Sunday, October 25, 2015

SHEEKO XIKMAD LEH/ BY SALEEBAAN YOUSUF DHAKHTAR

Tartankii Madaxnimo ee Afarta nin!
Waxaa la yidhi afar nin ayaa wallaalo ahaa.Nin wuxuu ahaa Caalim, nina Geesi, nina Deeqsi,nina Abwaan.
Afartii nin ayaa is qabsaday waxayna isku qabsadeen taladii reerka. Caalimkii baa yidhi "Tallada ha la'ii daayo, maxaa yeelay idinku caamaad tihiin nin caamo ahina waa nin indhoola. Anigu diintaan aqaan,oo shareecadaan aqaan,oo ladqabadaan aqaan oo xirsi-xidhkaan aqaan, kolkaa waa inaad aniga tallada ii deysaan!.
Markaasaa Geesigii kacay,wuxuuna yidhi "Nimanyahow waad ogtihiin anigu geesibaan ahay nin alla ninkii soo duullana warankaygaas baan geliyaa, haddaan aniga la'iga cabsaneeyna,waa hore ayaa la'idin dhici lahaa. Kolkaas haddii aan anigu ahay ninkii idin difaacaayey,dee waa in aniga tallada la'iidaayaa!.
Deeqsi baa soo boodey wuxuuna yidhi "Horta anigu Deeqsi baan ahay,waxa aad ku dhaqan tihiina waa gacantayda,iyadaa rag idinka jeedisa xirsi-xidhna idiin ah,la'aanteyna rag ayaa Hunguri ama il idinku dili lahaa.Kolkaa waa inaad aniga tallada ii deysaan!
Abwaankii oo u danbeeyay ayaa kacay wuxuuna yidhi "Waar hooy nimanka! Saddexdiinuba saddex nin oo loo baahan yahay ayaad tihiin. Midkiina lagama maarmo,waxaase jirta saddexdiinuba midba meel gooniya ayuu wax ka qabashadeeda yaqaana ee reer ma waddi karo! Waddaadow adigu hanuuniyaad tahay, Geesiyoowna adna daafacaad tahay, Deeqsiyoowna adna sooraad tahay! Aniguse dhamaantiin baan ahay, ninka isku kiin waddaana waa aniga. Cilmi waa maxay? Dee waa caqli la uruurshey!. Geesina? Dee ka dirira uun maaha,meelo kale oo baddan ayaa iyana geesinimo u baahan. Deeqina aqoon bay u baahan tahay iyo xoolo. Kolkaa waar aniga tallada ha la'iidaayo!.
Afartii nin way heshiin waayeen markaasey socdaaleen oo cid kala saarta doonteen. Degmo reero yaaliin bay u tageen markaaseey u warameen kanna codsadeen inay kala saaraan. Degmadii waxay tidhi bal waayahaye meeshu libaax Afaran bay leedahay,habeen walbana qofbay degmadu u xidhaaye, haddii illaahay idinkeenay qofkii loo xidhi lahaa iska soo saara. Markii saa la yidhiba Afartii libaax ayaa isa soo taagey! Degmadiina way iska dareertay! Afartii nin ayaa tallo ku cadaatay oo qof hadla la waayey. Markaa waxaa kacay Abwaan oo yidhi "Waar caalim diin inagaga akhri" Kuye "Alamtaruu libaaxu lahaayoo soo dhaaf!. Waar Geesi inaga dhici! Kuye " Hubba ma sito" Waar Deeqsi wax u tuur. Kuye " Annaaba gaajeeysan". Ma wadda diideen bal hadda igu eega ayuu yidhi Abwaankii. Wuxuuna ku jeestay libaaxyadii,wuxuuna ku yidhi "Waar afartiinan libaax, annagu nin waanu idiin soo saareynaa, lakiin cad la yidhaahdo "Joharad" oo cimriga dheeraysa ayaa ku jirtee bal idinkuna kii cadkaas cuni lahaa iska soo dhex saara!.
Markaasaa Gooshii soo boodey oo tidhi "waa anni" Markaasaa Aarkii dhirbaaxo qaadayoo dhulka ugu tuuray, say halkii isku qabsadeen oo ku dagaalameen,cabaar markii ay dirirayeen. Ayaa baran-barqadii yarayd ee dhedig soo boodey oo tidhi"Annaa cunaya cadkaas". Markaas ayaa libaaxii yaraa iyana dheg iyo dhabban fujiyay. Halkii ayay afartii libaax, libbiyo labba isu qabsadeen!. Markaasuu Abwaankii yidhi"Waar haddaba intay qeybsan yihiin ee ay is haystaan idinna geesta kale kaga dhufta, markaas bay dusha kaga dhufteen oo afartii libaaxba halkii ku dhinteen".
Dabadeed waagu markii uu baryey ayaa degmadii soo baxday, waxayna arkeen afartii libaax oo la dilay, markaas ayey dadkii degmadu nimankii ku yidhaahdeen "waar kiinee hawshan fiican qabtey?. Nimankiina waxay yidhaahdeen "Abwaan". Markaas ayey degmadii tidhi, Abwaan lagu Boqor dunnidana adigu u tali! Halkaas ayaa Abwaan Taliye ku noqday.
Suleyman Yusufdhakhtar

No comments:

Post a Comment