Saturday, December 26, 2015

SIILAANYO VS CAWIL


Cawil Iyo Siilaanyo.
Sawirkan ay qoslayaan, waxay dul taagan yihiin warshadii Furaashaanta ee Hargeysa oo gubatay. 2007.
Hoos ka akhriso dagaalkii Afka, ee dhex maray Cawil oo wasiir maaliyadeed ahaa iyo Siilaanyo oo Gudoomiyiha Xisbiga Kulmiye ahaa.
Ta hore waa eedayntii Cawil, ta labbaad ee xaga hoose taalaana waa jawaabtii Siilaanyo. Waxba isulamay hadhin, lakiin Siyaasadu cadaawad iyo nacayb midna maleh, hadba waa dan joogta ah.
Ambassador Cawil oo Axmed-Siilaanyo ku eedeeyey in uu ka dambeeyey dilalkii hoggaamiyeyaal SNM ahaa – Aadan-Shiine iyo Cabdiqaadir Koosaar.
Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa si kulul ugu weeraray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana Wasiirku ku eedeeyey Siilaanyo in uu ka dambeeyey dilalkii Muj. Aadan Sheekh Maxamed (Aadan-shiine) iyo Muj. Cabdiqaadir Koosaar, oo dilalkoodu ka dhaceen 1987kii magaalooyinka Jigjiga iyo Mustaxiil, ee dalka Itoobiya, iyaga oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii SNM, kana soo qabtay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka SNM. Mudane Cawil, waxa uu tilmaamay in ay hayaan warar sugan, sidaa daraadeedna ay u saarayaan Guddi baadha arrintaas maxkamadna la horgeyn doono. Waxa kale oo Md. Cawil uu sheegay in Col. Cabdillaahi Yuusuf ku dilay Itoobiya gudaheeda saraakiil dhawr ah oo ka tirsanaa ururkii SSDF. Ambassador Cawil, oo daba socday hadal uu Axmed Siilaanyo u jeediyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, oo uu ku yidhi; “Qofkii lagu tuhunsan yahay in uu ka qaybgalay xasuuqii shacbiga Somaliland in aan mansab siyaasadeed loo dhiibin.” Waxana Wasiirku hadalkiisii ku bilaabay sidan: “Nin masuul ahi in uu waxaas ku hadlo ma aha, waa in uu gartaa doorashadii way dhammaatay, shan sanno waa berrito in aad sharaf mudan tahay, oo miisaan leedahay, oo dawladda dhaliisheeda si sharaf leh u sheegto, oo tallooyin siinayso, oo berrito haddii uu guulaysto ay iyaguna sidaas oo kale ula shaqeeyaan, iminka habkaa sii deji ma garanayo. Haddii dawladdii Maxamed Siyaad Barre [Soomaaliya] ayuu hebel ka shaqaynayey dembi tahay dawlad Soomaaliyeed bay ahayd, isaguba [Siilaanyo] saddex iyo toban (13) sannadood ayuu Wasiir ka ahaa, waa Wasiirkii ugu muddada dheeraa, markii la eryey buu SNM u shaqo tegay, xataa markii uu joogay isma casilin. Haddii ciddi dembi ka gashay ummadda runtaan isu sheegaynaa, xaqiiqdaanu taabsiinaynaa, waan ka leex-leexanay, waan ka xishoonay, dib dambe uga xishoon mayno. Haddii dembiile ummaddani leedahay dembiilaha koowaad waa Siilaanyo, dembiile kale ma jiro dalkan. Warar sugan baanu haynaa in uu dilkii Cabdiqaadir Koosaar iyo Aadan-shiine ka dambeeyey, waxaanu haynaa in uu iska hortaagay in baadhitaan lagu sameeyo, waxaanu haynaa in uu Itoobiya u qoray waa arrin SNM u taalla ee yaan la soo farogelin. Ninka jecel in uu jiro Siilaanyo way dhibaysaa, laakiin run baan isu sheegaynaa. Cabdillaahi Yuusuf saraakiil buu dilay. Kornayl ilgiir, Gaaweyto, Abshir, Cabdiraxmaan Caydiid (Dhadhable) iyo Maxamed Xuseen, intaa marka uu marayo ayaa Mingiste [Madaxweynihii hore ee Itoobiya] baadhitaan sameeyey ay leeyihiin ninkaa ha la xidho, waxaas buu sameeyey, dunuubtaas buu galay, ninkii waa saaxiibkeen oo wuu innagu xidhanyahay, laakiin dunuub buu galay, saraakiil buu laayey gudahay ku tuureen, isaguna [Siilaanyo] waxa uu ka baqay in gudaha [Xabsiga] lagu tuuro. Cabdillaahi Yuusuf fikirkaas ma helin. Dembiilaha koowaad ee ummaddani waa Siilaanyo. Ta labaad, lix sanno ayuu Guddoomiyaha SNM ahaa, Diri-dhaba ayuu fadhiyi jiray, qaadhaankii ummadda masaakiinta ah u soo ururin jirtay buu Diri-dhaba ku cunayey oo ku cabbayey, taasina waa dembi. 1988kii, Jabhadii [SNM] waa tii soo gashay dalka, London buu u cararay, waa dembi uu ummadda ka galay. Guddoomiyihii dhammaa halkii uu ummaddiisa dhex fadhiyi lahaa waxa uu u cararay London. Niman mujaahidiin ah oo aan dembi gelin, oo la yaqaanno, oo hebel iyo hebel ah buu xabsiga Harar ku riday, waa dembi uu ummaddan ka galay. Halgankii baa lagu jiray, dal baa la xorreynayay kuwii garbaha iyo baalasha kuu ahaa haddaad gudaha [xabsiga] ku tuurto oo xabsi Itoobiya leedahay u quudho, oo ay yihiin Kornaylo la wada garanayo, saamaxaadna muu weydiisan, waxay sheegeen in uu yidhi; isaamaxa,” iyaga oo xabsiga ku jira dagaalkii 1988kii, markii la galayey ay ku keliftay in uu soo saaro. Labada garab ee SNM, ninka sameeyey ee SHIISH iyo CALANCAS isaga [Siilaanyo] ayuu ahaa, nin aanan warsan ma jiro, labada garab-ba waxay yidhaahdeen isaga ayaa abuuray CALANCASTA iyo SHIISHTA, waa tii ina dabartay ee halgankii dhibtay ee aan dalka la soo galnay ee isku dilnay. Dembiile miyaanu ahayn ninkaasi [Siilaanyo]? Ta Cabdiqaadir Koosaar iyo Aadan-Shiine, Guddi baadhitaan ah ayaanu u samayn, waanu dabageli, wax badan baanu ka ogaan, haddii ay ku caddaato Lillaahi xabsiga ayaanu u taxaabaynaa. Cidna kaga habran mayno, waxkasta ha noqotee haddii ay ku caddaato oo uu lug ku lahaa oo wararka sii sugno, Guddigaas baa baadhi, iyaga ayaa mujaahidiintii wax weydiin, reerkii bay wax weydiin, beelihii ay ka socdeen bay wax weydiin, haddii ay ku caddaato maxkamad baanu geynaynaa. Markii laba beelood Saaxil [Berbera] isku dileen, rag odayaal ah baa u tegay oo beeshiisa ka socda oo ku yidhi labadaa reer ee Berbera isku haysta ee is dilaya aan heshiisiino, caguhuu dhulka ugu dhuftay, wuxuu ku yidhi; “La heshiisiin maayo labadaa beelood midna khayr ma laha ha isku dhammaadeen.” Ma ninkaas ayaa innaga doonaya inuu inoo taliyo, oo Madaxweyne dalka ka noqdo? ee weli waxaa ku hadlaya doorashadii oo laba bilood laga joogo. Bishii February 2003, bay ahayd markii aan u jawaabay ee aan idhi; “Siilaanyow MA [shahaado sare] baan haystaa naga daa CV-ga aad UN shaqo kaga raadsanayso ma aha ee. Dareen siyaasadeed baa la rabaa iyo maskax aad dalka ku hagayso qaar PHD haysta baa nala jooga, wax kale noo sheeg.” Edna [Wasiirka Arrimaha Dibadda] ha uga dego [Rayaale], Siraad [Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE] adigu [Siilaanyo] uga deg. Xasuuqa Waloweyn baa qaadatay, adduunkii baa aqbalay, dhabarkaynu u saarnay, waynu ku shaambadaynay, Xabaalihii Malko-durduro baynu tusnay, adigu ha innagu soo celin, waxaynu u rarnay dad aynu is hayno, oo col nahay, oo culayskooda qaadi kari waayey, adigu ha u khafiifin, haddii aanad dan kale lahayn ha u hiilin oo ha noqon Faysal baa rag laayey. Waa hadallada ay ku dacwoodaan Koonfurtu oo ay leeyihiin Malko-durduro dadka ku aasan ee ay dadka tusayaan waa lafihii Oromadii iyo dadkii kale ee Koonfurta ee ay laayeen, halkii ay ku aaseen, tii bay innagu shaabadaynaysaa oo UN-tu yidhaahdeen waxaanu soo diraynaa dad baadha lafahaas waqtigii ay ahaayeen 1981 – 1988. Arrimaha qaarkood cadowga looma markhaati furo, yaanay odhanin Madaxweynaha ninka doonayaa waa kaa caddeeyey in ay iyagu is xasuuqeen. Dadkeennu waa dad masaakiin ah oo 60-kii ilduufay, maantana aan u baqayo in ay ilduuf kale galaan. Ninkaa [Siilaanyo] xisbigiisu aamusiin maayo oo kuwa cid u xigaa aamusiin maayaan Aadan Madoobe [Reerka Siilaanyo] aamusiiya haddaan garanayo waan la hadli lahaa, ma garanayo, illeyn qofka cid uun baa u naxdee. Xaaji Cabdi-waraabe, ayaa mar yidhi; “Labadii Madaxweyne ee Somaliland ka dhintay [Cigaal iyo Cabdiraxmaan-tuur] nin-na waxaan ka waayey waar adeer dadka la hadal oo wax u sheeg, midna adeer dadka ka aamus.” Ninka kaa naxaya uun baa kula taliya. Markaa ninka Siilaanyo ka naxayaa waa in uu yidhaahdaa Madaxweyne ayaad rabtaaye aamuska badso, cid ka naxda waa la waayey ilaa maanta Siilaanyo. Siilaanyo waa Soomaaliweyn “I know”, Nairobi baan joogay Gaalada waxa uu ku yidhaahdo iyo waxa ay ka ogyihiin waan ogahay, koonfurta [Soomaaliya] baan ogahay waxay Siilaanyo ka haystaan, kun Yaasiin bay akhriyi lahaayeen haddii uu guulaysto. Waxaan ogahay dawladdii SNM maalintii ay calanka taagtay ee dawlad dhistay mucaaradkii ugu horreeyey ee koowaad isaga ayuu ahaa. Yaxye Sheekh Ibraahim wuu noolyahay ayaa igu yidhi; “Waxaan ugu tegay Hoteelka MAAWEEL, waxaanan ku idhi inaadeeroow lix sannadood baad ahayd Guddoomiyaha SNM, ninkana [Cabdiraxmaan-tuur] adiga ayaa keenay, Madaxweyne ayuu noqday oo dawlad SNM ah, ee mucaaradka koowaad ha ku noqon, oo cid kale u *** .” Isaga ayaa ugu horreeyey, waxa uu ku khasbay Wasiiradii beeshiisa in ay ka wada baxaan dawladdaa, waa innagii is dilnay ee is nacnay, waayo, dawlad beeli ka baxday socon mayso. Waraaqihii uu Gaalada u qori jiray wuxuu ku odhan jiray dawladdaa yaan ictiraaf iyo mucaawino ha siinina. Dagaaladii sokeeye raggii xagga hore kaga jiray ee shidayey buu ahaa, intaas oo dembi ayaa u yaalla. Kaambayn Maanijarkii xisbigiisa KULMIYE, Maxamed-sifir, Xamar b
uu joogaa, yuu ka turjumayaa? Dee waa Siilaanyo. Siilaanyo nin aanu isaga dhoweyni ma jirin, laakiin nin baad mar aragtaa oo inta aad nooshahay aad ku dedaashaa in aanu ummadda Madaxweyne u noqon, arrin aniga iyo isaga na dhexmartay oo aan jeclahay in labadayada nala geeyo Masaajid oo aanu ku dhaarano baa jirta oo ah March 1977kii, buu ii yimi isaga oo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ah, aniguna Ambassador ayaan ka ahaa Nairobi, Kenya. Waanu sheekaysanay, waa markii uu bilaabmi doono dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya “Siilaanyo oo xumbaynaya baa igu yidhi dalka waa in la xoreeyaa, maanta fursad baynu leenahay, lix bilood raashinkii ciidamada waan hayaa, Afweyne waa fulay, waan ku tukhaantukhinayaa dagaalka.” Markii uu dhammaystay hadalkiisii waxaan ku idhi; “Maxamed Siyaad Barre waddani ma aha oo waad taqaanaa, dhawr iyo toban sannadood Wasiir baad u ahayd, beel buu rabaa in uu gudaha soo gashado oo Askar ka dhigto, bal adiga yaa kaa maqan?” Bishii August 1990kii, baa ii xigtay Siilaanyo araggiisa. Aniga oo fadhiya Hoteel London ku yaalla ayaa Axmed-Siilaanyo iyo nin la yidhaahdo Maxamed Sheekh Cismaan oo Wasiir ahaan jiray ii soo galeen abbaaro 5:30 galabnimo, waxaan weydiiyey Siilaanyo keenee saxnaa 1977kii hadalkii aynu is nidhi? … Maalintaas baan meel ku qoray Siilaanyo, axdi baan ku galay meel aan joogo in uu Madaxweyne ka noqdo, waayo, Madaxweyne kuma aammini karo. Doorashadii kadib, Salaasadii baan dhoofi lahaa, laakiin Khamiistii baa la ii yeedhay aniga oo u ololaynaya Maxamed Xaashi Cilmi iyo Sacad Sheekh Cismaan Nuur in ay Wasiiro noqdaan, markaan hubsaday saaxiibkay Siilaanyo in aanu Madaxweyne ummaddan u noqonayn muftaax baan noqday. Waan sii socday, waxay ahayd mission-kaygii oo fulay. March 2003, Buug saddexaad baan dhammeeyey, doorashadii baan kaga hadlayaa buuggaas jabtar culus buu Siilaanyo ku leeyahay, Marxuumkii Cigaal-na buuggiisii aniga oo aan soo saarin baa geeridiisii timi, meel baan iskaga riday, markaa waa in aan ka saaraa dhaliisha, maadaama uu dhintay, laakiin Siilaanyo wuu noolyahay. Siilaanyo, waa nin shareekhaad [Makiinad] sitay yaraantiisii, markaanu yaryarayn isaga oo loo wado Masaajid ku yaal Jabuuti in uu Mu’adin ka noqdo baa gaadhigii uu la socday Saylac istaagay, waxa halkaa ka helay Dubbe Cali-yare iyo Xaaji Cali Ducaale, oo ah Axmed-Keyse aabihii, xoog bay kaga soo dejiyeen, ninkii waday bay ka reebeen, Iskuul bayna ku dareen, markaa Siilaanyo halkaas uu ka bilaabay, wuxuuna ku koray guri aanu weligii lahayn oo uu inamo kale marti u yahay, oo uu inamadaa marwalba la dagaalamo, dagaalkii iyo asaraarkii buu weli ku jiraa, waana nin dagaal. Waxaan rajaynayaa Wargeysyadiina in uu maqlo, waxa jira rag Faysal [Maareeyaha Jamhuuriya] oo kale ah waxaan maqlay Wasiirka Warfaafinta ayuu ka dhigi lahaa, Faysal waa in uu yidhaahdaa Wasiir baan kuu noqon lahaa, shan sannadood waynu istaagaynaaye xisbiga inoo ilaali.” Intaa kadib, shirkaa jaraa’id waxa ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland, Md. Siciid Sulub Axmed, oo tafaasiil ka bixiyey socdaal ay isaga iyo Wasiir Cawil dhawaan ku tageen magaalada Burco, oo ay dorraad ka soo laabteen, kaas oo uu sheegay in ujeeddadiisu ahayd gurmadka abaaraha Gobolka Togdheer iyo xallinta xiisad ka dhalatay dadka ajanebiga ah ee laga saarayo dalka, waxana uu sheegay in ay kulamo gooni-goonni ah la yeesheen Maamulka Gobolka Togdheer iyo Culimaa’udiinka reer Burco, wadahadaladii ay la yeesheena ay ku dhammaadeen isfaham buuxa. Gebagebadii shirkaa jaraa’id su’aalihii ay weriyeyaashu weydiiyeen Wasiir Cawil, waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Wasiir, waxaad sheegtay in dilkii Mujaahid Aadan-Shiine iyo Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar uu ka dambeeyey Axmed-Siilaanyo, wararka aanu haynaana way badan yihiin, markaa maxaad adigu caddayn u haysaa?
Jawaab: Waa in Guddi loo xilsaaro oo ay arrintaa gunteeda soo xaadhaan, mujaahidiinta SNM ayaanu annagu warkaanu hayno u gudbinaynaa, kadibna Guddiga ayey u taallaa waxa ka soo baxa baadhitaankaas.
S/ Maxaa ka jira wararka sheegaya in aad la kulantay Jariiddada AL-KHALIIJ oo aad u sheegtay in Koonfuri shirarkeeda dib-u-heshiisiinta ku qabsato Somaliland?
J/ Taasi waxay la mid tahay marka la leeyahay Madaxweyneyaal iyo siyaasiyiin sare ayaa dembi ka galay ummaddan, waar ma la isku dili karaa Faysaloow aniga oo masuul ah marka dembiile la igu sheego, oo aan Siilaanyo sidiisa u hadlo ee aan idhaahdo dad baa la xasuuqay.
Xigasho. Jamhuriya.
Qaybtan hoosena waa Jawaabtiii Siilaanyo.

Mucjiso Cawil Waa Mucjiso Somaliland Ku Soo Biirtay": Axmed Siilaanyo Oo Markii U Horreysey Ka Jawaabey Eedaymihii
Jam. — Hargeisa, Somaliland — 14 May, 2004
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horreysey ka jawaabey eedaymo iyo dhaleecayn ku lid ah Axmed Siilaanyo oo marar kala duwan ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Cawil Cali Ducaale, kuwaas oo qaarkood ay xaasaasiyad weyn abuureen, mar uu shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Ming Sing ee magaalada Hargeysa kaas oo uu isla markaana si ballaadhan ugu naqdiyey siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Riyaale ee Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Dhaqaalaha, Maamulka iyo nabadgelyada iyo xadgudubyada dastuurka ee ay xukuumaddu ku kacdo.
Eedaymahaas Axmed Siilaanyo kaga jawaabey shirkaa Jaraa’id waxa ugu dambeeyey Salaasadii, 11 May, markaas oo shir jaraa’id oo uu Wasiirku ku qabtay Xafiiskiisa, kaas oo uu ku difaacayey Miisaaniyadda, isla markaana uu kaga jawaabayey hadalkii Inj. Maxamed Xaashi uu ku soo bandhigay fadeexadda musuqmaasuq ee miisaaniyadda, uu soo qaaday Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in uu ku guuldarraystay markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda, dowladdii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, 1998-kii inuu sameeyo Miisaaniyad, kadib markii Adhigga la joojiyey. Isaga oo yidhi mudane Cawil “waxay ahayd Siilaanyo inuu I hambalyeeyo maadaama aan sameeyey miisaaniyaddii uu samayn kari waayey”.
Axmed Siilaanyo intii aanu ka jawaabin taas iyo eedaymihii hore Cawil ugu jeediyey oo ay ka mid ahaayeen in Axmed Siilaanyo uu ka dambeeyey dilkii Muj. Aadan Shiine iyo Muj. Cabdulqaadir Koosaar 1987-kii markii lagu jirey halgankii hubaysnaa, Siilaanyo-na uu guddoomiyaha ka ahaa SNM, waxa uu ka hadlay miisaaniyadda isaga oo daba jooga. Waxa uu xoojiyey waxyaabihii Maxamed Xaashi soo bandhigay ee musuqmaasuqa ahaa, isaga oo sheegay dakhli kale oo badan oo aan ku dhicin khasnadda dowladda. Waxa uu sheegay in Cawil qirtay in uu isagu saxeexay heshiiska lagu iibiyey Scrap-ka, isla markaana uu yidhi ‘lacagtii ka soo baxday qayb ahaan uun baa la bixiyey, inta kalena waxa la bixinayaa marka la dhammeeyo shixnadda oo ah 10,000 oo Ton,’ iyo in dakhligii dheeraadka ahaan aan kab-miisaaniyadeed loo samayn, baarlamaanka la hor geyn. Taas oo uu ku tilmaamay Axmed Siilaanyo sharci jebin cad oo uu wasiirku qitay inuu u badheedhay.“In yar oo kale ayaan ka odhanayaa oo aan uga jawaabayaa Saaxiibkay Cawil,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey Axmed Siilaanyo, “Mucjiso Cawil baynu odhanaynaa horta. Waayo, marka la eego Cawil waa Mucjiso dalka ku soo biirtay”.
Isaga oo Mucjisadaas sii fasiraya Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Cawil uu Buug qoray, kaas oo uu ku tilmaamay mid uu u mulaaqay sida uu u mulaaqay Miisaaniyadda. Waxa uu yidhi isaga oo soo xiganaya buuggaas wixii Cawil ku qoray; “Wuxuu yidhi Mucjisaan ku dhashay oo Aabahay Sagaal naagood buu guursadey oo weligii muu dhalin ayuu yidhi. Dabeedna Islaan Taawilo ah (Faaliso) ah ayuu u tegey, islaantii baa tidhi gabadh Arab ah guurso markaas baad dhalaysaaye. Mucjisadaas baan ku dhashay buu yidhi. Markaa in Cawil mucjiso yahay layskuma hayo!”.
Axmed Siilaanyo isaga oo sii wada waxa uu yidhi; “Maanta ka hortow weligey shir anigoo Cawil soo hadal qaadaya maydin maqal. Raadiyow Hargeysa, Maandeeq, shirar walba waa kii intaa la taagnaa ee aniga I caayay ee lahaa ilaa Koosaar baad dishey ilaa Aadan Shiinaad dishey. Isagu markaa meel uu joogey garab maayoo Siyaad Barruu Ag joogey oo kuwii soo diray buu ahaayoo kolley waa u xog ogaal cidda dishey. Ilaa intaa Mucjiso Cawil kamaan hadline iminkaan ka hadlayaa”.
Axmed Siilaanyo waxa uu aad uga hadlay taariikhda Cawil laga bilaabo Mucjisadaa uu sheegay inuu ku dhashay ilaa waxbarashadiisii iyo shaqadiisii. Waxana uu yidhi isaga oo xiganaya Buug uu qoray Cawil:
“Cawil waxa uu yidhi; ‘Iskuulka Sheekh baan ku jiri-jiray oo waa la iga eryey. Cawil ma akhlaaq xumaa lagaga eryey Iskuulka, mise Damiinimo ayaa lagaga eryey, labada mid uun baa la isku eryi jiraye. Cawil waxa uu tegay Cadan (Yemen), wuu ka tegay oo Cawil berigii aanu Scholarship-ka u baxnay, waxa aanu ugu tagnay London, Cawil waxa uu baranayey markaa farsamada Ilkaha (Dentist), wuu ku fashilmay oo wuu ka soo bixi kari waayey oo waa marag ma doonto. Ilkiihii buu sameyn kari waayey oo waa Mucjiso kale, isaga oo geed uu qabsado la’ ayaa 1960-kii Qolooyin layli Sarkaal loo qaatay oo Ingiriiska oo markaa deg-deg xornimada u bixinayay yidhi; ‘Saraakiil ha loo tabobaro muddo lix bilood ah, ayuu Dhiboogii la galay. Cawil wuxuu sheegtaa oo isku dhereriyaa raggii, ragga ahaa Saint Hellies ka baxay ee Waxbarashada labada sannadood soo dhammaystay ee ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Cali Abokor, Xasan Kayd, Maxamed Cabdillaahi, Muuse Rabiile Good, Cabdixamiid iyo kuwo kale.
Cawil, San Harries ma uu gelin, ee lixda bilood ee tababarka Dhibooga ah ayuu galay, markii uu saaqiday, ma sheego oo wuu qariyaa.
"Cawil, waxa uu sheegtaa (Ambassador), Illaahay baan idinku dhaariyee, waxa rag ka soo noqday Safiiro, China, Maraykan, Paris, Saudi Arabia, iyo weliba dalal kale oo waawayn oo adduunka ka mid ah, isagu (Cawil), Iidi Aamiin (Madaxweynihii Ugandha ee dhawaan geeriyooday), ayuu Safiir u noqday.
Markaa waxa yaab leh waxa Ragga dalalka waaweyn Safiirada ka ahaa ay u sheegan waayeen derejada Safiirnimada ee Cawil u qaatay, isaga oo Iidi Aamiin oo Dunida oo dhammi ku qosli jirtay oo la yaabi jirtay Safiir u ahaa.
"Cawil waxa Maalin dhoweyd uu yidhi; ‘Siilaanyo in uu I hambalyeeyo ayey ahayd oo Miisaaniyaddii uu sameyn kari waayey ayaan sameeyey, Xafiiska iyo Kursiga uu ku fadhiyo waa kii aan anigu dhigay, qaabka Wasaaraddu ku shaqayso waa kii aan sameeyey, Cawil Sarifka Lacagaha ayaanu kala aqoone, Shillinka ay sicir bararka ku abuureen baa waalay, anigu wakhtigaa 2000 (Laba kun oo Shilling Somaliland ah) buu ahaa Sarifka halka Doolar, adigana Maanta toddoba kun iyo dheeraad ayuu marayaa, annaga oo Miisaaniyadda wakhtigeedii sameynay oo sharciga geynayna ayaa Adhi gabadii dhacday, sida aad adiguba sheegtay, muddo ayay nagu qaadatay oo markii dambe waanu sameynay, waxa Miisaaniyadda ku jirtay Mashaariic. Cawiloow, anigu Shahaadooyinka aan sitaa kuwo been ah ma aha ee qaab run ah baan ku qaatay, Maanta in aad ii faantaa waa ayaankay.
“Cawilow, waxa aad tidhi; ‘Aadan Shiine iyo Cabdiqaadir Koosaar buu dilay’ aniga ayaa Aadan Shiine iyo Cabdiqaadir Koosaar u ooyay, aniga ayay garabkayga Midig ahaayeen, aniga ayay Waaxi iga go’day dhimashadoodii, anigaa labadaba Bud-dhigay, anigaa labadaba soo aasay, adigu ma aad soo aasin, lamaba aad joogin, ciddii nala dagaalamaysay ee soo dirtay baad ogtahay oo aad la safnayd oo la joogtay’.
“Cawil waxa uu yidhi; “Mileteri baan ahaa, lixdii bilood ee aad kaga soo Budh-budhisay maxay dhashay, noloshu marba meel ayay joogtay, marbaa Soomaalinimo iyo Qaranimo loo degaalamayay, Maalintii Dagaalku kula soo gudboonaaday waa adigii inta aad Sirtii Ciidamadii Qaranka oo dhan aad urursatay Buulo Xaawo ka booday oo Nayroobi tagay ee sirtii ummadda bixiyay waa la ogsoon yahay, markii dagaalku dhammaaday ee halgankii Somaliland bilaabmay anigu kaana waan galay, adiguse markaas baad Siyaad Barre u timi, markaa marwalba waxa aad taagnayd mowqifka Xaaraanta ah, Tuugada, Beenta iyo Qaranimo diidmada baad taagnayd. Mar walba waxaad taagnayd meesha laga ducaysto ee la yidhaahdo “Illaahow Meel Xun ha na dhigin”.
“Waar Dalkan aynu manta joogno runta marka loo dhaco waa loo soo dagaalamay oo loo soo dhintay. Marka laga yimaado halgankii iyo soo dhimashadii, Markii la soo galay galay Burco iyo Berbera, shirar baa bilaabmay oo ummaddii baa isu timi shirar baa la qabtoo waa lays cafiyey, shaqaa la wada qabtay, dowlad baa la yagleelay, ciidamadii hubka laga ururinayey, ummaddii baa la isu keenayey, marar badan baa laysku dhacayey, nabad baa laga shaqaynayey, Cawil, Ismaaciil Yare iyo Ina Rayaale midna ma ku jiray, ka hadli mayo dawladdii Soomaaliya ee aad (Cawil) Basaaska ka ahayd, Jawaanadii aad qaadaysay, markii aad Maxamuud Musbaar ka soo afduubaysay Ugandha, iyo markii aad Nayroobi ka soo afduubaysay nimankii Hawiye. Dalkan Maanta waxa haysta ama runta ha la sheego ama been ha la sheego’e dadkii aan waxba ku darsan. Maanta in Ismaaciil yare iyo noogu hanjabaan oo caruurtayada aad ku xidhxidhaan.
“Cawil hadaladiisii waxa kaloo ku jirey Beelihii berigii Berbera ku dagaalamay Siilaanyaa yidhi Baga. Cawilow, Waxaan ahaa kuwii nabadgelyada ka shaqaynayey, waxaan ahaa kuwii isu keenayey, waxaan ahaa kii ka masuulka ahaa nabaddaynta ee Dhegaweyne iyo ugu tegey goobta dagaalka ee xagga u orday ee xagga u orday ee nabadgelyada ka hawlgalay tii Hargeysadaa lagu saxeexay. Anigaa nabadgelyadaa ka shaqeeyey oo waa la wada ogaa. Cawilow anigu markasta dadka nabadgelyadiisaan ka shaqaynayey iyo midnimadiisa iyo berigii hore wax u qabadkiisa, mar walba adiguna lugooyadiisaad ka shaqaynaysey. Waase ayaan darro in maanta adiga iyo Ismaaciil yar iyo Ina Riyaale isu barkateen, waa nasiibka ummaddani leedahay.
“Weli Cawil waa isu hadhnay oo maan dhammayntiisii ee manta intaa u dhaafi mayo.”
Xigasho Jamhuuriya
155 people like this.
86 comments
Comments
Axmed Maxamed waa munaafaqada siyaasada. shalayna way is caayayeen, maantana xil ayay isu magacaabeen
Mohmed Aar Saleeban wax faa'iido ku jirtaa lagag bartay tani waa munaafaqad ee ummad waxii xumaa ay so dhagtah haynagu celin
Aidarous Farah waxba lays kulama hadhin kkkkkk nimankan baa maanta ku heshiiyay 3 sanno oo kale oo dhab libaaxa in uu fadhiyo siiraanyo bal aynu eegno halkay ku danbeeyaan .
Subeer Hassan Berigaa soodhkay isula galeen laakiin sheekadu aad bay u dheertahay waa lagu daalayaa kkkkkkkkkkk
Mustafa Abiib SIYAASADU CADAW IYO SAAXIIB MA LAHA
Essa Abdirizak Sida ragay wale isku buufiyeen.
Cawil yare wuxuu yidhi : dhowrki sane aan sillanyo xafiiltamaynay waxaa ka horeeysay 30 sano oo aan sxbo kala maarmin ahayn
Omer A. Hussein waxan lama odhan karo siyaasad ee waa wax kale, mabda' iyo xisbinimo iyo xasuus taariikheed midna ma jirto.
Abdirisaaq Ahmed Abdilahi Cawil miyaanu mu.aadin ahayn mida kale siilaanyo waa nin wanaagsan dadkii ay is hayen badankoodi xil buu u dhiibay
Burco Waa Dhigayga Siilaanyo calool kusid maleh ninkaa saa ucaayay buu xil udhiibay walhi waa rijaal
Mahmuud A. Shabbac way Marqaansanaayeen Malaha hhh
Ahmaad ßulschaawi Waxan aad Ula Dhacey Erayga Mucjiso Cawil Siduu Ugu Sifeeyey Kkkkk Waayo Wax iska Sheega Kale Waa Iska Afmiishaarnimo Iyo Hadal Siyaasi Badan koodu Lkn Eraygaa Mucjiso Cawil Sidaa Uu U Sheegay Hadey Jirto Is Weydiin maleh Inuu Cawil Yhy #Mucjiso_Cawil
Suleyman Yusufdhakhtar Waa labba qoraal oo kala hooseeya, qaybta hore waa haddalkii cawil uu yidhi dec.2003. qaybta labbaadna waa jawaabtii siilaanyo bixiyay May.2004.
Mukhtaar Salef walee ragg dheh marna waa la is dilaa marna waa la heshiiyaa.
Mo Ahmed Ahmed Cawil waa siyaasi faashil ah oo ku guuldaraystay siyaasada sida aad wax ufahanteen maaha Silaanyo uu ogyhy inaanu cawil waxba soo kordhinayn balse lagu nacayo ee Silaanyo wuxu doonaya inuu ka aargoosto cawil waan uu la helay oo waakaa shaqqaale ka dhigty kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Abdilaahi Ahmed Jirde Raggaan kalamaarmin dhe
Mo Ahmed Ahmed Siyaasadu waa dan joogta iyo aargoosi kkkkkk
Ahmed Ali Dirir Madaxwaynaha somalia xasan shiikh maxamuud wuxuu dib u magacaabay "morgan " ! halka silaanyana dib u magacaabay " cawil" !
Abdirahman Joseph Kkkkkkkkkkkkkkk, Ahmed Ali Dirir, ma is tidhi 1980's ayaa lagu noqday? Siyaasadda Soomaalidu waa hanjabaad iyo caga-juglayn joogta ah.
Molah Ismail
Write a reply...
Mo Ahmed Ahmed Cawil waxa dhaama Ali warancade iyo Ahmed kayse oo wasiiro laga dhigay oo shaqqaale u ah ahmed silaanyo isaguna shaqaalaha ayuu kamid yh
Abdurrahman Awil Axmed laangadhaba soo shaqaale maaha oo dalka looma wada shaqaynayo
Molah Ismail
Write a reply...
Abdirahman Joseph Siyaasaddu waa hanjabaad iyo caga-juglayn joogto ah. Hayeeshe, labadan nin tooda gacmahaan ka taagay.
Abdirahman Joseph Mukhtar Maalow ragga kala qabta dee, ma sidaas ayay beeshiinnu samotalis ku tahay? Kkkkkkkkkk.
Mukhtar Maal #Cawilmucjiso muxuu wax sheegay kkkkkkkkkkkkkkk
Molah Ismail
Write a reply...
Dayib Deeq Iyo Dayur Wlhi Waa shay Laga xishoodo ninki shalay la laha Lacag bu lunsaday. Waliba la hubo in ambassador cawil dhaqale badan ku maqan yahay.in manta xil lo dhibo WA ceeb iyo calamdaha African Ka iyo Somalida .waliba malinti la doonay in la xidho cawil ay is...See More
Abdurrahman Awil Musuqmaasuqii ugu waynaa silaanyaa sameeyay 6 sano gudahood oo waxkasata xaraashay ,
Abdurrahman Awil Musuqmaasuqii ugu waynaa silaanyaa sameeyay 6 sano gudahood oo waxkasata xaraashay ,
Molah Ismail
Write a reply...
Xuseen Dantihaye Siyaasadu saaxiib joogta iyo colaad joogta ah mid ma leh. Waxa laysku hayo ama laysku raacaana waa damac.
Abdikarim Ilkacase Siilaanyo waa siyaasi jecel magaca aargudashadiisa ugu weyni waa in uu beeniyo wax qofkale kuduray iyado cadna sameeyo .."Cawil wuxu yidhi inta dhinacayga dhulkasareeyo siilaanyo madaxweyne noqonmaayo" EEsh qiyaasak hadana waa shaqaalaha siilaanyo Alla silaanyo waa siyaasi dumuxiisu aad ugundheeryahay waxan qaba xata haduu riyaale xilka yeelayo in uu umagacaabi laha walee .
Fadxi Omer Mohamed labadooduba xog bay ina siiyeen nin walba dhimac u qaatay lkn maanta halka ay somaliland joogto ayaa jawaan u baahan !!!
Geesiga Somaliland Wax lays kula hadhay ma jirto
Amiin Yare Barina siilaanyo digrayto madaxwayne hakaga qaado xilkaa
Xiis Cawil Bootaan Aniga waxa halkaas iiga baxay in silaanyo uu barigiu hore ahaa nin daran lkn maanta silaanyihii maaha ee waxbaa bedelan
cawilna inaanu siyaasad ahayn waxa ay ka muuqataa kii uu ka faanayey ayuu wasiir u yahay
Mohamed-amiin Abdi Omar waa sheeko xiiso badan ..
..... maanta na waa BEST ALLIES IN POLITICS ....
LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA ee Recognition ka iyo WADA HADALADA SOMALIA.
Darurane Darurane Siilaanyo maanta danta uu leeyahay ayuu ka dhex arkay cawil markaa hore ayaa loo yidhi siyaasadu malaha sxb joogto ah ee dan joogto ah ayay leedahay
A J Yousuf Ahmed Gobanimadu waa sidaa siilaanyo udhaqmay gunimaduna waa sidaa cawil udhaqmay isagaana maanta dulaysan
Mushtaaq Ibraahim Iska hadlow Ina iggarre
Hanad Jamac horta cawil..wadahadalda ..waa iska ok....lakiin siyad..wasoir iyo midkale...waa la arkay waa fashil..fidhida..wasarda maliyda bariguu ahaaa.musuq maasuq..iyo baba..iyo halkuu in xashi ..manta gadhsiyay...waa la og yahay...waan la yabay silanyo manta in uu silanyo latadhado..qof ku fashilmay in tuu xilka hayay
Caynaashe Cabdi Kkkk waa laba nin oo aad isu yaqaana lakiin cawil silaanyo wuu kaga cabadiyay
Craxmaan Jaakidh Kolay labadan nin siro badan ayay iska hayaan dee dawladii,maxamed siyaadna way ku soo wada jireen,lkn labadan sarkaal ee snm ka mid ahaa yaa dilay
Craxmaan Jaakidh Kolay ninka xilka umagacaabay ayaa wax iska maslaxaya
Sahardid Shaair Cawil nin la miisaan ah koonfurta(Somalia) oo soo hor fadhiisan karaa kuma jiro markey noqoto wada hadal,markaa waa in lagu hambalyeeyaa xilkaa leyskuna garab taagaa,Madaxweynuhuna wuu ku mahadsan yahey magacaabida Cawil isagoo danta guud ee Somaliland eegaya “Having the big picture in mind enables us to overcome the day to day routines that attempt to distract us from pursuing our dream.”
― Assegid Habtewold
Yuusuf Siciid Raga inta badan waayaha ayaa isku keena xaalad kasta oo ay hore ugu kala fogaayeenba. sidaa darteed, hadii ay heshiiyeen waa wax lagu farxo.
Ismail Mohamed Daahir Walaahay waxbay isla.soo mareen laakin siyaasadu cadaawad ma reebto sxb jogto ahna malaha Suleyman Yusufdhakhtar thanks
Cabdiraxmaan Cali Mahadsanid Suleyman Yusufdhakhtar. Xogtaa baaxadda leh ee aad soo ururisay. Policy has no limits, anything is possible in it.
Sharmaarke Abdi Laki Qaloonbi Suleyman Yusufdhakhtar aad iyo aad xogagaal bad ahayd oday
Jibriil Behi Siilaanyo wadaad buu ku wacnaa berigaa in muadinimadiisa loo daayo ayay ahayd.
LikeReply1December 24 at 8:56pmEdited
Maxamamuud Ibraahin Xasan anigu cawil ceeb u sheegimao laakiin aniga waxay iltahay in aan cawil waxba loo magacaabin ee kooxda lahaya yaasha lagu dhexday hadaad maqashaan la talye waa laheye cidlama taliyo wada hadalka somaliya iyo somaliland somaaliiand way ku guuldaysatay waxa ogaydeen wasiirada somaliland oo warqadii fashiantay ee sucdiga laga jabsaday isku riixriixya siilaanyana wuu ka aamusay masoo koobi karayee aniga waxay ilatay ninku farxa iyo nin ka naxaba qadiyadii gooni isutaaga somaliland mugdibaa ku jira
Craxmaan Jaakidh Maxmamuud Maxamamuud Ibraahin Xasan sxb lataliye hadaad maqasho aniga waxay ila tahay waan ta shankariwaayaye ilatali oo taladu waa waxaad ka maarmi weyday;sidoo kale siiraanyo ;arimihii gudaha xisbigii cawil ee udub ayuu kala maarmi waayay;oo cali warancade ayuu u magacaabay;iyo sidoo kale oo ku ku xigeenkiisa;any way dhamaan xilka dawlada;ha ahaato wasiiro,badhasaabo;ku xigeeno;la taliyayaal:waxay ubadanyihiin ;xisbigii udub;eedawladii ina cigaal iyo rayaale ;kolkaa sxbyaal siiraanyo Cidkaloo uu ku doorsado ayuu garan waayay;kulmiyana in aanay ahayn dad khabiiro ah ;ayuu siiraanyo arkay
Craxmaan Jaakidh Sulayman Suleyman Yusufdhakhtar horta waad mahad santahay sxb lkn labadan mujaadid aadbay iskula jeex jeexeen lkn nin run sheegi alaa og
Sharuba Cade Xasan Kayd Labaduba wa dhiigyo cab...
Ãhmêd Çhäî Mèßüt aqoonyahan Suleyman Yusufdhakhtar m madaxad i saran tahay igasoo badi war bixinada
Craxmaan Jaakidh Ahmed chai meBut maan fahmin wuxuu ka hadlay
Gurey Abokor Suleyman Yusufdhakhtar maalintii dhanxiirku ugu qosolbadnaa ayey ahayd maalintii magaca cawil mucjiso baxay
Khadar Kaar Aar Cawil Waa loo baahday maanta dalku wuxu marayaa yaa wax qaban kara
Khadar Kaar Siilaanyo Wuxu Ogyahay in Khibrad iyo waayo aragnimo badan oo loo baahan yahay uu leeyahay mr. Cawil
Saajin Janan Bari Mucjiso muxu dad u afduubay siyaad bare oo afka ka geliyey subxaan
Saajin Janan Bari Waxaan ku qoslay siilaanyo marku yidhi cawil akhlaaq xummo iyo damiinimo labadassaa looga eryey dugsigii shiikh kkkkkk
Craxmaan Jaakidh Kkkk any way Abdulahi yuusuf oo Ssdf ugu mudo dheeraa alaah yarxam iyo Siiraanyo oo Snm ugu mudo dheeraa labaduba waxyaabo badan ayay ogaayeen ;oo xisbiyadooda ka dhex jiray ;haday tahay;khaarajin.is dhaafin .iwm
Axmed Xinif Dadkenu maha wax tarikhda laysugu hawlo ninkani wuxu so ban dhigay tarikh wax ku ola lakin dadka ka jawabay markiba cadifad iyo qof jaclaysi ayey uga jawaben
Waxa fican inad naqishto tarikh kadibna comat ka bixiso tusale waxa isu jaabay laba siyasii oo rugcada ah keba hadal wanagsan keba hadalkisu cafimad qaba keba fidma wada keba shekhsi abaray keba belo abaray keba hadal wafiya ku hadalay
Tiger Brown no time to read sorry
Abdikadir Amin waxaa wax lalayaabo ah taariikh xumada uu siilanyo isku geestay anakoo layaaban dadkii usoo shaqeeyey kulmiye uu wadada kaga tagay yacnii markii uu kulmiye halganka ku jiray waynu ogeen ninkan cawil dhibaatadii dalka iyo siilanyo ugeestay , siilanyo afkiisaaa laga hayaa cawil waa tuug.haben iyo maalin mu'aamarad ayuu cawil ka shaqeyn jiray si uu uwiiqo jiritaanka siilanyo. waxaan layaabanahay odaygii siilanyo maanta xaaladiisa caafimaad waa sidee ma maskax guur ayaa haleelay. sidani caadi maahan,, laakin taariikh xumo ama toobadoo kaa xumaataa waa taa siilanyo haleeshay ayaan oran lahaa,
Abdi Karin Dhibyare siyaasadi nooc badanaa bal eega labada ay isu keentay yaa rasuulu laahi isma qabanayaan kala celiya
Libah H Moulid silaanyo waa dhaqaale yahan aqoon ahaan cawilna waa diplumaasi ...dadka naxnaxshiga siyaasada yaqaan.... maanta ninki silaanyo marku qaranimadi somaliland saray dawaha ee uu hadana fashil ku dhameeyay ayu yidhi waar cawil inader wadanki tolkeen maxaynu ka yeela ...... fashil miya mise waxay marka horeba ahayd lexejeclo la.aan silaanyo oo wadankan aanu sidaaba ugusii dhaganayn sida cawilba sheegay 2003
waad mahadsantihiin
ala mahad leh
Guled Duale meeshan saleebaanow waxay ila tahey in cashar laga barto oo dadkan danbee siyaasadu xataa isma yaqaanan ragani konon sano ka badan ayey is yaqaaneen markaa nimankani cashar aynan lacag ku helen ayey saaxaafada nagu bareen tuur iyo cigaalna waa ogeyden saleeb aad baad umahadsantey
Naziir Dahir Jama Siyaasadi Aabe Ma Leh Waar Nimanku Maxay Isku Shubeen Balaayo Se Anuu Iyaga Laba Yaabayoo Waxay Haystaan Bulsho Irmaan Oo Wax Walba Laga Iibiyo Magacaabidaas Cawilna Anuu Waxba Inaanay Soo Kordhinayn Waan Ogahay Se Waxaan U Arkaa Uun Inuu Cawil Cali Ducaale Busaaradaystay Oo Shidaal Iyo Meelo Joog_Joog Uun Loo Samaynayo
Mohamed Ali Salebanow maantana tan ayaa dambaysay waligay ismaan lahayn labadaasaa salaanta kala qaadan
Wax wada cunbayba yeesheen
Wax waliba waa suuro gal waxaynu sugnaaba waa calankii buluuga ahaa
Maxamed Xarago Hadii aan akhriyey oo u fiirsaday labada siyaasi hadalkooda. Wax markhaati madoona in siilaanyo wuxuu sheegayey ay ahayd been cawila aanu tuug iyo munaafaq ahayn waayo siilaayo ayaa si ficila u furay inaanu wax dan biya la hayn. Laakiin uu isagu siilaanyo ahaan u qaldan yahay wixii cawil sheegayna wax ka jiraan.
Ali Husein Waxaa fiican in la fahmo siyaasadu waa maxay waxa jirta odhaah koobsatay waxay siyaasadu tahay oo ah siyaasadu malah saxib joogta ah ee waxay leeday dan joogta ah. Marka waa in aynu fahana nimankani maxay isku hayeen ee Ka dhexeyay ilayn xoolo may kala dhicine waxaa laysku hayay kursi. Sidaad odhaahda Ka aragtaana ninka siyaasiga ah ma eego wax hore ee waxa uu eegta waxa maalinta dantiisu ku jirto tanbana markhaati kugu filan.
Fozi Mustapha Kkk waa laba nin oo is ceshan kara, iyagaa soo xafiiltamay maantana wax wadaagaya, dhexdooda ninkii wax ka raadiyaa isagaa xumaan uga dhaadhici sidii Dhidarka!
Suaashu waxay tahay, soo qortaye maxaad soo kordhisay?!
Yusuf Ali I don't understand both of them useless
LikeReply23 hrs
Haithar Mussa Walahay waxaan la yaaba dad moodaya waxan siyaasada la yidhaa iney tahay kala guur waxaan rabaa inaan idin sheego waar raggana siyaasada ku wada jiraa waar ragg saaxibo ah lakiin damaca siyaasaded kala kexeyay kaas oo mar mar keena cilado shaqsiyaded oo ay isku ogayeen in laysku eedeyo haddana wixii laysku hayey ayaa dhamaadey aad ayaan anigu ahmed mohamed mohamud silaanyo madaxwaynaha ugu hamblyeynaya casharka cusub ee uu bixinayo ee ay ugu horeyan cawil iyo warancade ina sulubna mala waa casharada danbe wax kale odhan maye siyaasadi hersi gaab laga raysay
LikeReply23 hrs
Nour Abdi Inigu waxan isleehaye madaxwaynaha siilanyo waxa uu kolba nin umagacaabayaa ayaanu xisbigaagu dhicin laakiin waxan leehaye madaxwayna xisbigu makulmiyaa mise waa udub waxa kaqasheeya oo dhame waa udub
LikeReply22 hrs
Adan Nuur kulmiye iyo udub waa labada xisbi ee xisbinimo gaadhay ilaa hada labadoodaba tartano iyo khilaafyo waxii ka dhex dhacay xisbinimo ayuun bay ku kala baxayeen mid walba xisbiga gudihiisa uun baa is riixayay ama cadaalad wax u dhacaan ama yay u dhicine ucid waa kan khilaafkiisii iyo cida musharax ka noqonaysa laba reer ka wada hadlayaan wadani na mus danbeed baabu leeyahay reerkali ah markaa markaa madaxweyne siilaan yo udub xisbinimo ayuu ku og yahay oo uu xubnahoodii u qaadanyaa
LikeReply22 hrs
Eng Ahmed Siciid Banjiidh Kkkk siyaasi waa beena waas kulahaa dilalka aadan shiine iyo koosar siilaaya ka danbeeyay hadalkii in la dhaho soo cadee ayay ahayd oo aan lagaga hadhin cawil
LikeReply21 hrs
Cabdishakuur Osman Du'alle Horta waxaan sheego ku maqlay in siyaad bare cawil isagoo degen hotel ubax in uu u diray nin oo uu yidhi soo dil ninka hotel ubax degen qolka number 9 lkn umu sheegin magaciisa ninkii la diray intuu tegey hotel ubax ayuu ninku jira qolka number 9 diley siyaad bare ku yidhi waan soo diley ninkaa cawil maba joogine waa ogaa in la dilayo waa baxsaday ilaa kenya markaa ayaa siyaad maalin danbe arkay isagoo kenya somali shir kula jira siyaad oo qud badaynaya ayaa arkay ninkii cawil oo fadhiya markaasuu hadalkii ku shegey markaas ayuu yidhi ka soco number 9 ayaad khaladee
LikeReply120 hrs
Eng Ibrahim Abdi Diriye anigu waxa aan u arkaa inay tahay arinta magacaabida CAWIL mid siyaasadeed oo looga dan leeyahay in cawil lagaga ilaalinayo inuu ku biiro xisbiga WADDANI sababtoo ah waa nin wayn oo waayo araga kana soo jeeda reerka dhinaca siyaasada ugu miisaanka culus (muuse carre)beesha guud ee cabdiraxmaan cirro ee (HY) sidaa awadeed waa dabin siyaasadeed oo loo dhigay cawil iyo xisbiga WADDANI ba sidaa ha loo fahmo sxbayaal. mahadsanid #suleiman #yusufdhakhtar inaader xogtaa aad nala wadaagtay
LikeReply119 hrs
Mohamed Yassin Hassan Suleyman yusufdhakhtar. Inadeer Arin fiican baad soo ban dhigtay.

Cawil waa Mucjiso. Sheekooyin badan buu iiga sheekeeyay markaan Wasiirka ahaa.
Muse ayuu laalushi jiray markuu Wasiirka ahaa. Marka KULMIYE Riyaale Ku kacaan. Muse na KULMIYE ayuu amusiin jiray.
Maantana Muse ayaa keenay si loo yidhaahdo Ali Iyo Cawilba Iyo reerahoodu Muse ayay la socdaan.
Alaa Kariim. Muse na waa riyoonayaa.
Silaanyo se ma jecla Cawil. Dana kama laha.
LikeReply19 hrs
Diplomacy Tima Jilic Waa arin aan aad ula yaabey lkn taarikhda siyaasiyiinta somali land ma fataalnimay u badanthy midkasta kankale wuxuu ku eedeyay adaa basaas ahaan jirey. Masuuliyada iyo akhlaaqdu waa wax iswata lkn nasiib xumada haysata dadka afka somaliga ah ku hadla bey laqabaan wllahen reer waqooyi
LikeReply16 hrs
Cawale Ismacil cawil waa nin ka culus safiir waana siyaasi rugcadaaya oo silanyo kala shaqeynkara xiligan lakin wuxuu uga ficnaan lahaa isago wasir maaliyada ama w arimaha gudaha ka dhiga isaguna wuxu soxaraynlahaa qeyb wadani ah ee reernimada ku raacay ciiro
LikeReply15 hrs
Cawale Ismacil warancadena ama samsam wuu udhaami lahaa cawil waana rugcada qadimi ah oo sicir baraarkan wax kabedalilaha ama miisaniyada si degdeg ah loga dareemi lahaa dalku haduudono hacuune
LikeReply15 hrs
Mohamed Suleiman cawil waa runtiis siilaanyaa khaarajiyey shiine iyo koosaar
LikeReply14 hrs
Molah Ismail Annigu marka aan is bar bar dhigo labbadan masuul (SIILAANYO IYO CAWIL) horta siyaasad ahaan SIILAANYO ayaa ka facwayn oo ka degree badan ... waayo Cawil dee HAN hogaamineed ma yeelan.. oo wasiir uunbuu ku ekaa hankiisa siyaasadeed .. waayo aragnimo shakhsiya oo dabada ku haysa inta badan ee uu soo noolaana way u saamaxaysaa in uu ka sheekeeyo waxyaalaha noocan ah ee uu ku durayo siilaanyo... magacaabida imika uu siilaanyo magacaabayna waxa uu uga jeedaa in uu CAWIL hor dhigo casharo siyaasadeed oo ay isla soo mareen .. iyo in ay si shakhsi ah oo labadoodu isku xaal waraystaan .. wax badan na ay is waydiiyaan .....
LikeReply