Tuesday, October 6, 2015

WAAR HA AFAR AFARLAYNE SIDA CAADIGA AH NOOGU SHEEG!!!!!
5/10/2015 xalay ka dib markii aan shaqada ka baxay ayaa waxa aan soo raacay baska u baxa halka aan daganahay; waa cabaaro 6:35 fiidnimo. Dadka baska saarani waxa ay u badan yihiin da' yar ka soo dareertay goobaha wax lagu barto ee gaarka loo leeyahay.
Haddaba markii inankii lacag ururriyaha ahaa bilaabay in uu lacagta ka guro rakaabka ayaa saddex hablood oo dhalinyar ahaa aadna u sheekaysanayay ay ka codsadeen in uu lamberka ZAAD ka ah u sheego si ay lacagta markaa ugu diraan.
Inankii ayaa inta uu soo jeestay ku jawaabay sidan : "AFAR AFAR SIDEED" , markuu intaas marinayo ayaa mid ka mid ah hablahaasi si daacad ah u tidhi " WAAR HA AFAR AFARLAYNE SIDA CAADIGA AH NOOGU SHEEG".
Bal in afkeenii meel daran sii marayo dadwaynahaas baska saarnaa wax arintaasi damaqday ma jirin e.. waxaaba dadka intii badnayd ku deexdeen qosol hiil u ah inanta hadalkeeda..
Inantaasi waxa ay sida caadiga ah u taqaanaa sida bulshada kaleba u qabatintay ee ah " FOUR FOUR EIGHT... waxaana markhaati ka ah ... hadda marka aad taleefan lamberkaaga cid u sheegayso waxa aad odhanaysaa .. soomaali
A: AFAR AFAR SIDEED
B: YAA ( muu fahmin ba)
A: FOUR FOUR EIGHT
B: HAYE ( waan fahmay e ka soco oo lamberka ku xiga soo daa)
AFKA HA LOO HIILIYO.....

No comments:

Post a Comment