilaalino wada jirka iyo midnimada xisbiga”
Madaxweyne Siilanyo isagoo haddalkaas soo saaray ayaa haddana waxaa xaqiiqo ahayd oo la ogaa inaanu sharaxneyn, lakiin waayo aragnimadiisa siyaasadeed ayaa fareysey inuu sidaas u hadlo.Haddii aanu sidaas sameyn lahayna waxaa soo bixi lahaa damacyo toos ah oo intii la ogaa ka farabadan. Iyo isku dhac, ismuquunin, burburisa Xukuumadiisa ka hor inta aanu xilkiisu dhamaan, waxaa kale oo kala kici lahaa mudo kordhintii loogu tallo galay in loo sameeyo.
Habbeenimadii 04-Jan-2015. oo ahayd labba cisho uun ka dib markii uu Madaxweyne Siilanyo haddalka kor ku qorin yidhi,ayaa wuxuu la kulmay hogaanka Xisbiga Kulmiye, kulankan oo ay ka soo shaqeeyeen Kooxda ''Daahsoon" wuxuu socday mudo saacado ah, wuxuuna u badnaa Garnaqsi dhex maray Madaxweynaha iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Qolo-waliba wixii ay goconeysey ayay habbeenkaas soo bandhigtay, si daacada oo laab xaadhnaan ahna waa loo wadda hadlay.Taariikh fog oo ilaa SNM-tii ah ayaa la isugu noqdey, wuxuuna Madaxweyne Siilanyo ka waramey dhacdooyin baddan oo uu tirsanaayey. Waxaa iyana dhinacooga haddalka qaatey hogaanka Kulmiye, waxayna meeshii ka cadeeyeen, in ay Madaxweyne Siilanyo, inta ay yeeleen ay ka baddan tahay inta ay tareen. Gudoomiye Muuse Biixi oo haddalka ku horeeyay ayaa yidhi " Madaxweyne ilaa maalintii lagu dhawaaqey Somaliland, gaashaan ayaanu kuu ahayn, Mar walbana taageero ayaanu kula garab taagneyn, mar kastana inaanu adiga ku dhisno oo adiga iska kaa horeysiino ayaa naga go'nayd. Waayo waxaanu kuu arkeyney, inaad tahay Aabahayaga Siyaasada, Madaxweyne, bal xiligii aanu dhalinyarada ahayn ee SNM, Ragii aad adigu taageeri jirtay abaalka weyna u gashay, maanta cid maka haysaa, cid kula socota ma aragtay?, Adiga ayay kuugu neceb yihiin waxay arkaan! Lakiin ragayagii xiligaas mucaaradka kugu ahaa, markii runi run tagtay, noloshuna is bedeshay, Somaliland lagu dhawaaqay, mar kastaba dhinacaaga ayaanu taagneyn, Adiga oo cidla nagaga dhaqaaqa maahaane, weli annagu cidla kaagamaanu dhaqaaqin! Wax aad noo soo jeediseyna weli kugumaanu diidin, ee baddanka waanu kugu raacna.
Waxaa isna haddalka qaatey, Maxamed Kaahin, wuxuuna Madaxweyne Siilanyo, usoo bandhigay maalmo baddan oo taariikheysan oo ay Abaal u galeen. Wuxuu kaloo uraaciyay, Maalmo baddan oo Siilanyo iyaga lugooyey, oo ay tirsanayaan. Kaftan ayuu Maxamed Kaahin, haddalka habeenkaas raacinaayey, wuxuuna haddalka ku soo gabagabeeyay,"''Madaxweyne Daartii Cidlada ahayd ee aad nagaga timi ayaanu weli joogna, xisbigii aad tidhi ku hadhana, waa nalagu haystaa, oo inamo yar yar oo aan waxba ogeyn ayaa nagu haysta. Maanta waxaanu Madaxweyne kaaga fadhinaa taageeradaada iyo inaad adna sidii aanu kuugu hagar baxnay, maanta noo taageertid!.
Habbenkaas oo habbeen "Boqran" u ahaa hogaanka Xisbiga Kulmiye, Madaxweyne Siilanyo wuxuu muujiyay inaanu waxba kala hadhi doonin taageeri doonana doonista saaxiibadii. Wuxuuna habbeenkaas hogaanka Kulmiye usoo jeediyay talooyin baddan oo xisbiga guul iyo horumar usoo jiidi kara iyo sidii loo xoojin lahaa laamaha dibadda ee xisbiga KULMIYE iyo weliba sidii loogu soo xidhi lahaa xarunta dhexe ee xisbiga oo ah Hargeysa.
Wuxuu kaloo Madaxweyne Siilanyo habbeenkaas usoo jeediyay hogaanka Kulmiye, in la dhimo guuxa loolanka murashaxnimo, lana sugo inta ay wakhtigeeda gaadhayso. Wuxuu intaas u raaciyay Madaxweynuhu oo kula taliyay hogaanka Kulmiye, Inay muujiyaan Odeytinimo oo ay soo dhoweeyaan dadka ay siyaasadda isku hayaan ee xisbiga ka tirsan.
Waxay hogaanka Kulmiye dhinacooga ka balan qaadeen inay loolanka musharaxnimo hakinayaan, wax kasta oo uu Madaxweynaha iyo dawladu uga baahatana la qabanayaan. wuxuuna kulankii ku dhamaaday is afgarad wannaagsan.
F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay
Lasoqo qaybtii ugu danbeysey ee dhamaadka sheekadan

Wednesday, October 28, 2015

Xaqiiqada Dumarkii uu qabey Sayid Maxamed Cabdalle Xassan.
Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbinayaa, Dumarkii uu qabey Xaaji Cabdalle Xassan, iyo kuwii uu qabey inankiisii Sayid Maxamed Cabdalle Xassan oo ahaa hogaamiyihii Xarakadii Daraawiishta.
Inbadan ayaad maqasheen iyadoo qofba si uga hadlaayo dumarkii uu qabey Sayid Maxamed, tiradooda.Haddaba maanta waxaynu haynaa xaqiiqadii dumarkii uu guursadey Sayid Maxamed, 1899 ilaa 1919-kii.
Warbixintan waxaaa la uruuriyay intii u dhaxeysey 1916 ilaa 1919-kii.
Waana Abtirsiinta, Reer Xassan Nuur, oo ahaa Sayid Maxamed awoowgii. Waxaa ku taalla inamadii uu dhalay Xassan nuur iyo Inamadii inankiisii Cabdalle Xassan dhalay iyo Inamadii uu awoowga u ahaa ee Sayid Maxamed dhalay.
Warbixintan waxaa uruuriyay, ninkii xiligaas madaxda u ahaa ciidamadii rakuubleyda ee Somaliland. ninkaas oo la odhan jiray,General Hastings Lionel Ismay. Waa ninkii markii danbe Dagaalkii labbaad ee Aduunka la taliyaha ciidamada u ahaan jiray raiisal wasaarihii ingiriiska ee dagaalkii labbaad Mr Winston Churchill.. Wuxuuna markii danbe General Ismay noqday, ninkii ugu horeeyay ee Xoghayaha Guud ee Gashaan buurta NATO loo doorto.
1. Haddaba haddii aynu guda galno sharaxa Taswiirtan ku Taala. waxaynu ka bilaabeynaa Xassan Nuur iyo dumarkii uu qabey.
Halkan waxaa ku Taala inuu Xassan Nuur guursadey Afar Dumar ah. oo afartuba Dhulbahante yihiin. Midi Ba Ararsame ayay ahayd, Saddexda kalena waa isku jifo oo waa Khayaat ama Qayaat, hadba sida aad u taqaanan.Afartaas dumarii waxay Xassan Nuur u dhaleen Sideed wiil. (Waa inta warbixintan ku taalee). Magacyadooduna waa kuwa xaga sare ku xusun.
2. Cabdalle Xassan Nuur, oo uu dhalay ninkaas aynu kor ku xusney, isna wuxuu guursadey intii uu noolaa, Shan dumar ah. oo kala ahaa (inagoo raaceyna sida qoraalka ku qoran). Ina Carro (Dhulbahante Cali-geri) Ina Baynax (Dhulbahante Cali-geri). Fatima Dorey (Majeerten). Fatima Warfa (ogadeen reer Dalal). Hirsiya Ducaale (Ogadeen Habar Celi). Dumarkaasi Cabdalle Xassan waxay u dhaleen Koob iyo Toban wiil. Magacyadooduna waa kuwa xaga sare ku xusun
3. Sayid. Maxamed Cabdalle Xassan isna wuxuu guursadey 14 dumar ah, Intii u dhaxeysey 1899 ilaa 1919-kii. sida Qoraalkan ka muuqatana Dumarkaas sideed ka mida ayaa Caruur u dhalay, lix ka midaana waxba ummay dhalin. Haddaba Afar iyo Tobankaas dumari waxay kala ahayeen. Inaga oo raaceyna sida Qoraalka ku taala.
1. Barni Xirsi (Dhulbahanta Bah Ararsame)
2. Ina Cisman Shiikh ( Hawiye). Sida qoraalka ka muuqata gabadhani Marxuumad ayay aheyd xiligaas oo may nooleyn.
3. Ina Mallo (0gadeen)
4. Ina Dorey (Majeerteen).. waa Darwish, Abshir Dhoore Wallaashii.
5. Barni Maxamud Sugule (Dhulbahanta Bah ararsame)
6. Ina Yuusuf Xayle (Ogaden Bah geri)
7. Ina Xuseen (Dhulbahante Cali-geri)
8. Ina Cali Shire (Warsangeli)
9. Ina Islaan (Majeerteen)
10. Ina Cali Ibrahim ( Warsangeli)
11. Ina Dayib (Mareexaan)
12. Ina Oogle Guri (Dhulbahante Cali-geri).
13 Ina Ducaale Caadle. (Habar Tol-jeclo, Aadan Madoobe)
14. Ina Cali. Waa Ina Cali Xassan, waxay walaalo yihiin Abaanduulihii Daraawiishta, Ibraahim Cali Xassan. (Ibraahim Buqul). Waa (Habar Tal-jeclo Aadan Madoobe).
Haddaba waxaa halkan ka cad in qorayaasha Soomaaliyeed ee Taariikhda Sayid Maxamed iyo dumarkii uu qabi jiray wax ka qoraa, ay Been cad ka sameeyaan oo ay Marxuumkaas dulmiyaan, Waayo tusaale ahaan buuga Tiirka Colaada ee uu Qoray AHN.Cabdiqadir Aromo, wuxuu ku sheegayaa inuu Sayid Maxamed qabey dumar ka baddan 33. Wuxuuna taxayaa Magacyo u baddan qaar aan jirin oo uu ku sheegayo inay dumarkii Sayid Maxamed ahayeen.
Waxaa halkan ka cad in Cadowgii uu Sayid Maxamed la dagaalamaayey ee Ingiriisku ay xaga taariikhda runta uga dhaw yihiin, Somalidii uu ka dhashay Sayid Maxamed. Waayo Ingiriisku Baadhis uu mudo saddex sanno ah sameeynaayey iyo xog uruurin baddan oo uu sameeyay, ayuu ku ogaadey kuna xaqiijiyay, Abtirsiinta reer Xassan Nuur.. Lakiin Somalidii uu Sayid Maxamed ka dhashay, 14-kii dumar ahaa ee uu 20 sano guursadey ayay u saddex jibaareen oo ay uga dhigeen inuu guursadey 33 dumar ah. Waar bal Dulmigaas cad eega! Subxaan!.
Waxaa jira madax baddan oo Muslimiin ah oo dumar baddan guursadey sida Boqor Cabdalihii Sucuudiga oo guursadey intii uu noola dumar ka baddan soddon lammana odhan karo boqorkaasi sifo sharciga Islaamka ka baxsan ayuu dumarkaas u guursadey oo Afar, dumar ah wax ka badan ayuu markiiba qabey.. Waxaana dhacda sideedaba hadii uu qofku hogaamiye yahay in cid waliba la jeclaato inay ama isaga ka guursadaan ama ay la xididaanba. Labbaatan sanno oo Sayid Maxamed, ummada Soomaaliyeed oo dhami, marba qaybi la heshiineysey, qaybna la coloobeysey, misana uu marba meel u guuraayey, Shaqsiyan waxaan qabaa inuu Sayid Maxamed labaatan kaas sanno uu 14-kaas dumar ah iyo ka baddanba si xalaala ku guursan karaayey, si xalaalana uu dumar kaas ku wadda guursadey.
Waxaase Cajiib ah in Cadowgiisu wixii ay ka qoreen ay runta uga dhowdahay wixii ay dadkii uu u dagaalamaayey isaga ka qoreen.
F.G. Sawirkan magacyada qaybta aan xariijinta madow ee afar geesta geliyay waa Dumarkii Xassan Nuur. Qaybta aan Casaanka geliyayna waa Dumarkii Cabdalle Xassan, Qaybta aan Buluuga geliyayna waa Dumarkii Sayid Maxamed Cabdalle Xassan. Qaybta ugu hooseysa ee Binkiga ahina waa Dumarkii ay qabeen, labbadii wiil ee Sayid Maxamed dhalay ee Mahdi iyo Abdiraxman Jahid. Labbadaas wiil oo keliya ayaa Caruurta Sayid Maxamed xiligaas Reero lahaa oo dumar qabey, dumarkii ay qabeen iyo magacyadooda iyo reeraha ay ka soo jeedaanba waata meesha ku taala.
Waxaa kale oo wanaagsan in la xasuusnaado in Sayid Maxamed markii la jebiyay Feb.1920, ee uu Iimey u baxsaday, inuu halkaas ku guursadey, lakiin ma huba dumarka uu guursaday ma mid ayay ahayd mise laba. Qoraalka Halkan ku yaala ee ISMAY qoreyna kuma xusno.. Wuxuuna Sayidku xiligaas Markii la jebiyay uu sii noola wax yar oo aan 10 bilood gaadheyn.
Raad-raac.
kingscollections/Archive
exhibitions/archives/armies-abroad/key-figures/ismay

W/Q. Suleyman Yusufdhakhtar
Suleyman Yusufdhakhtar

Monday, October 26, 2015

https://www.facebook.com/ismail.molah
BY SALEEBAAN YOUSUF DHAKHTAR
Bilowgii sannadkii 2008, ayaa Nin xoghaya arimaha dibada Kulmiye ahaan jiray, magaciisuna ahaa Dr Axmed Xusen Ciise, ayaa yidhi Siilaanyo ayaan isla sharaxayaa, dhawr jeer oo la waraysteyna wuxuu ku celceliyay "Siilaanyo Afartan sanno ayaan soo hoos fadhiyay, markaa inuu meesha noo baneeyo xaq ayaanu u leenahay". Gudoomiye Axmed Siilaanyo ayaa bishii labbaad ee sannadkii 2008-kii, Idaacada VOA, waraysi la yeelatay, waxayna ka waraysaneysey xaalada Xisbiga Kulmiye ee xiligaas. iyo muranka isaga iyo ninkaas ka dhaxeeyay, Wariyihii VOA, ayaa Siilaanyo weydiiyay Suaal ahayd. "Gudoomiye, Dr Axmed Xuseen Ciise wuxuu sheegay oo ku andocoonayaa inuu mudo afartan sanno ah ku soo hoos fadhiyay, markaa ay tahay xiligii aad meesha banayn lahayd?. Gudoomiye Siilaanyo, wuxuu su'aashaas kaga jawaabay ""Axmed Xuseen Ciise,aniga afartan sanno imuu soo hoos fadhiyin, aasaasayaashii Kulmiyena maaha". Lakiin way jiraan rag inbadan isoo hoos fadhiyay hadday tahay SNM-tii iyo hadday Kulmiye tahayba, waxaa ka mida Muse Bixi, waxa ka mida Maxamed Kahin iyo rag kaloo baddan, markaa kuwaasi xaq ayay iigu leeyihiin inay sidaas i yidhaahdan.
Haddaba jawaabtaa uu Siilaanyo berigaas bixiyay, waxay u eegtahay mid maanta soo baxday oo uu ka rumeeyay. xaq ayuuna u leeyahay inuu nimankii uu sideed sanno ka hor lahaa abaal ayay igu leeyihiin oo in baddan ayay isoo hoos fadhiyeen, abaalkooodii u gudo. waliba sida inbadan laga wadda dheregsan yahay nimankaasi wax baddan ayay tabanayeen, waayo Xisbigii ay ku soo dhabar jabeen iyo taageeradii ay Madaxweyne Siilanyo inta baddan la garab taagnaayeen, maalintii uu guuleystay, waa la ogaa halkii ay ku danbeeyeen.. Waana kii ku yidhi ama xilka Xisbiga iska soo dhiga ama Golahayga wasiirada kama mid noqonaysaan.
Madaxweynuhu taageeradiisa haddii uu maanta cid kula ciiri lahaa inuu nimankaas Saraakiisha kula ciiro ayay ahayd. haddii kale sheekadu waxay noqon lahayd Maansadii Dir-sooc ee ibraahim gadhle, baydadkii ku jiray ee ahaa
Geela maalintii raac,
Makhribkiyo habeenkana,
Aan kugu ag maalee,
Ha maggaabin caanaha,
Waar nimankaa soo halgamey, ee misana siddeeda sanno ahaa Mishiinka Xisbiga Kulmiye ku dhaqaaqo, ee Misana maalintii la guuleystey cidlada lagaga tegey, dee maantana may qabaneyn in la yidhaahdo Xisbigii waa la idin kaga adkaadaye halkaas mara. Dulmi cad iyo quudhsi ayuu arinkaasi noqon lahaa xaalkuna wuxuu ku danbayn lahaa, Nin dhirbaaxi quudheed dugsadey dhaqayadeed maal!!. Madaxweyne Siilaanyona abaal la'aan aan taariikhda ka hadheen ayaa raaci lahayd, Waayo ummada oo dhan ayaa markhaati ka ahaan lahayd halka uu kaga dhaqaaqey Saaxiibadiisii maalinta adag.
Samirku maanta wuxuu u eekaa Wasiirada,oo ay ahayd inay u tanaasulaan odayaasha soo shaqeeyay. qaabka tartanka xisbiga ee mustaqbalkana in wax laga bedelo inay soo jeediyaan ayay ahayd lakiin ilaaba ilaa, ama waanu cuni ama waanu ciideyn, meesha may qabaneyn. Idinkuba maanta taas maydaan qaadateen, oo intaad toban sanno Xisbi Cidlo ah soo dhex fadhidaan oo dawladii aad soo saarteen haka qayb gelina la idin odhan lahaa, bil xaqiiqan maydaan yeesheen manaydaan qaadateen.markaa waxaad naftaada la jeceshahay wallaalka la jeclow.
Iminka iyo haatan Somalidu waxay tidhaahda gar waa loo wadda Islaam. Nimankaas wasiirada ee inta baddan iyaguna soo shaqeeyay ee Madaxweynuhu baalashii uu shanta sanno ku duulaayey ahaa, waa in xisbigu ka dabba tagaa si kastoo loo soo maslixi karana gallaa. Taageerayaashii xisbigana waa in la isu soo jiidaa, ileen Somaliland maalin kastaba xisbi burbura umma taag haysee.Tartankuna haddii uu dhafoor taabad iyo cadiigsi noqdo, aakhirka ururkaasi amma xisbigaasi burbur ayuu ku danbeeya.
Xisbiyada Somalilandna waa hanti Qarane hala wadda illaashado!

Sunday, October 25, 2015

SHEEKO XIKMAD LEH/ BY SALEEBAAN YOUSUF DHAKHTAR

Tartankii Madaxnimo ee Afarta nin!
Waxaa la yidhi afar nin ayaa wallaalo ahaa.Nin wuxuu ahaa Caalim, nina Geesi, nina Deeqsi,nina Abwaan.
Afartii nin ayaa is qabsaday waxayna isku qabsadeen taladii reerka. Caalimkii baa yidhi "Tallada ha la'ii daayo, maxaa yeelay idinku caamaad tihiin nin caamo ahina waa nin indhoola. Anigu diintaan aqaan,oo shareecadaan aqaan,oo ladqabadaan aqaan oo xirsi-xidhkaan aqaan, kolkaa waa inaad aniga tallada ii deysaan!.
Markaasaa Geesigii kacay,wuxuuna yidhi "Nimanyahow waad ogtihiin anigu geesibaan ahay nin alla ninkii soo duullana warankaygaas baan geliyaa, haddaan aniga la'iga cabsaneeyna,waa hore ayaa la'idin dhici lahaa. Kolkaas haddii aan anigu ahay ninkii idin difaacaayey,dee waa in aniga tallada la'iidaayaa!.
Deeqsi baa soo boodey wuxuuna yidhi "Horta anigu Deeqsi baan ahay,waxa aad ku dhaqan tihiina waa gacantayda,iyadaa rag idinka jeedisa xirsi-xidhna idiin ah,la'aanteyna rag ayaa Hunguri ama il idinku dili lahaa.Kolkaa waa inaad aniga tallada ii deysaan!
Abwaankii oo u danbeeyay ayaa kacay wuxuuna yidhi "Waar hooy nimanka! Saddexdiinuba saddex nin oo loo baahan yahay ayaad tihiin. Midkiina lagama maarmo,waxaase jirta saddexdiinuba midba meel gooniya ayuu wax ka qabashadeeda yaqaana ee reer ma waddi karo! Waddaadow adigu hanuuniyaad tahay, Geesiyoowna adna daafacaad tahay, Deeqsiyoowna adna sooraad tahay! Aniguse dhamaantiin baan ahay, ninka isku kiin waddaana waa aniga. Cilmi waa maxay? Dee waa caqli la uruurshey!. Geesina? Dee ka dirira uun maaha,meelo kale oo baddan ayaa iyana geesinimo u baahan. Deeqina aqoon bay u baahan tahay iyo xoolo. Kolkaa waar aniga tallada ha la'iidaayo!.
Afartii nin way heshiin waayeen markaasey socdaaleen oo cid kala saarta doonteen. Degmo reero yaaliin bay u tageen markaaseey u warameen kanna codsadeen inay kala saaraan. Degmadii waxay tidhi bal waayahaye meeshu libaax Afaran bay leedahay,habeen walbana qofbay degmadu u xidhaaye, haddii illaahay idinkeenay qofkii loo xidhi lahaa iska soo saara. Markii saa la yidhiba Afartii libaax ayaa isa soo taagey! Degmadiina way iska dareertay! Afartii nin ayaa tallo ku cadaatay oo qof hadla la waayey. Markaa waxaa kacay Abwaan oo yidhi "Waar caalim diin inagaga akhri" Kuye "Alamtaruu libaaxu lahaayoo soo dhaaf!. Waar Geesi inaga dhici! Kuye " Hubba ma sito" Waar Deeqsi wax u tuur. Kuye " Annaaba gaajeeysan". Ma wadda diideen bal hadda igu eega ayuu yidhi Abwaankii. Wuxuuna ku jeestay libaaxyadii,wuxuuna ku yidhi "Waar afartiinan libaax, annagu nin waanu idiin soo saareynaa, lakiin cad la yidhaahdo "Joharad" oo cimriga dheeraysa ayaa ku jirtee bal idinkuna kii cadkaas cuni lahaa iska soo dhex saara!.
Markaasaa Gooshii soo boodey oo tidhi "waa anni" Markaasaa Aarkii dhirbaaxo qaadayoo dhulka ugu tuuray, say halkii isku qabsadeen oo ku dagaalameen,cabaar markii ay dirirayeen. Ayaa baran-barqadii yarayd ee dhedig soo boodey oo tidhi"Annaa cunaya cadkaas". Markaas ayaa libaaxii yaraa iyana dheg iyo dhabban fujiyay. Halkii ayay afartii libaax, libbiyo labba isu qabsadeen!. Markaasuu Abwaankii yidhi"Waar haddaba intay qeybsan yihiin ee ay is haystaan idinna geesta kale kaga dhufta, markaas bay dusha kaga dhufteen oo afartii libaaxba halkii ku dhinteen".
Dabadeed waagu markii uu baryey ayaa degmadii soo baxday, waxayna arkeen afartii libaax oo la dilay, markaas ayey dadkii degmadu nimankii ku yidhaahdeen "waar kiinee hawshan fiican qabtey?. Nimankiina waxay yidhaahdeen "Abwaan". Markaas ayey degmadii tidhi, Abwaan lagu Boqor dunnidana adigu u tali! Halkaas ayaa Abwaan Taliye ku noqday.
Suleyman Yusufdhakhtar