Friday, October 30, 2015

Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Maalin-nimadii Kow iyo labbaatankii bisha lixaad ee Sannadkii hore ayay ahayd markiii uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadii Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Kulmiye.
Guuldaradaas maalintaa ku dhacday Hogaanka Xisbiga Kulmiye, waxay soo dedejisay inay ogaadaan inay meel cidlo ah taagan yihiin, talladii waddankuna ay gacanta u gashay niman wasiiro ah, oo dhegaha Madaxweynaha markaas haystey. qorshahooduna yahay in madaxweynuhu marka uu tago, ay iyagu xilka la wareegaan.Sidaasna ay tallada Somaliland ku haystaan sannadaha baddan ee soo socda.
Muddo labba bilood gaadhaysa oo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, talladooda si qarsoodiya ay u rogrogayeen, waxaa soo baxday in ka hor dhamaadka Xilka xukuumada Madaxweyne Siilanyo, ay qaadaan tallaabooyin ay ku soo ceshanayaan Kalsoonidii Madaxweynaha, oo ay in baddan halgan soo wadda mareen. Waxayse is weydiiyeen haddiiba Madaxweynihii uu ku jiro gacanta nimankaas wasiirada ah, Sidee baynu ku soo ceshan karnaa kalsoonida Madaxweynaha?. Jawaabtu waxay noqotay in marka hore daraasad iyo xog laga helo nimankan madaxweynaha ku xeeran,lanna isticmaalo qaab Sirdoonnimo ciidan (Ogow Hogaanka Kulmiye waa Saraakiil Ciidan."Militery'e).
Dhamaadkii bishii tobnaad ee Sannadkii hore,ayaa macluumaadkii kooxdaas laga soo uruuriyay ay soo dhamaatay. waxaaney hogaanka Kulmiye ku sameeyeen falanqeyn iyo sida ay u kala muhiim sannaan karto, tallaabooyinka la qaadaya. Wax yaalaha cajiibka ee nimankaas laga ogaadey markii xogtooda la uruurinaayay, waxaa ka mid.
1. Inay koox isku xidhan, misana labba kooxood ah ay yihiin.
2. Kooxda koobaad oo ah kooxda halista, inay aad u xoog baddan tahay, saameeyn weyna ku leedahay Qasriga Madaxtooyada.
3. Inay "Koox'' niman Fudud yihiin.
4. INAYNA WAAYO ARAGNIMO SIYAASADEED LAHAYN
5. INAYNA Ciyaarta iyo SHIRQOOLADA SIYAASADEED WAXBA KA FAHMI KARIN.
6. Inayna aamin saneyn waa la idinka badin karaa, saaxiibadiin qaar ka midina cadaw bay idiin noqon karaan.
7. Inayna siyaasadoodu qorshayaal baddan lahayn, oo hadii midi ka fashilanto ayna qorshe labbad lahayn,,, haddii ay leeyihiina ay qorshe khaldan qaadan doonaan.
Qoddobadaas ayaa lagu ogaadey, fallan qayntii kooxdaas lagu sameeyay. Haddaba markii usbuuc, fallan qayntaasi socotey, waxay hogaanka Kulmiye iyo niman saaxiibadood ah oo hawsha la ogaa ay isweydiiyeen. Tallaabooyinka ay qaadi karaan maxay noqonayaan ?. markii la rog-rogeyna waxaa la isla qaatay in la qaado tallaabooyinka soo socda.
1. In Kooxdan, iyaga la dhex galo.
2. In madaxtooyada saameyn lagu yeesho.
3. In doonis kasta oo uu madaxweynuhu doonayo loo yeelo.Xitaa haddii uu yidhaahdo inta aan noolahay Madaxweyne ayaan ahaanayaa!
4. In Kooxdan,qorshayaashooda la kala daadiyo. tallaabo kasta oo ay qaadayaana lala socdo.
5. In ka hor dhamaadka Xilka xukuumada, hawshaas la fuliyo. ama ugu yaraan inta ayna wakhtigaas gaadhin kooxdan la kala daadiyo.
6. In bartil maameedka ugu weyni noqdo, Kooxda "Halista". Siiba labbada nin ee kooxda hogaamiya. Labbadaas nin waxaa loo bixiyay, Magac sireed ah ''Labbada Shabeel".
La soco qaybo kale oo xiiso baddan.
F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay
Like   Comment   
Comments
Suleyman Hirsi Insha ALLAH khayrkay tagaysaaaaSee Translation
Abdirizak Essa Shalaad barate waa la shubi jiray ..viva muj ..muuse.muj mohmed kaahinSee Translation
Abdi Saleeban Sy dhakhtar waxaan is waydiiya maloo ogolaan doona inay garoonka galaan 
Maxaa dhici kara hadii ay galaan 
Malaga yaaba inay sameeyaan inqilaab dimuqaraadiyesan oo ah sidii ka dhacday dorashadii TFG xasan sheekhna kusoo baxay
See Translation
Abdrähmän Ismäel Ådäm abti haaye swedhish baa ka buuxa qoraalkaaga mise anaa mooday Suleyman YusufdhakhtarSee Translation
Ali Burco Viva Somaliland Waa hawl galaddii SNM oo kale waanay ku guulaysteen hawl galkii oo waata nimankii odayaasha fadalkooddii geelu ka cabay.
Dadka ku hadaaqa aragtidda yaree ma dhalayskaa ee ah askari meel ina gaadhsiin maayo askari ama(millitry) waa kaase barta Suleyman Yusufdhakhtar mahadsanid in badan kooxdanina waxaan filaya waa kooxdii 'halista' ahayd waanu kaa sugaynaa qaybta 2aad na.
See Translation
LikeReply1Yesterday at 6:42amEdited
Captan Xasan Maxamed Ismacil Waaa sax warbixin xaqiiq aqoon la xagijiyaySee Translation
Mukhtar Mohamed Geeraare Waxaynu sugnaaba waa tartan cadaalad ku dhaca kulmiye shirkiisa iyado lagu dhaqmayo dastuurka dalka iyo shuruucda xisbiga e dabcan la jaanqadaysa, halkana ka so baxo musharax xalaal ah noqondonana musharaxena heer qaran. OthrwYs kala yaaca kulmiye weeyaan. Godbless Sland.
Xilmi Xaaji Daahir Waa shax cajiiba runtii anigaaba haya xogo badan o 2 Shabeel ah se maalina kuma fakarin Aà LA kala tuurayaaawSee Translation
Cabdixakiin Cabdi Giire Warbixiintani waa warbixiin cilmiyaysan dadka ariimahaa kulmiye u dhun daloola ama wasarada maaliyada iyo qasriga madaxtooyada ku dhawdhawi, waxay dareensanayeen in xeelad iyo isfaham u ka dhacay xaga marwada madexweynaha iyo kamandoowsta, waxaa ay she...See MoreSee Translation
Abdirahman Ismail Valuable information. Mahadsanid Suleyman Yusufdhakhtar

Qaybtii labbaad..Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Bilawgii bishii koob iyo tobnaad ee Sannadkii hore, ayuu si rasmi ah u dhaqaaqay qorshihii la dejiyay, waxaana Hogaanka Kulmiye ku guuleysteen inay taageero ka helaan oo ay kasbadaan, koox ka mida kooxaha aadka ugu dhaw Madaxtooyada. Kooxdan oo aan wax xil ah hayn, loona yaqaano Kooxda "'Daahsoon"'. waa koox ka mida kooxaha ugu awooda baddan waddanka. Kooxda Daahsoon, waxay hore isugu dhowaayeen,oo ay taageeri jireen Kooxda "'Halista"" lakiin xiliyadan danbe iskumay wanaagsaneyn, taasina waxay keentay inay hogaanka Kulmiye ka faa'iideystaan Kooxdan oo gacanta ku dhigaan.
Xiligaas Waxay hogaanka Kulmiye si resmi ah u ogaadeen, inaanu Madaxweyne Siilanyo, doorasho danbe galeyn ee Mudo-kordhin loo sameyn doono. Qorshahan Mudo-kordhintana ay waddaan Kooxda ""Halistii''.
Hawlgalkan, waxaa isla bishaa koob iyo tobnaad ee sannadkii hore loo qaybiyay labba Madax ama labba jiho. Qayb ku wajan sidii kalsoonida Madaxtooyada gacanta loogu dhigi lahaa iyo qayb ku wajahan sidii dagaalka beelaha ee ay waddeen kooxdan halistii looga hor tegi lahaa, kalsoonida beelahana loogu hanan lahaa. Qorshahani wuxuu keenay tuhun ah in Kooxda Halistii ogaato in lagu soo maqan yahay, waxayna dhinacooga ka bilaabeen diyaar garow balaadhan. Dagaalkii labbada Kooxoodna wuxuu si toos ah u billawday isla bishaas Koob iyo tobnaad ee sannadkii hore.
Dagaalkii qaboobaa ee labbada kooxood oo bishaa socda ayaa waxaa soo dhex galay dagaal kale oo ka dhex qarxay Xisbiga Waddani iyo Dawlada Somaliland. Murankaas oo keenay in xilka laga qaadi gaadho Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,waxaana waddanka ka istaadhmay rabshado iyo mudahaarado ay dad ku dhinteen. Waxaase ku kala hagoogtay Golaha Guurtida. Tani waxay maalmo baajisay Dagaalkii ka dhex socday Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Kooxda Halista.
Maalmo ka dib murankaas Dawlada iyo Waddani dhex maray,waxaa dib u istaadhmay loolankii awood kala riixashada labbada Kooxood ee awooda Kulmiye isku hayey. Waxaana dhacay in 18.Nov.2014, shir ay Soo abaabuleen kooxda Halistii, inuu ku qabsoomo magaalada Hargeysa, shirkaas oo ay ku shaacinayeen, inayna musharixiin ahayn ee ay Madaxweyne Siilaanyo ka dib ay Musharixiin yihiin. Isla maalinta shirkaasi dhaco habeenimadeeda waxaa madaxtooyada Dacwad ka dhan ah siyaasiyiintaas u gudbinaaya, Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo kaashanaya Kooxda "'Daahsoon", waxayna Madaxweynaha ka codsadeen, maadaama ay u tanaasuleen, inuu nimankan wasiirada ah ee Kaambaynka ku jira uu la hadlo.
Madaxweyne Siilanyo, wuxuu subaxnimadii 20.Nov.2014. ku wargeliyay nimankii wasiirada ahaa ee Kaambaynka ku jiray inay joojiyaan, oo la sugaan xiligeeda, dhagse jalaq looma siine, waxaa cirka isku sii shareeray Kaambaynkii iyo ismuquunintii labbada kooxood ka dhaxaysey. Wuxuuna ololihii u janjeedh saday dhinaca beesha ay ka soo jeedaan, nimanka Madaxnimada u ordayaa. Shirar baddan oo bishii labba iyo tobnaad dhacay oo ayna kala qabsadeen labbada kooxood. Waxay natiijadoodu ku soo dhamaatey in 16.Dec.2014. Ay Salaadiinta Beesha Galbeedka Hargeysa
ku dhawaaqaan, reer ahaan inay taageersan yihiin Musharax Muuse Biixi Cabdi. Waxaase taas ka danbeeyay weerar celis ay kooxda Halistii soo qaaday oo ay iyana niman Salaadiina oo isla deegaanka ka soo jeeda kaga hadliyaan 24.Dec.2014. Salaadiintan oo shir ku qabsaday Hotel Maansoor, waxay ku dhawaaqeen inay Musharixiin u yihiin reerka iyo xisbigaba Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yonin.
Sannadkaasina waa 2014-kee, wuxuu ku soo idlaaday weerar iyo weerar celis labbada kooxood u dhaxeeyay. kol labbada kooxood mid aad looga ciyaar wanaagsanaa.
Lasoco qaybta ugu Xiisaha baddan, iyo Ismuquunintii dhacday sannadkan aynu ku jirno ee 2015.
Qaybtii Saddexaad..Qorshihii Lagu kala daadiyey Kooxda "Halista"
"Hawl-galkii Siyaasada ee Sannadka Qaatey"
Jimcihii ugu horeeyay sannadka cusub ee 2015, oo ku beegna labbadii bisha Koobaad, ayaa Madaxweyne Siilanyo oo ogsoona, halista ka soo socota tartanka Xisbiga Kulmiye, wuxuu soo diray cajalad uu kaga hadlaayo tartankaas, waxaana haddaladii Madaxweyne Siilanyo ka mid ahaa “Waxa muuqata in is maandhaafka iyo hirdanka, kaadiriinta Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi maalmahan saxaafadda isu marinayeen, kuwaas oo soo bandhigayay damacooda siyaasadeed oo ku wajahan kursigan aan ku fadhiyo. Waxa aan leeyahay Kursigan aniga ayaa ku fadhiya oo uu xisbigu ii gartay. Mustaqbalkana waan u sharaxanahay, saxna ma aha in aad isku kay dul qabsataan. Wixii iga dambeeya Illaahay ha ina gaadhsiiyo. Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa waxaana ina sugaya xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal meel cidlo ah, ha ku xiiqina oo yaan wax aan loo joogin la isku colaadin, meel dad joogona laga waayi maayo qardoofo ee aynu ilaalino wada jirka iyo midnimada xisbiga”
Madaxweyne Siilanyo isagoo haddalkaas soo saaray ayaa haddana waxaa xaqiiqo ahayd oo la ogaa inaanu sharaxneyn, lakiin waayo aragnimadiisa siyaasadeed ayaa fareysey inuu sidaas u hadlo.Haddii aanu sidaas sameyn lahayna waxaa soo bixi lahaa damacyo toos ah oo intii la ogaa ka farabadan. Iyo isku dhac, ismuquunin, burburisa Xukuumadiisa ka hor inta aanu xilkiisu dhamaan, waxaa kale oo kala kici lahaa mudo kordhintii loogu tallo galay in loo sameeyo.
Habbeenimadii 04-Jan-2015. oo ahayd labba cisho uun ka dib markii uu Madaxweyne Siilanyo haddalka kor ku qorin yidhi,ayaa wuxuu la kulmay hogaanka Xisbiga Kulmiye, kulankan oo ay ka soo shaqeeyeen Kooxda ''Daahsoon" wuxuu socday mudo saacado ah, wuxuuna u badnaa Garnaqsi dhex maray Madaxweynaha iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Qolo-waliba wixii ay goconeysey ayay habbeenkaas soo bandhigtay, si daacada oo laab xaadhnaan ahna waa loo wadda hadlay.Taariikh fog oo ilaa SNM-tii ah ayaa la isugu noqdey, wuxuuna Madaxweyne Siilanyo ka waramey dhacdooyin baddan oo uu tirsanaayey. Waxaa iyana dhinacooga haddalka qaatey hogaanka Kulmiye, waxayna meeshii ka cadeeyeen, in ay Madaxweyne Siilanyo, inta ay yeeleen ay ka baddan tahay inta ay tareen. Gudoomiye Muuse Biixi oo haddalka ku horeeyay ayaa yidhi " Madaxweyne ilaa maalintii lagu dhawaaqey Somaliland, gaashaan ayaanu kuu ahayn, Mar walbana taageero ayaanu kula garab taagneyn, mar kastana inaanu adiga ku dhisno oo adiga iska kaa horeysiino ayaa naga go'nayd. Waayo waxaanu kuu arkeyney, inaad tahay Aabahayaga Siyaasada, Madaxweyne, bal xiligii aanu dhalinyarada ahayn ee SNM, Ragii aad adigu taageeri jirtay abaalka weyna u gashay, maanta cid maka haysaa, cid kula socota ma aragtay?, Adiga ayay kuugu neceb yihiin waxay arkaan! Lakiin ragayagii xiligaas mucaaradka kugu ahaa, markii runi run tagtay, noloshuna is bedeshay, Somaliland lagu dhawaaqay, mar kastaba dhinacaaga ayaanu taagneyn, Adiga oo cidla nagaga dhaqaaqa maahaane, weli annagu cidla kaagamaanu dhaqaaqin! Wax aad noo soo jeediseyna weli kugumaanu diidin, ee baddanka waanu kugu raacna.
Waxaa isna haddalka qaatey, Maxamed Kaahin, wuxuuna Madaxweyne Siilanyo, usoo bandhigay maalmo baddan oo taariikheysan oo ay Abaal u galeen. Wuxuu kaloo uraaciyay, Maalmo baddan oo Siilanyo iyaga lugooyey, oo ay tirsanayaan. Kaftan ayuu Maxamed Kaahin, haddalka habeenkaas raacinaayey, wuxuuna haddalka ku soo gabagabeeyay,"''Madaxweyne Daartii Cidlada ahayd ee aad nagaga timi ayaanu weli joogna, xisbigii aad tidhi ku hadhana, waa nalagu haystaa, oo inamo yar yar oo aan waxba ogeyn ayaa nagu haysta. Maanta waxaanu Madaxweyne kaaga fadhinaa taageeradaada iyo inaad adna sidii aanu kuugu hagar baxnay, maanta noo taageertid!.
Habbenkaas oo habbeen "Boqran" u ahaa hogaanka Xisbiga Kulmiye, Madaxweyne Siilanyo wuxuu muujiyay inaanu waxba kala hadhi doonin taageeri doonana doonista saaxiibadii. Wuxuuna habbeenkaas hogaanka Kulmiye usoo jeediyay talooyin baddan oo xisbiga guul iyo horumar usoo jiidi kara iyo sidii loo xoojin lahaa laamaha dibadda ee xisbiga KULMIYE iyo weliba sidii loogu soo xidhi lahaa xarunta dhexe ee xisbiga oo ah Hargeysa.
Wuxuu kaloo Madaxweyne Siilanyo habbeenkaas usoo jeediyay hogaanka Kulmiye, in la dhimo guuxa loolanka murashaxnimo, lana sugo inta ay wakhtigeeda gaadhayso. Wuxuu intaas u raaciyay Madaxweynuhu oo kula taliyay hogaanka Kulmiye, Inay muujiyaan Odeytinimo oo ay soo dhoweeyaan dadka ay siyaasadda isku hayaan ee xisbiga ka tirsan.
Waxay hogaanka Kulmiye dhinacooga ka balan qaadeen inay loolanka musharaxnimo hakinayaan, wax kasta oo uu Madaxweynaha iyo dawladu uga baahatana la qabanayaan. wuxuuna kulankii ku dhamaaday is afgarad wannaagsan.
F.G. Xogtan dad muhiima oo cod sadey inaan la magac dhabin, ayaynu ka helnay
Lasoqo qaybtii ugu danbeysey ee dhamaadka sheekadan