Wednesday, October 28, 2015


Xaqiiqada Dumarkii uu qabey Sayid Maxamed Cabdalle Xassan.
Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbinayaa, Dumarkii uu qabey Xaaji Cabdalle Xassan, iyo kuwii uu qabey inankiisii Sayid Maxamed Cabdalle Xassan oo ahaa hogaamiyihii Xarakadii Daraawiishta.
Inbadan ayaad maqasheen iyadoo qofba si uga hadlaayo dumarkii uu qabey Sayid Maxamed, tiradooda.Haddaba maanta waxaynu haynaa xaqiiqadii dumarkii uu guursadey Sayid Maxamed, 1899 ilaa 1919-kii.
Warbixintan waxaaa la uruuriyay intii u dhaxeysey 1916 ilaa 1919-kii.
Waana Abtirsiinta, Reer Xassan Nuur, oo ahaa Sayid Maxamed awoowgii. Waxaa ku taalla inamadii uu dhalay Xassan nuur iyo Inamadii inankiisii Cabdalle Xassan dhalay iyo Inamadii uu awoowga u ahaa ee Sayid Maxamed dhalay.
Warbixintan waxaa uruuriyay, ninkii xiligaas madaxda u ahaa ciidamadii rakuubleyda ee Somaliland. ninkaas oo la odhan jiray,General Hastings Lionel Ismay. Waa ninkii markii danbe Dagaalkii labbaad ee Aduunka la taliyaha ciidamada u ahaan jiray raiisal wasaarihii ingiriiska ee dagaalkii labbaad Mr Winston Churchill.. Wuxuuna markii danbe General Ismay noqday, ninkii ugu horeeyay ee Xoghayaha Guud ee Gashaan buurta NATO loo doorto.
1. Haddaba haddii aynu guda galno sharaxa Taswiirtan ku Taala. waxaynu ka bilaabeynaa Xassan Nuur iyo dumarkii uu qabey.
Halkan waxaa ku Taala inuu Xassan Nuur guursadey Afar Dumar ah. oo afartuba Dhulbahante yihiin. Midi Ba Ararsame ayay ahayd, Saddexda kalena waa isku jifo oo waa Khayaat ama Qayaat, hadba sida aad u taqaanan.Afartaas dumarii waxay Xassan Nuur u dhaleen Sideed wiil. (Waa inta warbixintan ku taalee). Magacyadooduna waa kuwa xaga sare ku xusun.
2. Cabdalle Xassan Nuur, oo uu dhalay ninkaas aynu kor ku xusney, isna wuxuu guursadey intii uu noolaa, Shan dumar ah. oo kala ahaa (inagoo raaceyna sida qoraalka ku qoran). Ina Carro (Dhulbahante Cali-geri) Ina Baynax (Dhulbahante Cali-geri). Fatima Dorey (Majeerten). Fatima Warfa (ogadeen reer Dalal). Hirsiya Ducaale (Ogadeen Habar Celi). Dumarkaasi Cabdalle Xassan waxay u dhaleen Koob iyo Toban wiil. Magacyadooduna waa kuwa xaga sare ku xusun
3. Sayid. Maxamed Cabdalle Xassan isna wuxuu guursadey 14 dumar ah, Intii u dhaxeysey 1899 ilaa 1919-kii. sida Qoraalkan ka muuqatana Dumarkaas sideed ka mida ayaa Caruur u dhalay, lix ka midaana waxba ummay dhalin. Haddaba Afar iyo Tobankaas dumari waxay kala ahayeen. Inaga oo raaceyna sida Qoraalka ku taala.
1. Barni Xirsi (Dhulbahanta Bah Ararsame)
2. Ina Cisman Shiikh ( Hawiye). Sida qoraalka ka muuqata gabadhani Marxuumad ayay aheyd xiligaas oo may nooleyn.
3. Ina Mallo (0gadeen)
4. Ina Dorey (Majeerteen).. waa Darwish, Abshir Dhoore Wallaashii.
5. Barni Maxamud Sugule (Dhulbahanta Bah ararsame)
6. Ina Yuusuf Xayle (Ogaden Bah geri)
7. Ina Xuseen (Dhulbahante Cali-geri)
8. Ina Cali Shire (Warsangeli)
9. Ina Islaan (Majeerteen)
10. Ina Cali Ibrahim ( Warsangeli)
11. Ina Dayib (Mareexaan)
12. Ina Oogle Guri (Dhulbahante Cali-geri).
13 Ina Ducaale Caadle. (Habar Tol-jeclo, Aadan Madoobe)
14. Ina Cali. Waa Ina Cali Xassan, waxay walaalo yihiin Abaanduulihii Daraawiishta, Ibraahim Cali Xassan. (Ibraahim Buqul). Waa (Habar Tal-jeclo Aadan Madoobe).
Haddaba waxaa halkan ka cad in qorayaasha Soomaaliyeed ee Taariikhda Sayid Maxamed iyo dumarkii uu qabi jiray wax ka qoraa, ay Been cad ka sameeyaan oo ay Marxuumkaas dulmiyaan, Waayo tusaale ahaan buuga Tiirka Colaada ee uu Qoray AHN.Cabdiqadir Aromo, wuxuu ku sheegayaa inuu Sayid Maxamed qabey dumar ka baddan 33. Wuxuuna taxayaa Magacyo u baddan qaar aan jirin oo uu ku sheegayo inay dumarkii Sayid Maxamed ahayeen.
Waxaa halkan ka cad in Cadowgii uu Sayid Maxamed la dagaalamaayey ee Ingiriisku ay xaga taariikhda runta uga dhaw yihiin, Somalidii uu ka dhashay Sayid Maxamed. Waayo Ingiriisku Baadhis uu mudo saddex sanno ah sameeynaayey iyo xog uruurin baddan oo uu sameeyay, ayuu ku ogaadey kuna xaqiijiyay, Abtirsiinta reer Xassan Nuur.. Lakiin Somalidii uu Sayid Maxamed ka dhashay, 14-kii dumar ahaa ee uu 20 sano guursadey ayay u saddex jibaareen oo ay uga dhigeen inuu guursadey 33 dumar ah. Waar bal Dulmigaas cad eega! Subxaan!.
Waxaa jira madax baddan oo Muslimiin ah oo dumar baddan guursadey sida Boqor Cabdalihii Sucuudiga oo guursadey intii uu noola dumar ka baddan soddon lammana odhan karo boqorkaasi sifo sharciga Islaamka ka baxsan ayuu dumarkaas u guursadey oo Afar, dumar ah wax ka badan ayuu markiiba qabey.. Waxaana dhacda sideedaba hadii uu qofku hogaamiye yahay in cid waliba la jeclaato inay ama isaga ka guursadaan ama ay la xididaanba. Labbaatan sanno oo Sayid Maxamed, ummada Soomaaliyeed oo dhami, marba qaybi la heshiineysey, qaybna la coloobeysey, misana uu marba meel u guuraayey, Shaqsiyan waxaan qabaa inuu Sayid Maxamed labaatan kaas sanno uu 14-kaas dumar ah iyo ka baddanba si xalaala ku guursan karaayey, si xalaalana uu dumar kaas ku wadda guursadey.
Waxaase Cajiib ah in Cadowgiisu wixii ay ka qoreen ay runta uga dhowdahay wixii ay dadkii uu u dagaalamaayey isaga ka qoreen.
F.G. Sawirkan magacyada qaybta aan xariijinta madow ee afar geesta geliyay waa Dumarkii Xassan Nuur. Qaybta aan Casaanka geliyayna waa Dumarkii Cabdalle Xassan, Qaybta aan Buluuga geliyayna waa Dumarkii Sayid Maxamed Cabdalle Xassan. Qaybta ugu hooseysa ee Binkiga ahina waa Dumarkii ay qabeen, labbadii wiil ee Sayid Maxamed dhalay ee Mahdi iyo Abdiraxman Jahid. Labbadaas wiil oo keliya ayaa Caruurta Sayid Maxamed xiligaas Reero lahaa oo dumar qabey, dumarkii ay qabeen iyo magacyadooda iyo reeraha ay ka soo jeedaanba waata meesha ku taala.
Waxaa kale oo wanaagsan in la xasuusnaado in Sayid Maxamed markii la jebiyay Feb.1920, ee uu Iimey u baxsaday, inuu halkaas ku guursadey, lakiin ma huba dumarka uu guursaday ma mid ayay ahayd mise laba. Qoraalka Halkan ku yaala ee ISMAY qoreyna kuma xusno.. Wuxuuna Sayidku xiligaas Markii la jebiyay uu sii noola wax yar oo aan 10 bilood gaadheyn.
Raad-raac.
kingscollections/Archive
exhibitions/archives/armies-abroad/key-figures/ismay

W/Q. Suleyman Yusufdhakhtar
Suleyman Yusufdhakhtar

No comments:

Post a Comment