Wednesday, January 6, 2016

cawke Iyo Madadaalooyinkii Laga Reebay Qaar Yuusuf Garaad
Sannadkan 2015 waxaan boggeyga ku qoray 99 warbixinood oo xambaarsan macluumaad kala duwan. Qormadeyda boqolaad ee 2015 waxaan u
hibeeynayaa Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke.
Saaxiibkeey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka oo aan qoray 18 November, saaxiibbo ka faallooday ayaa sheegay in markii ay akhriyeen ay ilmeeyeen. Uguma talo gelin in aan cid ka ilmeysiiyo, laakiin waxaan isku dayay in aan soo bandhigo xusuus kooban oo ka mid ah wanaagga aan ku aqaannay Cawke.
Maanta waxaan goostay in aan qoro sheekooyin yar yar oo maad ah oo aan ka maqlay Cawke xilliyo kala duwan. Waxaan ku soo beegay soo dhoweynta sannadka cusub ee 2016, maaddaama uu Ca
wke sameyn jiray barnaamijyo maad u badan xilliyada ciidaha iyo sannadka cusub.
Wuxuu ahaa nin sheekoole ah oo kaftan badan. Wuxuuna ahaa nin u fiirsada marba dhaqanka uu dhex joogo iyo waxa hareerihiisa ka dhacaya, dabadeedna isku daya in uu sheeko ka sameeyo.
Sida saliidda matoorku u kala ilaaliso in ay is lisaan biraha matoorka ayuu ahaa nin kooxda uu markaa la shaqeynayo, isaga oo howsha wada haddana ku dhex dara maad yar oo dadka ka qoslisa oo yara illowsiisa werwerka mas’uuliyadeed ee ka dhasha ogaashaha culeyska shaqada harsan iyo karkabada wakhtiga isguraya.
Beryihii uu London ku cusbaa wuxuu iiga sheekeeyay mar ay ka hor yimaadeen laba ruux oo booliis ah oo lebbisan. Markiiba waddo aanan dooneyn ayaan ku leexday oo waan u gooyay, ayuu yidhi. Markii aan cabbaar sii socday aniga oo socod boobaya gadaalna iska eegaya ayaan soo xusuustay, ayuu yidhi, in aan London joogo oo aanan joogin Nairobi.
*****
Wuxuu mar igu yidhi – af Ingiriiska waxaan ugu neceb ahay su’aasha ah; Are you all right?
Maalin ayaan ku kufay, ayuu yidhi, meel London ka tiran oo fagaare ah. Aniga oo dhulka aalla, boorsadeydiina ay iga faniintay oo meel aan iga fogeyn ay taallo, ayaa waxaa isugu keey darsamay xanuun, welwel in aan jabay ama aan mudhxay aan ka qabo iyo ceebta nin weyn oo kufay. Waxaan arkay ayuu yidhi haweeney Ingiriis ah oo i dul taagan.
Are you all right? Ayay i weydiisay. Si aan ugu jawaabo ayaan garan waayay, ayuu yidhi. Sababta oo ah wey i aragtaa in aanan all right ahayn.
*****
Maalin ayay gabadh qurux badan oo Ingiriis ah ay Cawke timaha u jareysay aniguna isaga ayaan sugayay. Aniga iyo isagu waan sheekeysaneynay inta ay timaha u jareyso. Wuxuu yidhi, war Yusuf haddii aan inantan sawiro, miyeey Soomaalidu iga yeelayaan tanaa timo ii jartay?
Wuxuu sheekadaas ku soo celiyay maalin aan ka qadeyneynay makhaayad yar oo la yidhaahdo Amici oo ku taal waddada Kingsway oo u dhow Bush House. Gabadh aad indhaha u soo jiidaneysa oo ay xusuusteydu ii sheegeyso in ay ahayd Talyaani ay dalabka naga qaadday, raashinkana noo keentay.
*****
Habeen aniga iyo Cawke aan wada soconnay xilli qabow ah, roob da’ayo ayuu socodkuna dhib ahaa siiba haddii aad ka hor imaaneyso dabayl waalan oo dhacaysay. Waxaan ka soo baxnay godka tareenka khadka dhexe ee Queensway ayaan ka soo baxnay. Waddada isla magacaas leg ee xaafadda Bayswater ayaan lugeynay. Dadka qof waliba isaga oo isa soo duudduubay, dallad sita haddii aan dabayshu ka jebin am aka bitin, madaxana hoos u dhigaya sidii in uu hidhi u diyaargaroobayo ayuu socod boobayay si uu dhakhso ugu helo meel dugsi leh. Dadka qaar way ordayeen si ay dhakhso uga gudbaan roobka iyo dhaxanta.
Naxariis darrada jawiga mar ay noo sii hakiyeen baabuur ku joogta waddada Moscow oo aan markaa goyneynay ayaa waxaa naga hor yimid nin ay baalka ugu jirto gabadh yar, si wanaagsanna aan qabowga uga soo lebbisan oo aad arkeyso sida ay u qadhqadheyso. Labada ruuxee naga hor yimid waxay isugu dheggenaayeen si la garan karo xidhiidhkoodu waxa uu yahay. Cawke intuu saa u eegay ayuu yidhi, War ninyahow, naftan yar muxuu ka soo lug gooyay?
*****
Maalin kale wuxuu arkay oday Ingiriis ah oo bas markaas sii dhaqaaqaya is leh ka gaar oo ka daba cararaya – dabcan intii tabartiis ah. Cawke wuxuu yidhi odagani haddii uu Hargeysa joogi lahaa, saacaddaan bas kama daba ordeen ee Golaha guurtida ayuu ku jiri lahaa.
*****
Mararka qaar waxaa dhacaysa annaga oo Xafiiska fadhinna oo iska faraxsan ama sheekeynaya in uu telefoonka xafiisku uu mid shaqaalaha ka mid ah u soo dhaco. Waxaa laga soo wacayaa Soomaaliya ama meel kale oo Geeska Afrika ka tirsan. Qofkaas waxaa laga yaabaa in la weydiinayo lacag aanuu markaa diyaar la ahayn ama loo qabsado lacag uu hore u ballanqaaday laakiin uu diristeeda la daahay sabab kasta ha keentee.
Waxaad arkeysaa qofkii oo isbeddelay, oo difaac ku ururay, asaga oo isku dayaya in uu codkiisana hoos u dhigo si aan shaqaalaha kale u fahmin faahfaahinta xaaladdiisa shakhsiga ah.
Cawke waxaad maqleysaa isaga oo marba ereyga qofka ugu dambeeyay carrabkiisa ka daba dhahaya ka dibna tiisa raacinaya sida: “Dee haye” ku lahaa, “ha kaa saarto. ”
*****
Cawke waxaa la iiga sheegay in ay dhowr habeen haasaawe isu raaceen niman uu ka mid yahay mid saaxiibkiis ah oo shaqada idaacadaha ku cusub. Weriyaha cusubi wuxuu mar walba Cawke uga sheekeeyaa shaqo uu maalintaa qabtay sida wareysi uu qaaday ama warbixin uu qoray iwm ama howl uu qorsheynayo in uu qabto maalinta xigta. Cawke wuxuu dhibsaday howshan uu maalintii oo dhan ku jiro, habeenkiina looga sheekeynayo.
Markii dambe Cawke wuxuu saaxiibkiis ku yidhi – Saaxiib adigu miyaadan shaqada kaba rawaxin?
*****
Berigii kacaanka ayaa nin madax ahi habeen khudbad u jeedinayay dadweynaha Hargeysa. Mikrofoon cod dheer ayuu ku hadlayay.
Nin derbi jiif ah oo xeyraansan oo caaddaas maraya oo aan goobta la isugu soo baxay joogin ayaa waxaa soo gaaraya codka ka baxaya sameecadaha awoodda badan. Khudbaddii oo dhan ayuu maqlayaa. Ninka madaxda ahi wuxuu hadalkiisa ku soo gooyay – Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada.
Sida Cawke ii sheegay ninkii derbi jiifka ahaa bartiisa ayuu ka jawaabay: Anigu ninna ku tiirsan maayo. Laakiin kii igu sii tiirsada, wallee waxbaa na kala raaci doona.
*****
Magaalada Hargeysa, niman duuliyayaal ah oo militeri ah ayaa waxay habeenkii la haasaawi jireen gabdho. Mid ka mid ah, oo istus ah ayaa intaa wuxuu gabdhaha ku yidhaahdaa garbaha ayaa i xanuunaya ama oof baa igu taagan iwm. Maxaa kugu dhacay marka la weydiiyana wuxuu ku jawaabaa, maanta oo dhan ayaan dayaarad duulinayay. Mararka qaar wuxuu u dhigaa hadalka sidii aan maanta oo dhan dayaarad u duulinayay ayay garbuhu i xanuunayaan.
Habeenkii dambe mid ayaa ku tidhi – Duuliyayaasha kale xanuun ma sheegtaane, adigu dayaaradda miyaad qaaddaa mise waad duulisaa?
*****
Nin ayaa dhowaan ii sheegay in markii ugu dambeysay ee ay Cawke telefoon ku wada hadalaan, ay ahayd mar isaga oo mashquulsan uu Cawke telefoon u soo diray, isaguna uu ka qaban waayay. Dhowr jeer markii ay intii oo kale ay dhacday ayuu markii dambe Cawke soo qoray farriin. “War saaxiib, bandowga iga qaad”.
Markiiba waan wacay oo waan wadahadalnay, ayuu yidhi.
Waxay taasi i xusuusisay saaxiibkeeygii kale ee isaguna qaaliga ahaa Gaarriye AUN oo maalmo uu London joogay aan dhowr jeer is raacnay. Maaalin ayuu i soo wacay aniga oo shaqada ku jira oo aad u mashquulsan. Telefoonkeygu mar kasta wuxuu ahaa, welina yahay ma yeedhe maaddaama aan stuudiye toos hawada ugu jira iyo shirar uu shaqo maalmeedkeygu u badnaa. Marki dambe Gaarriye wuxuu ii soo diray farriin af Ingiriis ku qoran: Keep ignoring me, I will keep calling you. Weligaaba igu dhegeyso telefoonka, aniguna intaa waan ku soo wici doonaa.
Farriintu wey iga qoslisay waxayna igu kalliftay in howshii aan hayay aan markiiba joojiyo oo Gaarriye aan waco lana hadlo.
*****
Cawke waxaa kale oo aan ku xasuustaa in markii ugu horreysay ee dad dhallinyaro ahi ay i weydiistaan saxiixeyga in ay isaga dartiis ahayd. Annaga oo ka soo baxnay dhismaha Baarlamaanka Djibouti ayaan markiiba u dhaqaaqay dhanka baabuurkii na qaadi lahaa. Cawke wuu iga yara lug dambeeyay, wuuna iga soo daahay. Mar dambe ayaan arkay asaga oo soo socda oo ay dhinacyada ka socdaan dhallinyaro reer Djibouti ah oo arday ah.
Waxay Cawke ka reebteen saxiixiisa, ka dibna wuxuu u sheegay in aan anigu la socdo, wuxuuna u soo horkacay in aan aniguna saxiixa u reebo dhallinyarada.