Tuesday, September 15, 2015



SOMALILAND WAA IN AY QAADATAA HANAAN FADARAAL AH OO KA KOOBAN LABADII GOBOL EE MIDOOBAY 1/7/1960 KII...
Arintani waa xaqiiqo ina hor taala maanta ... 25 sanno ayaynu joognaa nabbada iyo kala danbayntu hadii aanay wadan horumar iyo dhaqaale la jaanqaada koritaanka dadka ma waarayaan mana jirayaan oo waad aragtaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba halka aynu maanta marayno ....
Dadkeenu waxa ay ku odhanayaan sidaas ayaanu ahaanaynaa hadii xataa ay qaadanayso 100 sanno oo sida TAIWAN ayaanu ahaan doonaa ,, dee adeer taiwan wax soo saarkeedii halkan aynu joogno ayaa lagu isticmaalaa aduunkuna isaga ayaaba u baahan maanta ..
Dadkeena 2 ba arrimood uunbaa u gudboon in ay shaqeeyaan oo ay sidaa Taiwan la yimaadaan wax soo saar abbadi ah oo iyaga loo baahdo taana hadda wadadeedii lama hayo lagumana haloosiyin... haddaba taa badalkeeda waxa inala gudboon in aynu keeno caqli... fikirka maanta meel inoo kaxayn karaa waa in aynu WALAALADEEN KOONFUR la wadaagno AQOONSIGA isla markaana maamulkeena DAAKHILIGA AH sideenaa u wadano taas oo macnaheedu yahay FADARAAL KA KOOBAN 2 DII GOBOL EE MIDOOBAY 1 DII BISHII 7 AAD/LUULYO EE 1960 KII.... waxaan qabaa in taasi tahay jidka maanta ina hor yaala ee dhinac uun loogu dhaqaaqi karo isla markaana SOMALILAND NA DAN U AH ... SOOMAALIYA NA DAN U AH...

No comments:

Post a Comment