Sunday, November 29, 2015


1. DHAMEE jaamacadda koowaad iyo talaabadba, ama machadyo u dhigma soo dhamee.
.
2. WAAYA-ARAGNIMO 2 ama 3 sanadood ah u yeelo xirfadaada. Xataa hadii ay tahay inaad mutadawac ku soo shaqeyso ama ad macalin ka noqoto galabtii iskuulka xafadiina ku yaala.


3. LUQADDA ingiriisiga iyo luqad labaad oo caalamiya ku hadal (Faransiis, Carabi, Ruush, Spanish, Af Shiine). Haddaad ku hadasho mid ka mida luqadaha dawladaha jaararka ahna sida xabashi ama sawaaxili waa wax wanaagsan.


4. AKHRISO si joogto ah ugu yaraan laba joornaal oo caan ah oo ku saabsan xirfadaada si joogto ah u akhri, ha noqdeen iyaga oo daabacad ama internetka ka akhri, si ad uula socoto waxa ka socda caalamka.
5. XIDHIIDH la yeelo ugu yaraan 10 qof oo hadey doonaan meelo kala duwan jooga oo ku shaqeeya xirfadda ad baratey.


6. QOR ugu yaraan 5 maqaal oo mug leh oo ku saabsan xirfadda ad baratey ama sida loo adeegsanayo oo ama bartaada fb soo dhig ama joornaal ku soo qor amaba idaacad ama telefishan ka soo daa. Haddaad joornaal ku soo qorto, ka sawiro oo meel dhigo.
7. KA QEYB GAL ugu yaraan 5 shir ama tababar oo ku saabasan mihnadda ad baratey, haddii ay kuu suuro gashana hadal ka jeedi, xataa haddii uu dhowr daqiiqadood oo kooban yahay.


8. KA EEG nolosha dhinaca togan xataa haddii wakhtigu kugu adagyahay. Ha lagu tuhmo oo halaguu qaato inaad tahay qof xaalad wanaagsan ku jira. Qofka cabashada badan lama jecla oo waa laga ordaa xataa haddii uu aqoon badan iyo waaya aragnimo leeyhay.


9. HANBALYEE dadka wixii wanaagsan ee u soo kordha ama ad ku aragto. Ha noqoto qof ilmo u dhashay ama qof barnaamij fiican ka soo daayey telefishanka oo ad daawatey.
.
10. IlAAHEY ku xidhnow oo hore u soco

Tuesday, November 24, 2015

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015ka):BOOBE

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka
(1948kii – 2015ka)
ww“Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,
Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,
Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,
Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,
Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,
Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,
Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?
Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,
Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?”

Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qormada: 1aad

Hargeysa, 21/11/2015ka

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

‘Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun.’ Waa geeri iyo camalkeed. Aan ku cudur-daarto tuduc aad u gaaban oo ku jiray maansadii Daalacan ee Hadraawi oo ah:

“Dib-u-dhigasho mooyee,
Wax is-doorshay ma ay dhicin,
Afartaa xan durugtiyo,
Danni jira wax-sheeggii,”

Axmed Xasan-cawke maa-daama dad aad u badan oo meelo kala geddisan joogaa ay yaqaanneen waxa ii muuqatay in meelo iyo siyaabo badanba loo xusi doono. Sidaas ayaan u yar lug-danbeediyay. Sidii ayaanay u dhacday oo waa taas tacsidii iyo baroor-diiqdiiba ay socdaan.

Waa subax Salaasa ahayd, taariikhda Miilaadiguna ku beegnayd 17kii, Noofambar 2015ka. Waa san ayaa noogu baryay magaalada Hargeysa oo aan ka mid ahay dadka deggen, haddii Eebbe idmana aan sii deggenaan doono inta noloshayda ka hadhay. Waa halka aan ku dhashay ee ay xudduntaydu ku aasan tahay.

Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd waxaan toosay goor hore oo aan dhegaystay qaybo afafka qalaad ah oo BBC-da ah ka dibna u digo-rogtay VOA-da oo 6.30ka subaxnimo soo gasha. Wararka ka-sokow waxaan aad u xiiseeya heesta lagu soo khatimo oo mararka qaarkood ku aroorinaysa oo waayo-waayo ku xusuusinaysa. Waxaanan illoobayn Cabdi-qays iyo Aamina Canbdillaahi oo aroor dhaweyd hees kala roganayay. Waxaan is-idhi waa bilowgii lixdankii iyo magaalada Jabuuti. Inta aan subaxdaa iska daayay BBC-dii Soomaaliga ahayd ayaan dhakhso u baxay aniga oo Xisbiga Waddani ballan adag ku lahaa. Guddi gacanta ku haysay qabyo-qoraalkii Barnaamajka Wax-qabad ee Xisbiga Waddani ayaan la ballansanaa. Xafiiskii markii aan tegay ayaan arkay iyagii oo aan weli iman.

Gaadhigii ayaan dub u kala-xeelay aniga oo go’aansaday in aan soo maro dhakhtar aan la ballansanaa. Waxaan tegay Xarunta Baashista ee Rejo oo aan dhiigag iskaga qaadayay. Markii aan dhammaystay ee aan ka soo baxayay ayaa waxa iga dabo yimid wiil dhallinyaro ah oo Xaruntaa Rejo ka shaqaynayay oo aanu is-naqaannay. Isaga oo baalle-daymoonaya ayuu cod aad u hooseeyay oo aanay kalsooni badani ku dhehhnayn, dhegta ii saaray: “Miyaad maqashay geerida Cawke.” Aniguna yaabay oo idhi: “Cawke waa kee? Ma Ina Xasan-cawke?” Ku-ye wiilkii Guuleedna: “Haa.”

Aniga oo yar yaabban oo hoos isu weydiinaya halkii uu ku danbeeyay maa-daama an magaalada Hargeysa ku ogaa, ayaan Guuleed dib su’aal ugu celiyay. Waxaan weydiiyay halka uu ka maqlay. Ku-ye isaga oo aan shakisanayn: “Facebook-ga ayaa saaka ka akhriyay.” Inta aan hoos u hiifay Facebook-ga, ayaan aniga oo sii dhaqaaqaya ku idhi: “Waa beentood, maxaa yeelay maalinba qof nool ayay aasaan oo ay ku dul qoraan war deg-deg ah.” Sidaas ayaan ku dhaqaaqay aniga oo Guuleed shaki ku abuuray.

Aniga oo aan Xafiiskii Waddani gaadhin ayuu Guuleed i soo garaacay, ku-ye: “Adeer waa dhab oo wuxu ku geeriyooday saaka magaalada Jigjiga.” Markan warka dhiillada xanbaarsani waa uu i taabtay. Si buuxda uma xaqiiqsan bal se shaki iyo walaac ayuu igu dhaliyay. Guuleeed ayaan su’aal aan ku shaki-baxo weydiiyay oo ahayd: “Adeer, yaad ka hubisay ee warkan naxdinta leh ku saxeexan?” Guuleed oo aan is-dhibin isla markaana aan ii soo war-wareegin, ayaa iigu jawaabay: “Mulkiilaha Maalinlaha Geeska ee Raambo ayaan weydiiyay oo ii caddeeyay.”

Xaruntii Xisbiga Waddani markii aan gaadhay, ayaan Maxamed-raambo tilifoon u diray. Wuxu ii xaqiijiyay in uu Axmed Xasan-cawke si kedis ugu dhintay magaalada Jigjiga meydkiisana isla maanta la soo qaadayo. Waa sidii mocooyooyinkeen odhan jireen e’, warkaasi wuxu noqday ‘Xaqiiqal Maka.’ Dhowr tilifon oo kale ayaan diray oo uu ka mid ahaa Yoonis Cali Nuur. Qaarkood ayaa iigu jawaabayay: “Waxaan weli la kala caddayn Kalabaydh oo aabbihii ku aasan yahay iyo Wajaale midka lagu aasayo.” Mararka qaarkood ayay magaalada Gebilay sheekada xabaasha soo gelaysay. Qaar kale aya ku odhanayay saddex xabaalood ayaa la kala qoday.

Markii aan isu geystay wararkii tilifoonnada iyo mareegaha waxan isu diyaariyay in aan u ambo-baxo magaalada Wajaale oo warkii isugu biyo-shubtay in lagu aasay. Muran yar xoogganaa waxoogaa ayaa ka dhashay sababta loogu aasayo Wajaale oo qarka Itoobiya ah. Markii aanu goobta tagnay se, waxaanu xaqiiqsannay in ay Dawla-degaanka Soomaalidu sidaas door-bidday si ay iyaguna ilaa heer Madaxweyne ugaga soo qayb-galaan

Wuxu ahaa Axmed Xasan Suufi-cilmi. Aabbihii Xasan waxa loo yaqaannay Xasan-cawke. Hadda ma aha Xasan Cawke ee waa Xasan-cawke. Sidaas daraaddeed sifada Cawke waxay ahayd sifo ku ladhnayd ee ma ay ahayn magaca Xasan aabbihii oo ahaa Suufi-cilmi. Sida dadka intiisa badani u haysato, Cawke ma aha magac Axmed lahaa ama magaca awowgiiba.

Aabbihii ayaa la odhan jiray Xasan-cawke oo ay tahay in aad u qaadataan in Cawke ay ahayd sifo aabbihii magaciisa lagu ladhay. Haddii aan cabbaar raadiyay macnaha ereyga Cawke waxa la iigu sheegay adeygga ama qofnimo ha noqoto, ama hadalka ha noqoto ama si kaleba ha noqoto e’.


Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka
(1948kii – 2015ka)
“Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,
Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,
Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,
Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,
Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,
Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,
Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?
Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,
Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?”

Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qormada: 2aad

Hargeysa, 22/11/2015ka

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Axmed Xasan Suufi-cilmi oo loo yaqaannay Axmed Xasan-cawke ama Ina Xasan-cawke wuxu ku dhashay magaalada Tog-wajaale 1948kii. Da’diisa ma aan sugin oo qoraal kuma aan helin, bal se waxaan ka dhaqaaqay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku dugsi iyo fasalba ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Caasha Aw Faarax Xirsi Mixille. Gabadh keliya ayay Axmed wada dhasheen oo ah Caneb.

Axmed wuxu dugsiyadii hoose/dhexe ku soo qaatay magaalada Tog-wajaale. Dugsigiisii Sare wuxu ku soo qaatay Cammuud, waxaanu dhammaystay 1970kii. Ka-dib wuxu ka bilaabay magaalada Gebilay shaqadiisii qaran. Halkaas ayaan ku bartay 1972kii. Aqoon badan uma aan lahayn. Axmed Xasan-cawke fadhi aan la fadhiisto oo aan sheeko la wadaago waxay ii ahayd maalmo ku jiray 2008kii, xilliyadii lagu jiray diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha. Inta badan waayo kala geddisan iyo meelo kala duwan ayaanu ku noolayn oo na kala qariyay.

Sannadkii 1973kii ayuu ka mid noqday dhallinyaro imtixaan lagu tartamayay u gashay Radio Muqdisho. Waxa tartamayay 17 dhallinyaro ah oo dugsiyada sare ka soo baxay shaqadii Qarankana dhammaystay. Waxa imtixaankaa ku gulaystay: Yoonis Cali Nuur, Cabdi Idiris Ducaale, Aadan Nuux Dhuule, Maxamuud Sheekh Dalmar, Axmed Xasan-cawke, Maxamed Cali Carraale iyo Maxamed Xasan (Terra). Beryaha qaar ayaa saami-qaybsigu sidaas iska ahaa. Heerkii beryahaa la taagnaa dhallinyaradan la qaatayba waxay wada ahaayeen reer woqooyi marka laga reebo Maxamed Xasan (Terra).

Markii barbaartas loo qaatay Radio Muqdisho ee ay imtixaankii ka gudbeen, waxay halkaa ugu tageen ruug-caddaa aan odhan karo waxay ahaayeen Raacii 2aad ee weriyayaasha Soomaaliyeed oo iyaga qudhoodu ahaa intii ka soo aflaxday Radio Hargeysa oo ahaa Raadyowgii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo la furay 1941kii. Idaacadaha kale marka aad dhaafto Laanta BBC-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu 16 sannadood ka weyn yahay ama ka horreeyayba.

Aan sheekadeennii Ina Xasan-cawke ku soo noqdo e’ isaga iyo colkii la wada qaatay ayaa tababarro iyo carbis lagu bilaabay. Waxa u bilaabay Raacaa 2aad oo ay ka mid ahaayeen: Mustafe Xaaji Nuur, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Siciid Caddaani, Mijir Qaaddi-Maxamud, Idiris Xasan Diirye, Weli Xaaji Cali iyo Idiris Cigaal Nuur. Raacii ugu horreeyay ee weriyayaasha waxaynu ka xusi karaynaa Xaaji Cabdi Ayuub oo ahaa qofkii soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee BBC-da ka hadla, kuna furay “Halkani waa BBC oo idin bariidin.”

Marka aynu si gaar ah ula baxno Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha warka sheega kuwa ugu fiican xagga tebinta iyo codkaba. Waxa intaa u raacayay xidhiidhsanaanta hadalka aan joogsiga iyo ku-margashada lahayn. Wuxu kaga tegay doobtii xariirta ahayd ee codka lab ee dheg-raaricinta leh dhegaystayaasha gaadhsiinaysay. Mararka warka la sheegayo dadka qaar ayaad mooddaa in ay iyagu isu warramayan, Axmed Xasan-cawke se waa uu ka duwanaa oo wuxu u warrami jiray dhegaystayaasha xiisaha u qabay qulqulkii weedhaha toolmoon ee sida webiyada cartama danankooda iyo reenkooda lagu raaxaysanayay.

Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha ugu fiican xagga tebinta ciyaaraha oo aan filayo in uu kaga deyday Weli Xaaji Cali oo cod degdeg ah oo cagta ama gacanta kubbadda wadata la xawliya ku gudbin jiray wararka ciyaaraha. Waxaan Dugsiga Sare ee Benaadir oo Muqdisho ku yaalla ku jiray 1964kii – 1968kii. Garoon kubbadeed ayaa dugsiga noogu yaallay oo aanu galbaha qaar kubbad ku ciyaari jirnay. Waxaan xusuustaa in uu noo iman jiray Weli Xaaji Cali oo rikoodh UHR ah sitaa oo kuwii cajaladaha waaweynaa ah. Halkaas ayuu annaga oo ciyaarayna ku baran jiray sida ciyaaraha wararkooda loo gudbiyo. Mararka qaarkood carruurta daawnaysa ayuu urursan jiray oo ku odhan jiran qaylo iyo sawaxan sameeya oo uu ka duubi jiray. Weli Xaaji Cali waa ninkii ciyaarihii gobollada oo la ciyaarayo oo ay isku haleeleen koox reer woqooyi ah iyo mid reer koonfureed ahi inta uu is-illoobay yidhi: “Innaga aya wadanna.”

Axmed Xasan-cawke dabeecadihii uu lahaa qaarkood wuxu ka watay ama ka raacayba aabbihii Xasan-cawke oo nin ballaadhan ahaa. Wuxu aabbihii ka mid ahaa mudankii ganacsatada magaalada Tog-wajaale. Wuxu aabbihii dhaqan iyo caadaba u lahaa in aanu dadka u kala qaybin reero iyo haybta ay ka soo jeedaan bal se uu magaalo ahaan u mideeyo. Wuxu aad iyo aad isugu deyi jiray in uu waayaha magaalada si fiican xogxogaal ugu noqdo magaceedana ilaaliyo.

Xasan-cawke waxa ceeb ku ahayd in ay dadka reer miyiga ah ee badeecadaha keenaa dib ula noqdaan mararka laga iibsan waayo. Shaqaalihiisa ayuu u diri jiray oo uu ku odhan jiray yaan badeecad magaalada la keenay dib reerihii loogu celin oo aan la odhan Wajaale waxba laguma iibsado. Sidaas ayuu kula wareegi jiray dhuxusha iyo xaabada la iibsan waayo si uu magaca iyo milgaha magaalada u ilaaliyo.

Xasan-cawke ayaa beri wiil malaha shaqo loo doonayay loo keenay. Baristii wiilka la barayay ayaa lagu yidhi: “Waa wiil fiican oo Reer Jigjiga ah.” Xasan-cawkena maalintaa wuxu reebay odhahhda ah: “Waa Reer Jigjiga iyo waa wiil fiican kala daaya.” Waxaan ka guntay inahaas Xasan-cawke ku saabsan muddaakaraat uu beryaha qaar noo marin jiray Xasan Warsame Seed oo aad u yaqaannay lana soo noolaa muddo dheeri.

Xagga nolosha qoysnimo Axmed Xasan-cawke laba jeer ayuu guursaday. Wuxu ku horreeyay Caasha Daahir oo u dhashay Maxamed iyo Farax. Markii uu London u digo-rogtay wuxu guursaday Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo u dhashay: Xasan, Caneb iyo Sakariye. Dhammaantood waa ay nool yihiin.


(La soco berri, haddii Eebbe idmo)


Wednesday, November 18, 2015

INAALILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN....

MID KA MID AH TIIRARKII SAXAAFADA SOOMAALIYEED UGU WAAWAYNAA OO DUMAY .............................................................................
Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun... (17/11/2015) Waxa aan hadda uun ka warhelay geerida wariyihii caanka ahaa ee soomalileed Marxuum Axmed Xasan Cawke oo Jigjiga ku geeriyooday xalay goor danbe..
Axmed Xasan Cawke waxa uu ahaa Wariye wayn, Ruug cadaa warbaahineed, Suxufi muddo dheer ku soo jiray saaxada warbaahinta .. waxaanu safka hore kaga jiray wariyayaasha calanka u sida suxufiyiinta soomaaliyeed, waxaanu ahaa Iftiin ay eegtaan da' yarta ku soo biiraysa mihnada saxaafada..
ILAAHAY NAXARIISTII JANNATUL FARDAWSA HA KA WARAABIYO MARXUUM AXMED XASAN CAWKE SAMIR IYO IIMAAN SAADIQANA HA KA SIIYO DHAMAAN QOYSKII, QARAABADII, ASXAABTII, SUXUFIYIINTA SOOMAALIYEED IYO DHAMAAN UMMADA AFKA SOOMAALIGA KU HADASHA MEEL KASTA OO AY JOOGAANBA.....

Dhimashada Cawke haloo dhug yeesho !!

" Shan iyo Tobban Su"aalood oo jawaab u baahan"

Alle ha naxariistee waxaa xalay geeriyooday, Weriyihii loogu jeclaa weriyayaasha ummadda Soomaliyeed. Axmed Xassan Cawke. Haddaba Geeridan marxuumka oo si lama filaana ku timi, waxay dhalisay in suaalo baddan la iska waydiiyo dhimashadiisa. Dadku ma diidana dhimashada ee qaabka uu Weriye Axmed u dhintay iyo halka uu ku dhintay iyo meesha lagu aasay iyo weliba sida loo aasay ayaa suaasha keentay.
Inta taariikhda wariyahan laga ogyahay tiraba labba waddan oo geeska Afrika ku yaala ayaa Axmed Xassan Cawke, colaad u qaaday. colaadaas oo aan ahayn mid qarsoon, balse ummadda oo dhami ka wada dheregsaneyd. labbadaas colaadood oo xili kala fog ahaa, midi waxay ka timi oo loogu qaaday difaacii uu difaacaayey waddankiisa. Xili uu dagaal dhexmaraayey waddan jaar la ah .. Dagaalkaas oo Cawke ku noqday, weriyaha waddankaas loogu necbaa. Waayo iska daa shacabkee xitaa Shimbiraha Soomaalida ayaa ku dhawaan jiray inay istaagaan, marka uu Cawke faalladii dagaalka ee berigaas Idaacada Raadyow Muqdisho ka akhriyaayo. Wuxuuna ahaa weriyaha, mooraalka Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeedba nooleeya, isagoo dhinaca kalena ku tiiqtiiq san jiray waddankii ay Colaadu kala dhaxeysey waddankiisa.. Inbadan ayay dawladdii waddankaasi ku taamtay ama isku dayday inay Cawke shirqoosho ama si kaleba u qaarijiso. Colaada labbaadna waxay ahayd midaan fogeyn, oo waddan ka mida waddamada geeska afrika ayuu Cawke dhibaatada ka jirta ka waramay, isagoo xiligaas u shaqeynaayey Tilifiishan madaxbanaan oo Soomaalidu leedahay. Colaadii uu waddankaasi cawke u qaaday, waxay gaadhsiisay inuu shaqadii uu tilifiishankaas ka hayey uu ku waayo. Waxay kale oo sababtay in waddankaasi uuna Cawke halkaas kaga hadhine, tiraba dhawr jeer isku dayey inuu shirqool u dhigo. Lakiin Cawke nin fiiro dheer ayuu ahaa oo aan ciyaar cyaar lagu dagayn.
Haddaba su"aalaha maanta is weydiinta leh ee jawaabta u baahani waxa weeye?
1.Weriye Axmed Xassan Cawke ma dar alle ayuu u dhintay, mise gacan ka xaqdaran oo aan muuqaneyn ayaa dishay?.
2. Cawke muxuu jigjiga ka doonay ee u tegey?
3. Cawke Yaa u yeedhay?
4. Maxaase loogu yeedhay?
5. Cawke miyuu xanuusanaayey markii uu Jigjiga tegey?
6. Maxaa sababay in Cawke habbeen badh uu soo waco wallaashii ?
7. Cid kale masoo wacay?
8. Cawke cidi mala joogtay markaas?
9. Cawka Xanuunka dilay muxuu ahaa?
10. Naqaskan qabanaayey ee hayey markii uu walaashii soo wacay, hore ma u qaban jiray ?.
11. Haddii uu dhintay Cawke oo la ogyahay inuu weriye caana ahaa oo Cadaw baddan leh, oo dawladdo ku jiraan, . Maxaa keenay in markiiba iyadoo aan baadhis la sameyn, xabaasha lagula cararo Marxuumka?
12. Maxaa Meydkiisa baadhis loogu sameyn waayey oo loo ogaan waayey sababta uu u dhintay? Illeen waxaynu ognahay in qof kasta oo caana oo si kedisa u dhinta oo laga shakiyo sababta uu u dhintay. in lagu sameeyo "Autopsy" oo ah qaliino iyo baadhitaan lagu ogaanaayo sababta keentay geeridan kadis ka ah.
13. Axmed Xassan Cawke ma Itoobiyaan ayuu ahaa mise Soomaali?
14. Maxaa sababay in Axmed Xassan Cawke lagu aaso daanta ay itoobiya xukunto ee magaalada Tog Wajaale?
15. Maxaase loogu aasi waayey daanta ay Soomaaliland xukunto ee isla Magaaladaas Tog Wajaale?
Suaalahaas iyo qaar kale oo baddan ayaa dhimashada Axmed Xassan Cawke ku xeeran. Haddii ay Dawladda Somaliland iyo madaxdeedu suaalahaas is weydiin waayeena, waxaa habboon in marxuumka qaraaabadiisu is waydiiso. Weliba sida aan filayo Cawke dhalashada Ingiriiska ayuu haystey, markaa wuxuu xaq u leeyahay in Dawladda Ingiriisku baadhis ku sameyso meydkiisa. Haddii laga codsadana way ku samayneysaa oo taasi waa hubaal. Markaa waxaa soo bixi doonta xaqiiqada sidii uu u dhintay iyo sababta dhimashadiisa. Qof walibana wuu ku qanci doonaa baadhistaas, oo ama waxay noqon in Marxuumku dar illaahay u dhintay, amma wuxuu noqon nin gacan ka xaqdarani si qarsoon u dishay. Gacantaasi tay tahay ayaana hadhaw la daba geli lahaa oo baadhis lagu sameyn lahaa oo soo bixi lahayd, iyo meesha ay ka timid ee laga soo dirayba.
Axmed Xassan Cawke illaahay ha u naxariisto taariikhda Ummadda Soomaaliyeed baal Dahab ah oo aan la ilaawi doonin ayuu ka galaye.
Ehelkiisa iyo qaraabadiisiina illaahay samir iyo iiimaan haka siiyo, Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon inay qoyska marxuumka is garab taagaan, haddii ay u baahdaan in baadhis lagu sameeyo Meydka marxuumka.
SAAXIIBKEY CAWKE, SAAXIBKII MIKIRIFOONKA YUUSUF GARAAD CUMAR
November 18, 2015 - Written by Mustafe Jannaale
Alle ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay.  Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in qoro wax ka qoro Cawke aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa…
Xaqiiqadu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyay.
Axmed waxaan isku barannay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.
Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.
Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya.
Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.
Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.
Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.
Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.
Raadiye iyo Telefishin
Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo biyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon, suurta galna noqon kara in laga yeelo.
Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo Telefishin waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka la soo saarayo – war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.
Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr maalmood ama ka badan ay koox dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeystaha iyo daawadaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.
Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.
Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.
Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.
Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.
Hibo Allah
Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.
Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.
Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.
Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.
Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaaliga. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.
Dabeecad-wanaag
Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.
Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).
Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.
Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.
Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.
Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.
Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.
Muqdisho
Dad badan ayaa shalay iyo xaly iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu yiri.
Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.
Waxaase i damqay markii meel Isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuur la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.
Yuusuf Garaad
Yuusuf Garaad Cumar

Tuesday, November 3, 2015

Qaybtii Saddexaad..Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Jimcihii ugu horeeyay sannadka cusub ee 2015, oo ku beegna labbadii bisha Koobaad, ayaa Madaxweyne Siilanyo oo ogsoona, halista ka soo socota tartanka Xisbiga Kulmiye, wuxuu soo diray cajalad uu kaga hadlaayo tartankaas, waxaana haddaladii Madaxweyne Siilanyo ka mid ahaa “Waxa muuqata in is maandhaafka iyo hirdanka, kaadiriinta Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi maalmahan saxaafadda isu marinayeen, kuwaas oo soo bandhigayay damacooda siyaasadeed oo ku wajahan kursigan aan ku fadhiyo. Waxa aan leeyahay Kursigan aniga ayaa ku fadhiya oo uu xisbigu ii gartay. Mustaqbalkana waan u sharaxanahay, saxna ma aha in aad isku kay dul qabsataan. Wixii iga dambeeya Illaahay ha ina gaadhsiiyo. Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa waxaana ina sugaya xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal meel cidlo ah, ha ku xiiqina oo yaan wax aan loo joogin la isku colaadin, meel dad joogona laga waayi maayo qardoofo ee aynu ilaalino wada jirka iyo midnimada xisbiga”
Madaxweyne Siilanyo isagoo haddalkaas soo saaray ayaa haddana waxaa xaqiiqo ahayd oo la ogaa inaanu sharaxneyn, lakiin waayo aragnimadiisa siyaasadeed ayaa fareysey inuu sidaas u hadlo.Haddii aanu sidaas sameyn lahayna waxaa soo bixi lahaa damacyo toos ah oo intii la ogaa ka farabadan. Iyo isku dhac, ismuquunin, burburisa Xukuumadiisa ka hor inta aanu xilkiisu dhamaan, waxaa kale oo kala kici lahaa mudo kordhintii loogu tallo galay in loo sameeyo.
Habbeenimadii 04-Jan-2015. oo ahayd labba cisho uun ka dib markii uu Madaxweyne Siilanyo haddalka kor ku qorin yidhi,ayaa wuxuu la kulmay hogaanka Xisbiga Kulmiye, kulankan oo ay ka soo shaqeeyeen Kooxda ''Daahsoon" wuxuu socday mudo saacado ah, wuxuuna u badnaa Garnaqsi dhex maray Madaxweynaha iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Qolo-waliba wixii ay goconeysey ayay habbeenkaas soo bandhigtay, si daacada oo laab xaadhnaan ahna waa loo wadda hadlay.Taariikh fog oo ilaa SNM-tii ah ayaa la isugu noqdey, wuxuuna Madaxweyne Siilanyo ka waramey dhacdooyin baddan oo uu tirsanaayey. Waxaa iyana dhinacooga haddalka qaatey hogaanka Kulmiye, waxayna meeshii ka cadeeyeen, in ay Madaxweyne Siilanyo, inta ay yeeleen ay ka baddan tahay inta ay tareen. Gudoomiye Muuse Biixi oo haddalka ku horeeyay ayaa yidhi " Madaxweyne ilaa maalintii lagu dhawaaqey Somaliland, gaashaan ayaanu kuu ahayn, Mar walbana taageero ayaanu kula garab taagneyn, mar kastana inaanu adiga ku dhisno oo adiga iska kaa horeysiino ayaa naga go'nayd. Waayo waxaanu kuu arkeyney, inaad tahay Aabahayaga Siyaasada, Madaxweyne, bal xiligii aanu dhalinyarada ahayn ee SNM, Ragii aad adigu taageeri jirtay abaalka weyna u gashay, maanta cid maka haysaa, cid kula socota ma aragtay?, Adiga ayay kuugu neceb yihiin waxay arkaan! Lakiin ragayagii xiligaas mucaaradka kugu ahaa, markii runi run tagtay, noloshuna is bedeshay, Somaliland lagu dhawaaqay, mar kastaba dhinacaaga ayaanu taagneyn, Adiga oo cidla nagaga dhaqaaqa maahaane, weli annagu cidla kaagamaanu dhaqaaqin! Wax aad noo soo jeediseyna weli kugumaanu diidin, ee baddanka waanu kugu raacna.
Waxaa isna haddalka qaatey, Maxamed Kaahin, wuxuuna Madaxweyne Siilanyo, usoo bandhigay maalmo baddan oo taariikheysan oo ay Abaal u galeen. Wuxuu kaloo uraaciyay, Maalmo baddan oo Siilanyo iyaga lugooyey, oo ay tirsanayaan. Kaftan ayuu Maxamed Kaahin, haddalka habeenkaas raacinaayey, wuxuuna haddalka ku soo gabagabeeyay,"''Madaxweyne Daartii Cidlada ahayd ee aad nagaga timi ayaanu weli joogna, xisbigii aad tidhi ku hadhana, waa nalagu haystaa, oo inamo yar yar oo aan waxba ogeyn ayaa nagu haysta. Maanta waxaanu Madaxweyne kaaga fadhinaa taageeradaada iyo inaad adna sidii aanu kuugu hagar baxnay, maanta noo taageertid!.
Habbenkaas oo habbeen "Boqran" u ahaa hogaanka Xisbiga Kulmiye, Madaxweyne Siilanyo wuxuu muujiyay inaanu waxba kala hadhi doonin taageeri doonana doonista saaxiibadii. Wuxuuna habbeenkaas hogaanka Kulmiye usoo jeediyay talooyin baddan oo xisbiga guul iyo horumar usoo jiidi kara iyo sidii loo xoojin lahaa laamaha dibadda ee xisbiga KULMIYE iyo weliba sidii loogu soo xidhi lahaa xarunta dhexe ee xisbiga oo ah Hargeysa.
Wuxuu kaloo Madaxweyne Siilanyo habbeenkaas usoo jeediyay hogaanka Kulmiye, in la dhimo guuxa loolanka murashaxnimo, lana sugo inta ay wakhtigeeda gaadhayso. Wuxuu intaas u raaciyay Madaxweynuhu oo kula taliyay hogaanka Kulmiye, Inay muujiyaan Odeytinimo oo ay soo dhoweeyaan dadka ay siyaasadda isku hayaan ee xisbiga ka tirsan.
Waxay hogaanka Kulmiye dhinacooga ka balan qaadeen inay loolanka musharaxnimo hakinayaan, wax kasta oo uu Madaxweynaha iyo dawladu uga baahatana la qabanayaan. wuxuuna kulankii ku dhamaaday is afgarad wannaagsan.
F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay
Lasoqo qaybtii ugu danbeysey ee dhamaadka sheekadan


Dhamaad... Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Ka dib kulankii dhex maray Madaxweyne Siilanyo iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, ee ahaa inaan olole la qaadin inta wakhtigeeda la gaadhayo. Hogaanka Kulmiye arinkaas wuu fuliyay, Kaambaynkii muuqday ee ay ku jireena way hakiyeen, lakiin dhinac kale ayay uga wareegeen. Waxay kaga shaqaysiiyeen Kooxda"Daahsoon". Kooxdani mudo Lix usbuuc gaaadheysa oo ka bilaabanta 07-Jan.2015, waxay la shaqeynayeen Kaaxda "Halista'. shir kasta oo kooxdaasi qabsaneysana way ka qayb galayeen. Iyagoo qasdiga ugu weyn ee ay lahayeen ahayd, inay warbixin buuxda oo ah abaabulka ay ku jiraan,Kooxda 'Halistii" ay u gudbiyaan Madaxtooyada.
Dhamaadkii bishii koobaad ee 2015 ilaa horaantii bisha labbaad ee sannadkaas, tiraba labba jeer ayuu Madaxweynuhu u digay, Kooxda ''Halista'' una sheegay inay hawlaha ay ku jiraan faraha kala baxaan, Kaambaynkana la sugaan xiligeeda. Arinkaas may qaadan Kooxda Halistii, waxayna sii labba jibaareen Kaambaynkii ay ku jireen. Ololihii kooxdaasi ku jirtay wuu balaadhay, wuxuuna ka gudbay Caasimada, iyagoo gobolada waddanka Kaambaynkii gaadhsiiiyay. Habbeenimadii 24.Feb.2015, ayay shirkii ugu weyna ee taageero doon ah, kooxdaasi ku qabsatay, Magaalada Burco.Shirkan oo ka dhacay Hotel ka mida Hoteelada Burco, waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Kooxda "Daahsoon" waxayna ka soo diyaariyeen warbixin buuxda oo cadaymo la socdaan, horena waxay u hayeen cadeymo baddan oo ah ku tagri fal hantiyeed, iyo olole aan Madaxweynaha iyo dawladiisa dan u ahayn. Isla maalintii xigtay ee 25.Feb.2015, Madaxweyne Siilanyo, waxaa loo gudbiyay halka xaal marayo iyo sida ay wax u socdaan. Waxaana lugala taliyay inuu go'aan cad kooxdan ka qaato, haddii kale uu u diyaar garoobo dhibta Mustaqbalka dhow kooxdan kaga soo socota.
Habbeenimadii 26.Feb.2015, Madaxweyne Siilanyo, wuxuu qaaday tallaabo uu u arkaayey in hawshan socota ay joojin karto, wuxuuna go'aan saddey inuu isku shaandhayn ku sameeyo dawladdiisa, isagoo Kooxda Halista xubnaha ugu cadcad, boosaska ay joogaan ka bedelaaya. Waxaase dhacday intii hawsha lagu jiray, inay Kooxda Halistii ka warheshay inuuu Madaxweynuhu isku shaandhayn soo waddo. Waxay la soo hadleen Madaxweynaha waxayna u sheegeen hawsha ay meesha u joogaan iyo halka ay u marayso, laakiin kalamey hadlin fariintan isku shaandhaynta ah ee soo gaadhay. Taasina waxay Madaxweynaha u cadeysey, inaanu isagu keligii Madaxtooyada Maamulin,ee wax kasta iyo go'aan kasta oo uu qaadanayaba la sii ogyahay. Waddatashi yar ka dib, Saqbadhkii 27.Feb.2015, ayuu Madaxweynuhu soo saarey, Digreeto isku shaandheyn ah, oo tii hore ee fashilantay ka duwan.Tan cusub, sidii lagula taliyay Madaxweynaha, Labbadii Shabeel ayuu kala reebay midna Booskii ayuu ka bedelay, kii kalena halkiisii ayuu u daayey.
Isku shaandheyntaasi waxay sababtay in, Goolkii ugu horeeyay ee Kooxda Halista ka dhasha, ay iyadu iska dhaliso. Labbadii Shabeel Mid ka mida ayaana goolkaas iska dhaliyay, Weliba intuu xanaaqay ayuu Garoonka ka baxay. Sidii la filaayay ee ahayd inay nimankani niman fudud yihiin ayaana soo baxday. Weliba arinku intaa kuma koobnayne, Kooxda dhamaanteed waxay ku tashatay inay is wadda casilaan, lakiin goor danbe ayay ka noqdeen oo ay is tuseen, in aanu hadda Kooxdooda u furnayn Albaab kaloo ay ka baxaan, marka laga reebo inay dhulka is-dhiggaan. Waxaana maalintaas bilowday, Shakiga iyo kala aamin baxa Qasriga Madaxtooyada Somaliland iyo Kooxda Halista.
Maalinnimadii Khamiista ee 05.March.2015, Shirkii golaha wasiirada ee maalintaas dhacay, wuxuu Madaxweyne Siilanyo Golihiisa wasiirada toos ugu sheegay in, haddalo ku soo noqnoqonayaan ka dhashay isku shaandhayntii uu sameeyay 27.Feb.2015, waxaana Madaxweyna Siilanyo, haddaladiisa maalintaas ka mid ahaa " dhegahayga waxaa laga badbadiyey hebel baa iscasilay hebelna waa ku xigaa iyo mid kale ayaa hada warqadiisi soo sida. Hadda ayaan idiin sheegayaaye, Qofkii iscasilaya iyo kii tegeyaba way u banaan tahay, waanan soo dhoweynayaa, Qarankuna cid u shaqaysa waayi maayo"''.
Laga bilaabo maalintii uu labbada shabeel mid ka midi meesha ka baxay, Kooxda Halista aad iyo aad ayaa looga gacan sareeyay, loogana ciyaar wanaagsanaa, Garoonkana qaybta ay kaga jiraan ayaa lagu ciyaaraayey, oo haaf garoon ayaa lagu hayey. Waxayna Kooxdan Halistii isku daydey inay soo buuxiyaan booskii uu ka baxay, Shabeelka weyni. Lakiin ninkii ay ku baddaleen wuxuu u eekaa nimaan macno weyn soo kordhinayn, wax saameyna oo buurana ciyaarta kamuu bedelin.
Hogaanka Kulmiyena maalintaas laga bilaabo, waxay isku cindanaayeen oo ay kasbadeen Madaxtooyada iyo Kooxda ""Daahsoon'' oo ah Kooxdii shaqada weyn ee labbada Shabeel mid ka midi meesha kaga baxay soo qabatay.
11.May.2015,waxaa dhacday mudo kordhintii Madaxtooyada, oo ay ka soo shaqeeyeen, Xukuumada iyo Hogaanka Kulmiye. Iyagoo marba wax ay isla ogyihiin u sheegaya, Mucaaradka iyo Shacabkaba. 18.Aug.2015 Maxkamada sare ee Somaliland ayaa ayidey, meelmarisayna mudo-kordhintii Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Madaxweyne siilanyo & Golaha wakiilada.
Kooxda Halistii intii awoodeedu is dhintay, waxay tallo isugu geeyeen, inay Madaxweynaha ka dhaadhiciyaan in shirka Xisbiga Kulmiye la qabto, Dec.2016. Iyagoo sidaas uga danlahaa bal inay intaas dib u habayn iyo xeelado cusub la soo baxaan. Maadaama haddii shirka dhakhso loo qabto laga guulaysan doono.Lakiin Madaxweyna Siilanyo, Siilanyihii ay yaqaaneen ee u dhagahaa furnaa markan muu ahayn, Haddalkoodana intuu dhegtan ku dhagaysto ayuu ta kale ka sii deynaayey.
Hogaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa fursadan dahabiga ka faa'iideystey, waxayna Madaxeynaha ka codsadeen in shirka sida ugu dhakhsaha baddan loo qabto, Madaxweyne Siilaanyona arintaas wuu yeelay, waxaana la Mudeeyay in 10.Nov.2015 La qabto shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Mudeyntaasi waxay noqotay, waran kale oo ku dhacay Kooxda Halista, waxayna isku dayeen si kasta oo shirkaas loo baajin karo, iyo si kasta oo ay Madaxweynaha Taageero kaga heli karaanba, wayse u socon weydey.
Shirar kooxda Halistii, bishan Oct.2015, oo dhan u socday, waxay isla meel dhigeen in golaha dhexe ee Xisbiga la Iibsado, maadaama taageeradii Madaxweynuhu ay dhinaca kale u janjeedho. Farsamadaas lacagta in la isticmaalana horeba Kooxda Halistii way u taqaaney, oo mid ka mida ayaa hore looga hayey "Dadku waa iib,Qof walibana qiimaha uu noo joogsado ayaanu siisan''
Arintani waxay cirka ku shareertay tartankii Xisbiga Kulmiye loogu jiray. Hawl-gal ay Kooxda Daahsoon iyo Hogaanka Kulmiye si wada jira u qaadeen ayaa dhacay 25.Oct.2015, qorshahaas oo ahaa in shir Madaxweynaha habeenimadaas lagula yeelanaayey Madaxtooyada, la soo fadhiisiyo Mid ka mida Kooxda Halista.
Fadhiisigaas oo looga danlahaa in ninkaasi Maadama uu yahay Hogamiyaha Kooxda kale, uu warkaas gaadhsiiyo Kooxdiisii. Iyana hadhaw ay ooda Jabiyaan.Sidii loogu tallo galay ayayna hawshaasi u dhacday, ninkiina intuu shirkii ka baxay ayuu kadinka boobay, warkii dhiilada lahaana wuxuu kula dhex dhacay, Kooxdii Halista ahayd, Iyana waagu markuu baryeyba Garoonkii lagu Ciyaaraayey ayay ka dareereen!!! Iyagoo sidii Saaxiibkoodii hore ku andoocanaya Siidhi walihii ayaa dhinac raacay!.. Madaxweyne Siilanyona Haddalkii uu 05.March.2015, Golihiisa Wasiirada oo qudha ku lahaa ee u sheegay, ayuu Markan shacabka iyo aduunkaba u sheegay, wuxuuna yidhi ""Qofkii iscasilaya iyo kii tegeyaba way u banaan tahay, waanan soo dhoweynayaa, Qarankuna cid u shaqaysa waayi maayo"''. Tanni waxay Siisay fursad kale oo 100% ah Hogaanka Xisbiga KULMIYE, inay shirka soo socda ee 10-Nov.2015, ay noqon doonaan, Musharixiinta u tartamaaya Xisbiga Kulmiye doorashada Madaxtinimo ee 2017-ka dhacaysa.. Waxayna meesha ka saartay tartan kasta oo hogaanka lala geli lahaa. Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaateyna Halkaas ayuu ku soo gabagaboobey. Rag baddan oo ka soo qayb qaateyna, abaalkoodii durba way heleen, oo meeshii ay raga ka kiciyeen ayay fadhiyaan maantaba.
Siyaasaduna Dan joogta ayay leedahay ee Saaxiib joogta malaha.
Waxaan odhaahdaas hore loo yidhi ku dari lahaa. Siyaasadu Samir iyo Dulqaad ayay u baahan tahay, iyo Hubsiimo baddan oo aad wax hubsatid.
F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay.
Dhamaad.
W/q. Suleyman Yusufdhakhtar
Like   Comment   
101 people like this.
Comment